Thursday, June 1, 2023
Home Caalamka Yaman: Duullaanka Lagu Qaadayo Abu Dhabi Nabad Ma Ka Dhalan Doontaa?

Yaman: Duullaanka Lagu Qaadayo Abu Dhabi Nabad Ma Ka Dhalan Doontaa?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Washington ayaa Arbacadii January 19, 2022 si rasmi ah u qirtay markii ugu horreysay in Xuutiyiinta Yaman oo weeraray Isniintii January 17, 2022 Abu Dhabi National Oil Company (ADNOC) aysan adeegsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) keliya, balse ku isticmaaleen gantaallo qaarkood laga hortegay.

Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay jawaabtooda noqotay inay duqaynta cirka, oo khasaarooyin fara badan geystay maal iyo mootba leh, looga aargoosto Xuutiga iyadoo la garaacay meelo ay ka mid yihiin Xudayda, Sacda, Sanca, Ma’rib iwm.

Xudayda waxaa dhulka la dhigay isgaarsiinta Yaman gebigeedaba ilaa maantana, dalka oo idil, kama jirto Internet. Xabsiga Sacda waxaa ku geeriyoosay 70 maxbuus, sida ay soo tebiyeen Takhaatiirta MSF, dhaawacana waxuu kor u dhaafay 200.

Caasimadda Sanca melo fara badan ayaa la duqeeyay oo magaalada laga seexan waayay xiinka dayaaradaha. Duqaynta weli way socotaa waxaana la sheegaya in qoys  lagu dumiyay gurigoodi uusan cidna ka baxsan.

Shan sanadood ka hor, ayay Imaaraadku hoos u dhigeen joogitaankooda ciidan, kana fogaadeen wixii ka dambeeyey 2018 iska horimaadyada tooska ah ee Xuutiyiinta. Balse, weli waxaa muuqata inay si weyn ugu lug leeyihiin tababbarka iyo taakuleynta maleeshiyiinta deegaanka, kuwaas oo leh hammi isku dhafan. 

Imaaraadka waxay dhabtii ka taliyaan iyagoo adeegsanayo milishiayaalka ay tababbareen oo welina mushaar iyo hub ay siiyaan oo aan aqoonsanayn cid aan ka ahayn Abu Dhabi. Waxaa ugu wewyn maleeshiyada gooniggoosadka ah oo ku magac Dheer Golha Kala Guurka Koonfureed (STC) oo aan u oggolayn Xukuumadda Hadi inay cagta soo dhigaan Cadan.

Tan iyo March 2015, Imaaraadka Carbeed waxuu xubin muhiim ah ka ahaa isbahaysiga Sacuudiga ee taageersanayd dowladda dhexe ee Yaman. Haseyeeshee ma qarsoonayn inuu ka lahaayeen damac dekeddaha koonfurta taas oo si dadban qayb ka ahayd kala qeybsanaanta ka dhexdhacday isbahaysiga. Teeda kale Imaaraadka waxay xirmo iyaga u gaar ah ka dhigteen jasiiradda Soqodra oo ay saldhig meletari iyo tababbar ku leeyiin.

Kharashka baaxadda leh ee dagaalka lixda sano ka badan socday ayaa ku noqday Riyad mid culeys badan markii qiimaha shidaalka uu hoos u dhacay. Riyadh waxay baadigoob u gashay sidii ay uga lug bixi lahayd masiibada sababtay burbur, barakac, iyo macluul baahsan ee Yaman kaddib markii ay Abu Dhabi uga baxsatay. 

Sannadkii la soo dhaafay waxaa dhacay dhaqaalaha Koonfurta Yaman. Sarifka wuxuu gaaray halkii dollar 1500 Riyaal halka Waqooyiga uu ka yahay 600 Riyaal wax ka yar. Shacbiga koonfurta wuxuu eedda saarayaa  Imaaraadka oo naca loo qabo heer xun uu gaaray. Sannadkan cusub wax yar ayuu soo kabsaday haddana hoos ayuu u socdaa.

Sacuudiga wuxuu kala noqday fanka (Wadiica) oo uu horey u dhigay damaanad dhaqaale uu ku taakulayn jireen dhaqaalaha Yaman. Taasoo ka qaadday furka hoosudhac dhaqaale wax joojiyana aan lahayn Koonfurta oo idil.

Haddaba, ma laga yaabaa in duullaanka lagu hoobtay ee markii ugu horreysay lagu qaado dhulka Imaaraadka inuu beddelo wajiga colaadda taas oo nabad u horseedo dalka Yaman?

Inkastoo dagaalka uu dhaqaale ahaan dhaawacay Isbahaysiga iyo dalka Yaman  oo uu gebigiisaba la burburiyay kaabadihiisa shacbigiisana loo sababay macaluul haddana ma muuqato cid ay ka dhab taahy inuu u turo shacbiga Yaman oo ay dhibaatada ay ku dhacayso.

Xuutiga lix sano ka hor waxay ku ekaayeen gobolka Sacda oo  ay dawladda dhexe (Cali Cabddalle Saalax) ku qaadday lix dagaal. Maanta Woqooyiga badisdiisa ayay ka taliyaan, aqoonsi dadbanna way heleen, dhaqaalaha dalkana gacantooda ayuu ku jiraa, kharshna kuma bixiyaan waxaan dagaal ka ahayn, kuwa ku dihmanayana ma aha carruurtooda, balse waa dhallinyaro (Yaman iyo Oromo leh) la raafay ama lacag lagu sabay.

Dawladaha galbeedka oo Maraykanka ugu horreeyo docna dagaalka dhaqaaale ayaa kasoo gala, dhanka kalena waa dagaal ay ku hor istaagayaan Iran, iyagana kama muuqato niyad dagaalku ku istaago. Shacbiga Yamanna cid aan Rabbiga ahayn uma maqna.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments