Saturday, June 3, 2023
Home Diblomaasiyadda Ficiltanka Mareykanka iyo Shiinaha Saameyn Ma Ku Yeelan Doontaa Doorashada Soomaaliya?

Ficiltanka Mareykanka iyo Shiinaha Saameyn Ma Ku Yeelan Doontaa Doorashada Soomaaliya?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Ergaga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa sagaal bilood ka dib ku guuldarraystay inuu gobolka u janjeeriyo dhanka reer galbeedka iyadoo xilkiisa uu la wareegi doono David Satterfield oo ah Danjiraha Mareykanka u fadhiyey Turkiga. 

Waxaa iyadana cusub in Shiinuhu u soo xayd-xaydtay dhanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda, iyogoo lagu yiqiin ganacsi iyo maalgashi, taas oo muujinayso inuu rabo inuu lug ku yeelato masiirka siyaasadda gobolka. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha oo socdaal ku marayay gobolka ayaa Khamiistii January 6, 2022 Mombasa uga dhawaaqay in Beijing u soo magacaabi doonto Geeska Afrika ergay gaar ah oo xasillinta xiisadaha kala shaqeeyo xilli kii Washington u fadhiyey uu sii socdo isagoo lagu eedeynayo inuu doorkiisii ka gaabiyay. 

Feltman oo jagada loo dhiibay Abril 2021, ayaa iscasilaaddiisa aan hore loo shaacin ku soo beegantay maalin ka hor safar uu kula kulmayey Abiy Axmed oo ismariwaagga kala dhexeeyo. Socdaalka ayaa qayb ka ah dadaal Washington ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa colaadda raagaatay ee Itoobbiya. 

Diblomaasiyaddii Mareykanka ku xakamadayn lahayd colaadda Itoobbiya, kacdoonka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo jahaynta kala guurka murugsan ee Sudan ayaa waxaa hakiyey fahmid xumo.

Qaladku waxuu dhacay markii Ergayda gaarka ah ee reer galbeedka, Jeffrey Feltman (Mareykanka), Frédéric Clavier (Faransiiska), iyo Annette Weber (Midowga Yurub), ay wada dhayalsadeen xaqiiqda, kuna  ajarmeen tororogta hoggaanka jabhadda TPLF, taas oo ka ilduufisay mabda’a ah in “mar kastaba guushu raacdo hadba dhanka shacabka xigsado.”

Ma aha markii ugu horreysay ee Mareykanku ku hungoobo colaad ay Midowga Yurub iyo UK shideen. Waxaa hore loogu lug go’ay  in ciidamada Itoobbiya lagu qumiyey Soomaaliya, colaaddaas oo lagu tiriyo mid ka mid ah kuwa ugu dhiig daadasho badnaa qaaraadda, Soomaaliyana ku reebtay argaggixiso aan muuqan sida looga takhallusi doono.

Feltman waxaa seegtay in cunaqabateynta Washington, oo uu Shiinaha ka soo horjeedo, aan lagu keliyeelin dowladda Itoobbiya si tanaasul looga wada helo labada dhinacba.

Dhaleeceyn ka dhan ah siyaasadda Biden ee Geeska Afrika ayaa leh, isku hallaynta dadaallada diblomaasiyadeed ee Kenya ayaa ahayd qalad aan laga fiirsan. Waxaa muuqata in Washington aysan si hoose ula socon siyaasadda gobolka. Dareenka Kenya ay ka qabto iskaashiga ka dhexeeya Eritrea, Itoobbiya, iyo Soomaaliya ayaa kordhiyay jahawareerka reer galbeedka.

Iscasilaada Ergayga Biden oo ku soo beegantay maalmo kaddib markii ra’iisulwasaarihii Sudan Cabdalla Xamduuk uu isku casilay guuldarro ka raacday helid la’aantii heshiis siyaasadeed oo ay isku waafaqsan yihiin janannada talada haya iyo xoogga dimoqraadiyadda ayaa iyadana muujineysa marin habawga ku dhaca Washington. 

Afgambigii October 25, 2021, oo dhiiriggeliyeen Masar iyo Faransiiska dhacayna saacado kaddib markii Feltman ka tegay Khartoum, ayaa dhabjiyey geeddi-socodkii loogu jiray awood ku wareejinta xukun dimuqraaddi ah.

Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed oo aad uga carooday dhaqanka Maraykanka iyo Yurub, ayaa kaga aargoostay cafis uu u fidiyay maxaabbiistii ugu muhiimsanayd muccaaradka Oromo, iyo Tigray [Jawar Maxamed iyo Esknider Nega] uguna baaqay dibusheesiin qaran oo dhab ah. Tallaabadiisa ayaa lagu tilmmaamay inay tahay  “hagaajin wadciga siyaasadeed” oo u horseedda wadahadal qaran.

Magacaabista David Satterfield, oo waayo-aragnimo afartan sanadood kor u dhaaftay ku leh qaar ka mid ah iska horimaadyada ugu adag dunida, xidhiidhkii xumaaday ee Mareykanka iyo Turkigana xakameeyey ayaa la filayaa inuu xal u helo caqabadaha murugsan ee Geeska Afrika xilli ay xoogaggii TPLF jabeen, nidaamka dowladnimada Soomaaliyana ay gebi ahaanba dhabjisay faragelin shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, isku beddelka diblomaasiyiinta oo aysan wehlinin dib u hagaajinta wixii qaldamay ma siin doonto fursad labaad Washington, oo tan iyo  burburkii Midowga Sofiyeeti aan dib u eegin siyaasaddiisa Geeska Afrika.

Haseyeeshee, inuu Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken uu garwaaqsado in gobolku u baahan yahay feejignaan ayaa astaan horudhac u ah sida Mareykanka uu u danaynayo Geeska Afrika. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments