Wednesday, December 6, 2023
Home Siyaasadda Farmaajo iyo Rooble oo Ku Khamaaraya Soomaaliya Xilligii Ugu Xumaa

Farmaajo iyo Rooble oo Ku Khamaaraya Soomaaliya Xilligii Ugu Xumaa

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Qalalaasaha siyaasadeed ayaa galay marxalad halis ah kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu December 26, 2021 Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ka laalay awoodaha.

Farmaajo wuxuu ku eedeeyay Rooble musuqmaasuq – dhul boob iyo cabburin baaris  sharciyeed waxuuna iskudday  inuu ku muquuniyo awood. Rooble isna wuxuu isu diyaariyay iska-horimaad isagoo ku tilmaamay tallabada Farmaajo “iskuday afgembi lala beegsaday xukuumadda, dastuurka, iyo shuruucda dalka”.

Talada waxay faraha ka baxday markii dalka oo idil laga waayay cid aan buun colaad yeerinaynin welibana Midowga Musharrixiinta ku dhawaaqeen inuusan xal kale jirin in Farmaajo Villa Somalia laga soo saaro mooyee. Halka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo kuwa kalena la safteen Nabad iyo Nolal.

Dhanka kale, heshiisiin, waan waan, iyo u-kala-dabqaadid wax ku ool ah wax warkooda haya ayaaba la waayay. Dhaqanka ceynkaas ah waxuu kansho (fursad) siiyay qoon isku magaacaabay Badbaado Qaran oon horey loo arag iyo dagaal ogaayaal darajada labaad ah oo jidbaysan [Muuse Suudi Yalaxow, Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde, Maxamed Abuukar Jacfar iwm.]

Waxaa la yaab leh in qoonkani aysan dhegba jalag u siin in maalintii koowaadba uu Maxamed Xuseen Rooble  yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa musharrax sidaas daraaddeed ha ku ekaado” doorkiisaas ah  musharraxa.

Warbaahinta dalka badideeda, oo aan la oggeyn faa’iidada colaadda ugu jirto, ayaa adeegsatay qalmaan baaruud leh oo dabka sii huriyey. Waxaa ugu foolxumayd in kuwa aad loo akhristo xitaa ay wararka ay “suurayeen” iyagoo dabool saaraya war kastoo xiisadda dejin kara ama xal nabadeed keenaya.

Cid soo xusuusata murtidii oranaysa: “Nabad iyo colaadba carrabba keena,” ayaa la waayay. Gabar saluugsan sida wax u yaallaan ayaa tiri, “samaankaaba aqyaar lama arag.

Waxaad mooddaa in miyirka uu soo noqday. Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Jan. Odowaa Yuusuf Raage iyo midka Booliiska Jan. Cabdi Xasan Xijaar ayaa hadal qiiro qaran leh u jeediyey saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed.

Dawladaha daneeya Soomaaliya oo ay ugu horrayso Maraykanka ayaa ka codsadeen labada hooggaamiye in khilaaafka meel layska dhigo oo lagu dhaqaaqo sidii loo dhammaystiri lahaa doorashada oo ah xalka keliye oo Soomaaliya maanta hor yaalla.

Siyaasad cakiran oo aan xal loo helin, khaladaadka ka jira nidaamka doorashada oo aan la saxin, iyo wax is-dabamarin aan la baarin ayaa abuuray caqabadaha. 

Haseyeeshee, shaqo ka joojinta Rooble ma ahayn ikhtaarka ugu wanaagsan ee lagu xallin karay xiisadda dhowr sababood dartood: (b) Ra’iisulwasaaraha oo la eedeyay maxkamadna aysan ku caddayn dambiga; (t) Xil wareejinta hoggaaminta doorashooyinka oo ku timid gorgortan siyaasadeed; iyo (j) Xukuumaddan oo ah middii Xilhaynta Dastuuriga (Caretaker) oo gaarsiinaysa dalka ilaa Madaxweyne cusub uu xilka la wareego.

Khilaafka siyaasadeed oo u dhexeeya labada hoggaamiye ayaa sii xumaaday kaddib markii Farmaajo uu kor u qaaday damaciisa soo noqosho, Rooblena ka gaabiyay inuu noqdo hoggaamiye go’aan adag oo ka dhabeeya doorasho hufan iyadoo la saxayo khaladaadka ka jira nidaamka.

Madaxweyne Farmaajo shacbiyaddii dawdweynaha uu ka kaasbaday saddexdii sanadood ee ugu horraysay wuxuu qubay markii uu madaxa gashaday, wax kastaba ha ku kalliftee, inuu burburiyo sunnadii awood isku dhiibka nabdoon wuxuuna noqday “Ninkii boqolka soomay oo bakhtiga ku afuray.”

Dhanka kale, Rooble oo laga filayay inuu xilka loo igmaday uu u guto si habboon ayaa marar badan muujiyay inuu indhaha ka xirto xilgudashadiisa ebyoon, soona baraarugo marka cadaadis dibadda ama gudaha uu kordho.

Soomaaliya uma baahna kacdoon isdabajoog ah, afgambi lagu sameeynayo xukuumadda, dastuurka iyo shuruucdaba. Waxay u baahan tahay tartan siyaasadeed oo caafimaad qaba oo mucaaradka awood u helo inuu si sharciga waafaqsan uga qaybgalo awood qaybsiga qaranka. 

Jawaabta ay beesha caalamka ka bixiyaan xiisaddaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa inta badan ku eg cadaadis dusha ah amase wax qabad ku meel gaar ah (ad hoc responses). Dalku waxuu u baahan yahay in laga qabto carqaladeeyayaasha sokeeye iyo shisheeyaba.

Saaxiibbada Soomaaliya waxaa laga tabayaa in dalka ay ku taakuleeyaan dibuhabeynta hannaanka caddaaladda, iyo xoojinta sharciga iyo kala dambeynta. Markaas keliya ayaa laga lug bixin doonaan caqabadaha soo noqnoqanaya, saaxiibaduna ay noqon karaan lammaane qiimo leh oo gacan ka geysanaya dib-u-heshiisiinta ummadda.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments