Tafiftiraha Jamhuriyadda
Iscasilaadda Ra’iisulwasaare Cabdalla Xamduuk ayaa qalalaase hor leh gelisay dimuqraadiyaddii Sudan. Tillaabada oo timid wax ka yar laba bilood kaddib markii xabsi guriga laga soo daayey ayaa loo sababayaa siyaasadda cakiran. October 25, 2021 ayaa afgambi lagu kala diray dowladdii rayidka ahayd iyo Golihii hay’adda awood qaybsi ciidamada iyo rayidka.
Golaha ciidamada oo ku dhawaaqay inuu xukunka sii hayn doono ilaa doorasho la qabto 2023 ayaa cadaadis gudaha iyo dibeddaba kala kulmay mar kalena huriweyto ugu dhiibay Cabadalla Xamduuk dib u dhiska dowlad aysan caddayn inta ay le’eg tahay awooddeeda.
Xamduuk oo Axaddii January 2, 2022 kala hadlay qaranka idaacadda ayaa sheegay in wixii ka dambeyey afgambigii October uu ku guuldarraystay inuu helo heshiis siyaasadeed oo ay isku waafaqsan yihiin janannada talada haya iyo xoogga dimoqraadiyadda.
Saacado ka hor inta uu iscasilin ayaa kumannaan dibadbaxayey oo diiddan heshiiska dib loogu soo celiyay ku baaqayeen in awoodda gebigeedba lagu wareejiyo rayidka. Cadaadiska lagu hayo dibadbaxayaasha dimuqraaddi-doon oo kordhay ayaa xoojiyay in dadweynaha rumeystaan in dib u soo celinta Xamduuk ay gacan ka geysaneyso sharciyeenta awood la wareegga militeriga.
Waxaa la isku waafaqsan yahay in Xamduuk oo waayay xoogag siyaasi ah oo ka qayb qaata xukuumaddiisa ay soo dedejisay iscasilaadda. Heshiis ay November 21, 2021 wadaggaleen Jen. Cabdi-Faatax Burhan iyo Cabdalla Xamduuk ayaan siin mudnaan dhaqdhaqaaqa dimuqraaddi-doonka ee ka dambeyey kacdoonkii lagu riday kelitaliskii Al-Bashir.
Afgambigii October, oo ay dhiirigaliyeen qaar ka mid ah waddamada gobolka, ayaa dhabjiyey geeddi-socodkii loogu jiray in awoodda lagu wareejiyo xukun dimuqraaddi ah tan iyo 2019kii.
Dadaalkii Xamduuk wuxuu soo afjarmay xilli farqi ballaaran u dhaxeyo siyaasiyiinta rayadka ah iyo hoggaanka ciidamada, xallinta khilaafaadka ka dhex jira xoogagga xorriyada iyo isbaddelkana (Forces for Freedom and Change) uu fashilmay.
Xoogagga dimuqraaddi-doonka ah ee ugu waaweyn dalka oo ay ka mid yihi:Cadaaladda iyo Sinnaanta, Xisbiga Al Ittixaad- ee asliga ah- Jabhadda Kacaanka, Xisbiga Ummadda, Xorriyadda iyo Isbeddela oo ay weheliyaan toban (10) xisbi kale ayaa iclaamiyeen in 5ta Jannaayo, 2022 ay furayaan shirweyn lagu flanqaynayo helitaanka waxa ay ugu yeereen: Mithaaq (Heshiis, Covenant) Siyaasi ah oo buuxa, kaddib marka lagu heshiiyana lagu dhaqmi doono iyadoon laga bayrin.
Waxaa kaloo jira in shacbiga uusan ku kalsoonayn in xoogagga siyaasadda Suudaan qudhooda oo ay tala faraha ugu jirin. Sidaas daraaddeed, shacbiga wuxuu wadayaa joogtaynta bannaanbaxyada iyo abuuridda Guddiyo Kacdoon dhammaan degmooyinka iyo gobollada dalka. Ilaa maanta waxay askarta afgembiga ku dileen 75 qof oo dhammaantooda takhaartirta caddeeyeen inay u dhinteen rasaas.
Waqtiga xaadirka ah, ma sahlana in la helo tanaasul siyaasadeed oo dhexmaraya hoggaamiyeyaasha militeriga, dibadbaxayaasha waddooyinka iyo dhaqdhaqaaqa dimuqraaddi-doonka ah, si dib loogu qeexo khariidad badbaadisa qaranka Sudan.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.