Wednesday, April 24, 2024
Home Diblomaasiyadda Soomaaliya oo Madax Wareer Ka Qaaday Diblomaasiyadda Gergerka Imaaraadka

Soomaaliya oo Madax Wareer Ka Qaaday Diblomaasiyadda Gergerka Imaaraadka

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Imaaraadka Carbeed oo diblomaasiyad gerger (sadaqo) u adeegsanaya dib u hagaajinta xidhiidhkii kala dhexeeyey Soomaaliya ayaa kaga sii daray isfaham la’aanta labada dhinac. Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka bixiyay cudurdaar uusan hoggaanka sare meel isla dhigin lacag dhan ilaa 9.6 malyan doolar oo boliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) uu Abril 8, 2018 ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Diblomaasiyadda ayaa mar walba laga doorbidaa colaadda. Balse in January 7, 2022 Ra’iisulwasaare Rooble, oo ka qaabbilay safiirka Imaaraadka shaxnad gargaar oo kharashkeeda xamuul ka qiima badnaa, uu raalligelin bixiyo, ma u gogol xaarayso jawi xal u janjeera.

Maalin ka dib dhacdada Abril 9, 2018 ayuu Maxamed Sheikh Cusman Jawaari, oo ay u caddaatay in Imaaraadku ku milmay qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagnaa dalka, iska casilay guddoonka Golaha Shacbiga Barlamaanka Federaalka, taas oo marqaati cad u noqotay in Soomaaliya ay ka degi la’dahay faragelinta shisheeyaha. 

Halkii laga sugayay gargelyo iyo garaawsi ayuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Imaaraadka Anwar Gargash si kibir ku jiro u dafiray ujeeddadii loo waday, taas oo muujisay isla waynida, iyo xishood la’aantooda.

Inkastoo, isbahaysigii Sacuudiga iyo Imaaraadka ay cadowtooyo u hayeen Qadar iyo Turkiga oo dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya kaalin mug leh ka qaata, haddana Soomaaliya waxay ka dhoorsatay inay ku dhex milanto khilaafkooda. 

Gugii dhawaa, ayaa dal Kuwait oo gargelyo ka ahaa Abu Dhabi u soo jeediyey Somaaliya inay bixiso raalliggelin si ay labada dhinac u dhexdhexaadiso. Dhibane raalliggelin bixinaya ayaa baalmarsan maamuuska iyo xurmada u dhexeysa Dowaladaha.

Dhaleecayntu waxay tahay, marka meel layska dhigo warkii Xasan Xundubey Jimcaale, maxaa isku soo beegay gargaarka bini’aadannimo iyo in Soomaaliya oo dhibane u ah jujuub iyo caga jugleyn ay bixiso raalliggelin?

Sideedaba, yoolka qarsoon ee laga leeyahay gergerka ayaa ah u adeegidda danaha deeq-bixiyaasha. Balse, munaafaqnimada labalaabka ah ee Imaaraaka waxaa si buuxda daaha kaga qaaday in gerger ay ku shardiyeeleen raalligelin aan macquulka ahayn, xilli duunyo iyo dadba macluul u le’anayaan.

Waxaase la yaab leh, in dalka Imaaraadka oo faraggelintiisa qayaxan ee Yaman, Libiya, Sudan, Tunis, Eritrea, Jabuti, Soomaaliya, iwm la wada og yahay sida ay caddeeyeen ururro ay ka mid yihiin Amnesty Internatuional (Eeg Warbixinta A.I. ee UAE 2020) in uu daah ka saran yahay Ra’iisulwasaare Rooble.

Tani waxay ka tarjumaysaa in Maxamed Xuseen Rooble uu diiradda saaray loollanka kala dhexeeya Maxamed Cabdullahi Farmaajo keliya oo uu danaha Qaranka ka hormarinayo ka aargoosigiisa.

Rajadu waxay tahay in Ra’iisalwarsaare Rooble uusan ku dhicin  khaladka caynkaas ah marka uu wajihi doono dib usoo celinta iyo sixidda xidhiidhka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya. Balse, qotomiyo danaha dalka oo qura ah si uusan Qaranka u noqon dhibbanaha loollan siyaasadeed.

Runtii waa horumar wanaagsan in Soomaaliya iyo Imaaraadka ka gudbaan cadaawadooda soo jiitamaysay muddada. Bale, gergerka Imaaraadka marnaba kama marneen mu’aamaro lagu doonayo in ismaandhaafka siyaasadeed ee hoggaanka sare uusan dhammaan, qaatana qaab cakiran oo aan si sahlan looga bixin xasillooni darrada siyaasadeed ee uu dalku marayo. 

Waxaase nasiib darro ah, in Abu Dhabi mar kale u adeegsaneyso dib u haggaajinta xidhiidhkii labada dal dhagar raqiis ah. Maha waxay rabaan in marka ummadda ay isu diyaarinayso munaasabad farxadeed [awood isku wareejin nabdoon] inay dhex dhigan fowdo hor leh?

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments