Thursday, September 28, 2023
Home Diblomaasiyadda Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeeysa Calaacalka Hawlgalka “Atlanta” ee Midowga Yurub?

Waa Maxay Ujeeddada Ka Dambeeysa Calaacalka Hawlgalka “Atlanta” ee Midowga Yurub?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Toddobaadkii dhawaa ayaa wargeyska Euobserver qoray in howlgalka Midowga Yurub ee “Atlanta” uu halis ugu jiro inuu lumiyo wixii ka dambeeya March 31, 2022 oggolaanshaha [Qaramada Midoobay QM] ay ku baacsanayeen burcad-badeedda biyaha Soomaaliya.

Sida muuqata Midowga Yurub waxuu u digdig leeyahay inuu oggolaasho u helo ku xadgudubka madaxbannaanida Soomaaliya. Muddo afar sano ah, xeebaha Soomaaliya kama dhicin fal burcad badeed. Taasi waxay marag ka tahay sida dalka iska xilsaaray arrinka, iyo in la gaaray waqtigii gebi ahaanba la soo afjari lahaa hawlgalka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa December 3, 2021 ka soo horjeesatay hindiso lagu cusbooneysiin lahaa mashruuca la dagaallanka “dhaca hubaysan iyo burcad badeedda” xeebaheeda oo ay hoostooda si joogta ah uga dhacdo kalluumeysiga sharci darrada ah ee ugu weyn dunida.  

Golaha Amniga QM ayaa December 2008, dalal ay ka mid yihiin kuwa Midowga Yurub, Bariga iyo Geeska Afrika, Shiinaha, Ruushka, Hindiya, Japan, iyo Koonfurta Kuuriya u fasaxay inay xeebaha Soomaaliya kula dagaallamaan burcad badeedda. Mashruucu waxuu noqday mid u furan dhammaan 193 dal ee xubnaha ka ah QM. 

Warbixinta uu soo xigtay Euobserver ayaa sheegaysa in Midowga Yurub uu ku cadaadinayo dowladda Soomaaliya in muddo kordhin ilaa sagaal bilood ah la siiyo iyagoo dalka ka taakuleynaya tayeynta militeri oo aysan horey wax uga qaban.

Dalku ma laha ciidamo baaxad leh oo ku filan ilaalinta amniga badda taas oo u sahashay maraakiibta shisheeyaha inay si sharci darro ah uga kalluumaystaan biyaha iyadoo aan lala socon.

Nasiib darro, Ciidamada badda Midowga Yurub ee ku hawlanaa in ka badan 14 sano la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya marnaba iskama xil saarin inay wax ka qabataan kalluumeysiga sharci darrada ah iyo qashinka sunta  “radioactive” ah ee shirkadaha dalalkoodu ku qubaan xeebaha Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Arrintan oo uu wax badan ka hadlay suxifiga Roberto Saviano ayuu ku sheegay in qandaraslayaashu yihiin maafiyada Koonfurta Talyaaniga.

Soomaaliya waxba kama qabto cid kasta oo fal burcad-badeed kula dagaallameysa badweynta ka baxsan dhul-badeedkeeda (high seas and in exclusive economic zones). Waxayse diidan tahay in burcad-badeed loogu soo marmarsiyoodo ku xadgudubka madaxbannaanida dalka.  

Marka la eego sharciga caalamiga ah, haddii fal burcadeedka ka dhaco 12ka mayl ee biyaha dalka gudahooda (territorial water), waxaa xilka wax ka qabashadiisa leh dalkaas [Soomaaliya], sida ku cad Axdiga QM ee sharcia badaha 1982. 

Ilo xog-ogolaal ah ayaa sheegaya in Midowga Yurub, oo xidhiidhka kala dhexeeya DFS uu liitay tan iyo markii Golaha Shacabka sida sharci darrada ah awoodda ugala noqday xukuumaddii ra’iisulwasare Xasan Cali Khayre, uu raadinayo in Soomaaliya ay ka hor leexato muddo kordhinta QM. Waxaase la yaab leh in ururku uusan doonayn inuu Soomaaliya la galo heshiis laba geesood ah.

Maanta waxaa Soomaaliya uga daran la dagaallanka burcad badeedda in biyaheeda laga dhigtay goob kalluumaysi bilaash ah “free-for-all fishing site” oo shirkadaha shisheeye – bari iyo galbeedba ku tartamayaan xaalufinta khayraadka, taas oo ka mid ah sababihii burcad badeednimada dalka biday. 

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu qanisan kalluumeysiga qaaradda Afrika oo weliba aan si weyn looga faa’iideysan. Ma sahlana ilaalinta xeebaha dhererkeedu le’eg yahay ilaa 3,333 Km, balse go’aanka shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka beri iyo badba waxuu dhabjiyey qorshe quwado shisheeye.

Xeebaha Soomaaliya waxaa soo maraya hub tahriib ah iyo shaqsiyaad shisheeye ee lagu argaggixiyo Geeska Afrika. Cidda gacanta ku haysa macluumaadkaas xasaasiga ah ayaana masiirka gobolka hoggaaminaysa.

In gacanta Midowga Yurub ay ka baxdo biyaha Soomaaliya, xilli galbeedka iyo bariga ku hardamayaan gobolka, ma sahlanaan doonto, balse wax badan waxay ku xiran yihiin doorashada madaxweynaha dalka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments