Wednesday, June 7, 2023
Home Diblomaasiyadda Muqdisho iyo Midowga Afrika - Ma Heli Doonaan Hab La Isku Waafaqsan...

Muqdisho iyo Midowga Afrika – Ma Heli Doonaan Hab La Isku Waafaqsan Yahay?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo waqtigiisii gabagabo yahay ayaa dibuhabayntiisii weli la isku mari la’yahay. Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa si wadajir ah ugu coddeeyey Talaadadii December 21, 2021 qaraarka (2614 – 2021) muddo kordhinta AMISOM ilaa March 31, 2022 oo uu diyaariyey wakiilka dalka Britain (UK).

Qaraarku waxuu fursad siinayaa Soomaaliyaa iyo Ururka Midowga Afrika inay ku heshiiyaan sidii si wadajirah  loogu qaabeyn lahaa hawlgalka amase gabi ahaanba loo soo afjari lahaa. Farqiga u dhexeeya yididdiillooyinka Soomaaliya iyo fikradda Midowga Afrika ee joogtaynta hawlgalka ballaaran ee AMISOM ayaa ah kaaf iyo kala dheeri.

Qorshaha kala guurka (Somali Transition Plan – STP) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qeexaya yoolal tififtiran haddana wada muddaysan oo seddax sano gudahood mas’uuliyadda amniga tillaabo tillaabo loogu wareejinayo ciidanka amniga si tartiib ahna loogu soo afjaro hawlgalka AMISOM.  

Balse, Midowga Afrika oo taas ka boodsan ayaa doonaya: (b) In muddo lix sano ah oo dambe la joogteeyo hawlgalka ballaaran laguna wareejiyo QM; (t) In loo daayo hawlgalka sida uu yahay haddii taa la waayo; amase (j) Inay ciidamada nabad ilaalinta iskaga bixi doonaan dalka si degdeg ah, taasoo ah halis hore leh. 

Waxaase layaab leh, haba ku kala aragti duwanaadeene, in dalal Maraykanka, Faransiiska, Britain (UK), Shiinaha iyo Ruushka ay wada taageeraan qaraarka taasoo daliil u ah in inta badan isku waafaqsan yihiin in isbeddel waaqici ah lagu sameeyo hawlgalka.

Dhacdadu waxay diiradda saaraysaa laba arrimood:

  1. In xubnaha ay hore ugu soo heshiiyeen sida ka muuqata doodda qaadatay wax ka yar toban daqiiqo iyadoo bil ka hor Golaha uu ku ansixiyay dheeraynta cunaqabataynta hubka cod ay ka aamuseen Ruusha iyo Shiinaha; iyo
  2. In Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), gaar ahaan madaxweynaha, oo ku hawlan arrimaha doorashada, uu ka gaabiyay inuu u ololeeyo taageerista qoorshaha kalaguurka (STP) ee la wareegidda amniga dalka.

Hakadka dadaalkii diblomaasiyadeed ee DFS wuxuu fursad siiyay dalka UK oo lahaa qoraalqabyaha go’aanka Golaha uu November 2021 ku dheereeyay cunaqabataynta hubka misna si jees-jees ah u leh in “dowladdiisa ay taageeryso dibudhiska qaranka Soomaaliya oo ay ka mid tahay qalabaynta xoogagga amniga iyo xannibaadda ilaha dhaqaale ee Al Shabaab.”

Dowladda UK iyo Faransiiska oo hormarinayo danaha shirkadahooda isbahaystay waxay dhankooda usoo jiidan karaan Maraykanka, oo u janjeera ilaa hadda in la tixgeliyo rabitaanka Soomaliya, iyo kuwa kaleba taasoo hakad gelin karta mashruuca la wareegidda amniga Qaranka. Weliba kaba daranee xitaa dhici karta in madaxbannaanida dalka laga tillaabsado  iyadoo lagu marmarsiyoonayo khatarta ay Al Shabaab u leedahay amniga aagga [Kenya].

Dhanka kale, hubinti la’aanta maaliyadda hawlgalka ayaa muran dhex dhigtay xubnaha Afrikaanka ah ee Golaha Amniga iyo dalalka reer galbeedka. Deeq-bixiyeyaasha tunka ku siday ilaa 2007 culayska gunnooyinka askarta iyo kharashyada kale (800 boqol malyan doolar sanadkii) ayaa ka walaacsan hawlqabadka horumarka yar leh ee AMISOM. 

Faransiiska oo ka turjumaya daalka deeq-bixiyeyaasha ayaa u ololeynaya in dhaqaalaha reer Yurub ku bixiyaan AMISOM, oo dhan 80% wadarta guud ee miisaaniyadda loo qoondeeyay, loo wareejiyo galbeedka Afrika (G5 Sahel Joint Force). 

Si kastaba ha ahaate, is-mariwaaga dibuhabeynta AMISOM kuma eka golaha keliya ee sidoo kale muranka waxuu dhex yaal siyaasiyiinta Soomaaliyeed – mucaaradka iyo muxaafadka. Muxaafidka waxuu ku dooddayaa in joogitaanka ciidamada AMISOM uu kordhinayo ku tiirsanaanta cudud shisheeye oo inta badan shuruudeedsan hoosna u dhiggayso dib u soo kabashada hay’adaha amniga dalka. 

Qayb ka mid ah mucaaradka, oo cabsi ka qabo waxa dhici kara haddii la soo afjaro, ayaa ku dooddaya in hawlgalka Midowga Afrika (AMISOM) bartiisa loo daayo. Halka, horusocodka mucaaradka uu xitaa qabo in AMISOM gebi ahaan la soo afjaro.

Waxayse dood ka taagneyn in dalalka ciidamo ka joogaan dalka ay AMISOM ka dhigteen mashruuc ay deeq-bixiyeyaashu ku maalan iyadoo weliba dalal cusub ay u soo hanqaltaagayaan inay ku soo biiraan 20 kun ee hore u joogay (AFP 11/10/2021). 

Midowga Afrika waxuu u baahan yahay inuu qaab dhab ah u wajaho xaqiiqda. Ma suurtobayso in loo seetadheereyo hawlgal aan 14 sanadood ka soo hooyn argaggixisada guul lagu naallooda dalkana u qaybiyey miyi ay ka taliso argagixisada iyo magaalo xukun dowladeed uu ka jiro. Shacabka Soomaaliyeed waxay doonayaa dowlad dalka oo idil ka talisa.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments