Thursday, September 21, 2023
Home Siyaasadda Soomaaliya: Maangurracan Mugdi Kaama Saaro

Soomaaliya: Maangurracan Mugdi Kaama Saaro

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Soomaaliya ayaa xilligan guranaysa midho qadhaadh, oo ay ka dhaxashay, colaad sokeeye, faraggellin dibadeed, nidaam federaal iyo siyaasad qabiilaysan. Kala riixashada kuraasta, iyo xafiiltanka qabaa’ilka waxuu soo saaray danaystayaal, isu-cumaamaday (isu-duubay) wakiillada bulshada, balse ah “boobayaal”.

Qoraaga buugga “ The State in Africa” Jean Bayart, oo ah khabiir culuunta siyaasadda, ayaa dibudhaca Afrika dusha u saaray siyaasiyiinta ka soo jeedda qaaradda kuna tilmaamay kuwo cirweyn oo aan marnaba dhargeynin , isla markaasna aan xishoon “politics of belly, siyaasadda caloosha”.

Haatan waxaa dalka ka socda xulashada xubnaha labadda Aqal, oo haddii ay si nabad ah ku soo dhamaystirmaan dooranaya madaxweynaha hoggaamin doono dalka afarta sanno ee soo aadan.

Shacabka oo si buuxda uga qaybgala siyaasadda waxay keentaa kalsooni siyaasadeed, taana waxay abuurtaa kalsooni bulsho, kadibbna, waxaa dhasha dowladd la aamini karo, iyo mowaadiniin u hogaansan nidaamka iyo sharcigaba.

Soomaaliya wey ka habowday waddadii ay ku heli lahayd dowlad la aamini karo, oo dalka u horseedda xasillooni, iyo horumar, maadaama ay maqan tahay kalsoonida shacabka.

Nidaamka 4.5 ee qaybsiga beelaha waxuu abuuray jahawareer siyaasadeed, kala fogaansho bulsho, dal lakala leeyahay, dabaqado leh awoodo ay wax ku dulmiyaan, iyo kuwo cadaawad u qaaday kuwaas.

U soo minguurinta hab nololeedka xoolo-raacatada nidaamka dowladeed, waxay fursad siisay faraggellin dibadeed, iyo dhagarqabayaal ay ku adeegtaan si ay danahooda gurracan u gaaraan.

Dimuqraaddiyaynta Soomaaliya waxa ay ku soo hadhay samaynta kooxo xusha xilmadhibayaal, si loogu guulaysto hoggaanka dalka, dabadeedna lagu dawarsaddo magaca dowladnimadda.

Inta badan waddamada Afrika xor ma aha sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin gargaarka iyo deymaha ay ka helaan waddamada deeqaha bixiya (The hill September 29, 2021).

Ilaa iyo inta ay maqan tahay kalsoonida shacabka, lama heli doono dowlad la aamini karo. Maan-gurracan mugdi kaama saaro!

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments