Wednesday, December 6, 2023
Home Siyaasadda Gebidhaca Farmaajo iyo Dhaqaagjooglaha Mucaaradka: Midkeebaa Guuldarro Sababi Doono?

Gebidhaca Farmaajo iyo Dhaqaagjooglaha Mucaaradka: Midkeebaa Guuldarro Sababi Doono?

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Qaaradda Afrika mas’uuliyiin fara-ku-tiris ah ayaa diyaar u ah inay xilka si nabdoon u wareejiyaan. Halka qaar kale oo horey xilka u soo qabtay ay  ku dadaalaan sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen.

Soomaalida oo aan ka caagganayn dhaqankaas, ayaa mucaaradkeeda iyo muxaafadkeeduba isku taxalujiyeen inay afgambi iyo kacdoon shacbi ku hakiyaan geeddi-socodka awood isku wareejinta nabdoon.

Maalin ka dib markii Guddiga Wadatashiga Doorashooyinka uu ku dhawaaqay in February 25, 2022 la soo gabagabayn doono doorashada dadban ayuu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo naf ka dayay waxqabadkiisii hore, balse ka gaabsaday gebidhacyada saameyn doona dib u doorashada.

Soomaaliya ma laha sahmiyeyaal codbixinta ka hor saadaaliya natiijada halka ay u dhici doonto, waqtiga la jooggana ma sahlana in la odoroso doorasho aan lagu tartamayn codka shacbiga (qof iyo cod) misna  mabda’ iyo daacadnimo toona lahayn. Balse, haddii dib loo eego doorashooyinkii September 2012, iyo tii February 2017 waxaa muuqda dorsoomayaal (variables) kooban oo ifafaale ka bixin kara natiijada doorashada soo socoto.

Sidoo ay tahay, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ama Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed waxay ku doodayaan sababo macquul ah oo ay ku doonayaan in dib loogu doorto, kuwaasoo ay ka mid yihiin: (1) Sii wadida siyaasaddii ahmiyadda u lahayd maamulkooda, iyo (2) Kartida dejinta iyo horumarinta dibuhabeynta muddada-dheer ee dhaqaalaha, amniga, garsoonka, bulshada iwm.

Haddii taariikhdu wax hagto, weligeed dib loogama dooran Soomaaliya madaxweyne xilhayntiisii dhammaystay, mana aha sanad si gooni ah uga duwan kuwii hore marka la eego doorsoomayaal soo noqnoqday.

Sideeduba, dadweynuhu waxuu si isa soo taraysa u doorbidayaa wajiyo cusub. Taas waxay fursad siin doontaa Xasan Cali Khayre, Dahir Maxamuud Geelle, Saciid Cabdullahi Deni, Fawsia Yuusuf Xaaji Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo kuwo kaleba, mase u muuqadaan mucaaradka kala irdhoobay kuwo noqon doono rafiiqyo isbahaysta.

Inkastoo Farmaajo uu yahay madaxweyne shacbiyad leh, haddana doorashada 2022, waxaa ka muuqda dhowr shay oo sababay guuldarradii 2017 iyo 2012  sida: (b) Xukuumad salka dhigi la’ sababo la xiriira wadashaqayn la’aanta kooxda xilka wadaaga (madaxweyne, ra’iisulwasaare iyo maamul-goboleedyada); iyo (t) Maqnaashaha garsoor madax-bannaan, iyo maxkamad dustuuri ah oo lagu xalliyo khilaafaadka.

Taas waxaa wehliya in Farmaajo shacbiyadiisii hoos u sii socoto wixii ka dambeyey Afgambigii Dastuurka ee Abril 12, 2021 iyadoo kuwa dhaliila leeyihiin waxuu qabsaday waddadii Ismaaciil Cumar Geelle – walow uu diidan yahay. Madaxweyne xilhaya wuxuu weligiisba khatar ugu jiray in inta kale ku goobtaan wareegyada dambe ee codbixinta.

Xubnaha kaarka qabiilka wax ku doonaya, waxaysan fahmin in mar haddii tartanka la gudaggalo haybsi qabiil aysan waxba ku ool, walow xildhibaannada codka-bixinaya laftooda lagu soo xulay haybtooda. 

Ficil abuuri kara “qalalaase siyaasadeed” sanadka doorashada ayaa weligeedba u darnaa fursadda dib u doorashada. Soo noqnoqashada is-qab-qabsiga Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay dhaawac aan laga soo kabsan karin ku reebtay muuqaalka Soomaaliya.

Dhibbanaha ugu horreeya waxuu u muuqdaa inuu yahay Farmaajo balse, eedeynta waxay sidoo kale dusha ka saaran tahay Ra’iisulwasaare Rooble oo ku guuldarreystay inuu la yimaad mowqif sugan si looga fogaado khalkhal joogta ah.

Isku soo wada duub, khilaafka joogtada ah iyo xaaladda dalka uu marayo ayaa keenaya in la isweyddiiyo, yaa ugu haboon inuu haggaamiyo dalka si uu uga badbaado xasillooni darro siyaasadeed loona qabyo tiro hawlaha u rahman qaranka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments