Tafiftiraha Jamhuriyadda
Soddon sanao oo burbur ah kaddib waxyaalaha xasuusta nagu reebay sanadka 2021 oo saamayn weyn ku yeeshay adduunka waxaa ugu weynaa in Soomaaliya October 12, 2021 guul diwaanka taariikhda gashay uga soo hoyatay dacwaddii baddeedda ee kala dhaxeysay Kenya.
Guushaa oo ku timid feejignaanta Muna Maxamed Cali Sharmaan oo ayadoo aan cid kale u adeejin isu xilsaartay sidii ay ummadda Soomaaliyeed u soo gaarsiin lahayd qaylodhaan kaddib markii ay oggaatay in Kenya damacsan tahay inay dib u xarriiqdo sohdin-badeedka ay la wadaagto Soomaaliya qiilna ka dhigato heshiis ay la gashay dalka, indhahana caro ugu shubto Muqdisho.
Soomaaliya oo burburkii kaddib aan lahayn dowlad kafaalo qaadi kartay kharasha ergadeeda u fadhiyo Qaramada Midoobay ayaa ku qasbanayd inay bil walba ugu gudbiso xafiiska Xog-hayaha Guud xisaab celin tifaftiran si looga bixiyo kharashyo kooban. In muddo ahba, hawlgalka waxaa ku adkaa helitaanka qareen waqti macquul ah ugu tasdiiqa xisaab-celinta, si waafaqsan shuruudaha ku xiran habraaca miisaaniyadda.
Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo ahaa madaxa Ergayda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Dr. Muna Sharmaan oo ka soo qalanjebisay Jaamacadda Harvard, Shaqana ka billoday 2001 shirkadda “Weil, Gotshal & Mange see New York islamarkaasna ka mid noqotay lataliyayaasha hay’adda sharciga badaha ee QM ee “UNCLOS” ka codsatay inay gacan ka siiso tasdiiqa kharashyada.
Fursadaas waxay Qareen Muna Sharmaan kaga faa’iideysatay inay Dr. Cilmi – oo qaati ka jooggay tixgelin la’aanta Xoghayaha Guud ee QM codsigii Dowladda Federalka Soomaaliya ee October 10, 2009 – la wadaagto xog uusan wax badan ka hayn. Sidaas ayuu Dr. Cilmi Axmed Ducaale ugu soo jeediyay Fawzia Xaaji Aadan oo ahayd Wasiiradda Arrimaha Dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay la kulanto Muna Maxamed Cali Sharmaan.
Wargeyska Jamhuriyadda waxuu sanadkaan u doortay“Shakhsiga Sanadka 2021 – Person of Year” Qareen Muna Maxamed Cali Sharmaan oo meel aan la filayn Eebe uga soo saaray dalka.” Qayladhaanta Muna Sharmaan iyo juhdiga ay gelisay qadiyadda badda ayaa lagu guulaystay. Guusha waxay suurtowday kaddib markay qodobbadii tiirka u ahaa sheegashada Kenya ay hal hal u burburisay si sharci.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.