Saturday, June 3, 2023
Home Diblomaasiyadda Midowga Yurub oo Didday Maalgelinta AMISOM-ta Cusub Haddii aan Loo Oggolaanaynin Badda Soomaaliya

Midowga Yurub oo Didday Maalgelinta AMISOM-ta Cusub Haddii aan Loo Oggolaanaynin Badda Soomaaliya

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa January 22, 2022 isku afgartay dibuhabaynta AMISOM oo waqtigeedu ku eg yahay March 31, 2022. Qaabka hawlgalka qaadan doono war rasmi ah lagama soo saarin, welina Qarammada Midoobay (QM) iyo Midowga Afrika (MA) kama hadlin heshiiska.

Josep Borrell, diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub, oo tegay Kenya January 28, 2022 ayaa sheegay inaysan waxba ka qabin taakuleynta AMISOM-ta cusub, haddii Soomaaliya ay siinayso oggolaasho ay ku sii joogaan badeeda.

Golaha Amniga QM ayaa December 2008, dalal ay ka mid yihiin Midowga Yurub, u fasaxay inay xeebaha Soomaaliya kula dagaallamaan burcad badeedda. Mashruuca oo noqday mid u furan dhammaan 193 dal ee xubnaha ka ah QM, ayaa December 3, 2021 Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ka soo horjeedsatay dib u cusbooneysiintiisa, taasoo joojinaysa ku xudgudubka biyaha dalka wixii ka dambeeya March 31, 2022. 

Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa had iyo jeer madmadow ka jirtay. Haatan hadafkiidu waxuu yahay hurinta isfaham la’aanta Soomaaliya iyo dalalka ciidamo ka joogaan dalka inay danteeda ku fushato. Inkastoo tan iyo 2007kii ay tunka ku sidday 90% culeyska AMISOM iyadoo dhibsanaysay, haddana marnaba ahmiyad dhab ah ma siinin dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Tababbarradda Mareykanka iyo Turkiga oo qalabeeya cutubyada ay leyliyaan ayaa udub dhexaad u ah dib u dhiska ciidamo casri ah oo tayo sare leh. Wixii ka dambeyay dibuhabayntii ciidamada, dowladda Soomaaliya waxay diiradda saartay sidii dib loogu dhisi lahaa ciidan qaran oo lagu tababbaro xirfad, laguna abaabiyo anshax iyo waddaniyad. 

September 2017, ayaa Muqdisho laga furay Kulliyad Turkiga uu  ku tababbarayo ciidanka cagta, waxaa ilaa hadda ka aflaxay saraakiil iyo saraakiil kuxigeenno qaatay tababbar la xiriira xirfadda taliska, hoggaaminta iyo xakamadeynta ciidamada.  

Ilo wareedyo caalami ah ayaa sheegaya in tababbarrada Danab ee horraantii 2021 loo joojiyay, dib u celinta ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya awgeed, mar kale dib loo soo celinayo iyadoo qandaraaska laga yaabo inuu ku guulaysto shirkadda Spathe Systems oo horey dhowr mashruuc ugala shaqeysay USSOCOM. 

Ma sahlana dhismo ciidan dagaal ku furan yahay oo aan hub culus sidan, haddana Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS waxay argaggaxisada ku baacsadaan Galmudug, Hirshabeelle, Konfur Galbeed iyo Gedo iyagoo hore-u-ruqaansi mooye dib u soo laabasho lahayn.

Hirgelintii qorshaha duullaanka ciidamada isugu dhafan cutubyada  lugta XDS iyo Danab, oo kaashanaya  hubka culus ee AMISOM ayaa beddeleen dhaqankii ahaa in hawlgalka Midowga Afrika dib uga gurato goobaha lagu weeraro, halkaasoo ay uga soo tegi jirteen hub iyo saanad ballaaran oo dhiiriggelin jirtay xagjirta.

Tan iyo 1992dii, Soomaaliya waxaa dulsaaran cunaqabatayn xagga hubka oo wiiqday awoodda hawlgalka ciidamada dalka. ATMIS (AU Transitional Mission to Somalia) oo la filayo inay ku soo afjarto mas’uulid ku wareejinta ciidamada Soomaaliya December 31, 2023 ayey suuraggal tahay inay ku soo biiraan dalal Masar, Tuunis iyo Rwanda. 

Horumar yarida hawlgalka AMISOM waxaa sabab u ahayd dhaqankataliska kaltanka (rotational commander). Si taa ka duwan, ATMIS waxay si buuxda u hoos tegi doontaa taliyaha guud oo laga soo xulan doono dalka ugu badan ciidamada jooga Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ku soo baxi doono doorashada ayay u taal talada lagu qabyatiri doono hawlaha u rahman Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo micnaheedu yahay in doorashada soo socoto farggelin shisheeye dano kala duwan leh aysan ka marnaan doonin.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments