Tafiftiraha Jamhuriyadda
Horrantii January 2022, ayuu wargeyska Business Daily oo ka soo baxa Nairobi qoray inuu James Ng’ang’a oo ah madaxa hay’adda Shidaalka Kenya sheegay in December 28, 2021 shirkadda ENI (Agip) ay bilowday inay dib u sahamiso ceelka “Mlima-1” oo ku yaal xirmada “L11B.”
Kenya ayaa aagga biyaha badweynta Soomaaliya ruqsad sahamin u siisay 2012kii shirkaddaha Eni Energy (Talyaani), Total (Faransiis) iyo Anadarko Petroleum Corporation (Mareykan), gorgortanna la gashay shirkadda Statoil ee Norway iyo midda Urdun ee Edgo Energy oo uu maalgashtay Qadar Frist Bank (Reuters – July 2, 2012).
Sahaminta aagga Lamu-Basin oo qayb ka mid ah ku dhaceyso sohdin-badeedka Soomaaliya ayaa u muuqata daandaansi diblomaasiyadeed, xilli hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) uu ku hawlan yahay doorasho raagtay.
October 12, 2021 ayaa Maxkamadda ICJ xukun u iishay dhanka Soomaaliya ka gaartay dacwad la horgeeyay August 2014. Nairobi waxaa dhaqan u ah inay ku gacansyrto garsoorka caalamiga ah sida ay kula dhaqantay Maxkamadda ICC oo ku soo oogtay Uhuru Kenyatta ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha (DW News 19/09/2016).
Kenya oo maanka ku haysa in xukunka maxkamadda uu dhaqangeli karin ilaa labada dhinac ay u wada hoggaansamaan, ayaa rajadeedu tahay in Soomaaliya “dheef wadaag siman” la noqto. Waxayse ka ilduufaysaa in xilliga la jooggo Soomaaliya aysan baahi degdeg ah u qabin khayraadka ku jira aaga la soo dhiciyay.
Waxay rajo weyn ka qabtay inay shidaal ganacsi gala ka hesho xirmooyin ku yaal aaggaga Anza, Mandera and Tertiary Rift Basin, marka laga reebo Lamu-Basin, kuwaas oo aan ilaa hadda u muuqan kuwo dhawaanahaan soo burqan doono sida uu sheegayo war laga soo xigtay shirkadda Tullow Oil.
Welligence Energy Analytics ayaa ku tilmaamtay qodista Mlima-1 “sahmin muhiim ah” oo timid waqti loo baahnaa. Mlima-1 waa ceelkii ugu horreeyay ee laga qodo aagga Lamu-Basin tan iyo markii Soomaaliya ay dacwadda furtay (2014).
Xukunka Maxkamada ICJ oo aan Kenya ku qasbin magdhow dhaqaale, ayaa si toos ah u saameynaya shirkadaha ka hawlgala aagga oo horey looga digay sii wadidda barista Shidaal.
Xeeldheerayaasha shidaalka (petroleum geologist) ayaa Soomaaliya ku tilaamaya inay ka mid tahay baraha ugu muhiimsan xeebaha Bariga Afrika oo ay hoos taal 100 bilyan fuusto oo saliid ah weliba aan fogeyn (Dailysabah 23/04/2020).
ENI oo markii hore dhegaha ka furaysatay baaqa Soomaaliya ayaa, wixii ka dambeeyey boqashadii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo iskaashigii sirdoonka ee lagu soo furtay Silvia Romano oo November 20, 2018 laga qafaashay Kenya, u muuqatay inay dib uga soo laabatay mowqifkeedii hore.
Haddii qodista ceelka Mlima-1 laga fiiriyo dhanka san ku guuleysiga sahminta waxay astaan wanaagsan u noqon doontaa shidaalka lagu sheegay Soomaaliya oo ilaa hadda dalalka ka xiga koonfur wax aan gaas ahayn laga helin.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.