Thursday, April 25, 2024
Home Diblomaasiyadda Danjiraha Cusub ee Maraykanka Ma u Furi Doonaa Baal Cusub Xidhiidhka Soomaaliya...

Danjiraha Cusub ee Maraykanka Ma u Furi Doonaa Baal Cusub Xidhiidhka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Sanad kaddib markii Larry E André loo soo magacaabay Safaaradda Mareykanka u fudhida Soomaaliya ayuu January 24, 2022 yimid Muqdisho iyadoo dalku isu diyaarinayo in si nabdoon awoodda laysugu wareejiyo. Danjire Larry André oo ilaa iyo 1990kii ka tirsanaa diblomaasiyadda ayaa hore uga soo noqday safiir dalalka Mauritania (2014-2017), iyo Jabuuti (2017-2021). 

Dib u dhaca imaashahiisa ayaa abuurtay walaac laga qabo in maamulka Joe Biden uusan haatan xiiso u hayn Soomaaliya. Sidoo kale, isku beddelka Larry André iyo Donald Yamamoto oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta ugu khibradda badan ee ka shaqayay qaaradda, dibna u furay 28 sanadood kaddib xarrunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa iyana kordhinaysay shakiga ah in ahmiyadda Soomaaliya ay hoos ula dhacday dib ugala noqoshadiisii ciidamada.

Danjire Larry André oo xilalka diblomaasiyadeed ee uu ka soo qabtay gobolka (Addis Ababa, Dar-salaam, Jubba, iyo Nairobi), ku beegan yihiin xilligii Mareykanka uu ku lug go’ay talooyin qalad ah oo ay soo jeediyeen khubarada uu ka mid ahaa David Shin iyo dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobbiya iyo Kenya kuwaas oo aan ka turjumaynin dhabta iyo aragtida Soomaaliyeed, shacbi iyo dowladba, ayaysan caddeyn sida uu baal cusub ugu furi karo dib u hagaajinta siyaasadda “xakamaynta – containment” ee lagu dhaqayay dalka soddonkii sanadood ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabidda Larry André oo ah diblomaasi xirfad leh iyo qoraalka bogga Twitter-ka safaaradda lasoo dhigay ee lahaa: “Aad ayuu u daneynayaa inuu shacabaka Soomaaliyeed si iskaashi leh ula shaqeeyo dalkooda iyo dowladda federaalka, si loo horumariyo danaha aan wadaagno ee dib usoo nooleynta Soomaaliya oo ah qaran amaan ah, barwaaqo iyo dimoqraaddi ah,” waxay wax ka tari doonaan danaha Mareykanka haddii Washington ay la timaado wacyi ka duwan kii hore dalka loogu dhaqayey.

Dhinaca kale, saaxibbada Soomaaliya oo ka qayb qaatay dib u dhiska ma aha inay geed ugu xiran yihiin dalka. Haddaba, haddii dowladda iyo saamilayda siyaasadda dalka ay ku negaadaan dhaqannada jahawareerka leh oo  ay muujiyeen sannadkii la soo dhaafay welina socda waxaa hubaal ah inay ka niyadjaabi doonaan. Maraykanka iyo boqortooyada Midowday (UK), iyo xiitaa Itoobbiya ay maanta asluub hor leh ku wajahaya qadiyada Somaliland taas oo digniin cad iyo farriin ku socota hoggaanka dalka ah in sabarka beesha caalamka uu xad leeyahay.

Dadka Soomaaliyeed waxay soo dhaweynayaan iskaashiga Mareykanka iyo go’aanka dib loogu soo celinayo tababaradda ciidamada Danab. Xilligaan siyaasaddii Maraykanka ee ku jahaysnayd dagaalka xag-jirta uu mudnaanta weyn ka yeelatay ka hortagga isballaarinta quwada waaweyn oo la tartamaya, haddii xidhiidhka aan si wadajir ah dib loogu qeexin si uu ula jaanqaado hammiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya, oo dalkoodu ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, waxay kallifi kartaa inay ku baadiggoobaan wadda ka beddelen tii ay ku socdeen.

Siyaasad inta badan u jahaysan jujuub iyo dano gaaban wax kuma laha Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya si kasta ha u jiljilcanaatee. Inta badan heshiisyada, ganacsiga iyo maalgelinta, reer galbeedka waxay yihiin kuwo mugdi ku jira (shaki). Danjire Larry André waxuu u baahan yahay inuu ka dhabeeyo ballanqaadkii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Blinken ee ahaa in dalkiisu uu wax ka beddeli doono dhaqankaas. Mareykanku waxuu u baahan yahay inuu la yimaado ganacsi maskax furan oo maalgashi ku sameeya Soomaaliya lana tartami kara saamaynta Shiinaha iyo Yurubta Galbeed.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments