Jamhuriyadda
Qoraal uu daabacay February 10, 2022 wargeyska Nordic Monitor oo ka soo baxa Stockholm ayaa lagu sheegay in Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay (QM) ee kormeera hubka sharcidarrada ah uu baaris ku furay markab laga leeyahay Turkiga. Tuhunka waxaa dhaliyay in markabka lagu arkay biyaha Soomaaliya masaafo u jirta xeebta in ka yar hal kilomitir (1000 mitir).
Maalin kaddib dhacdada, Ururka Ganacsiga Badaha ee dalka UK ayaa shaaciyay in burcad badeed Soomaaliyeed ay weerareen markab ganacsi oo marayay xeebaha badda Hindiya iskuna dayeen inay shaqaale ka qafaashtaan (Hiiraan 13/08/2021).
Milkiilayaasha markabka oo ka jawaabaya arrinkaas ayaa sheegay in August 12, 2021 weerar ay kula kulmeen xeebaha Soomaaliya. Waxaase la yaab noqotay, in dhacdadu ku soo beegantay shirka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uu kaga doodayay markii ugu horreysay fikradda amniga badda.
Taas waxaa wehliya, in muddo afar sanadood ah xeebaha Soomaaliya wax burcad badeed ah aysan ka dhicin. Eedaynta markabka oo la horgeeyay October 6, 2021 Golaha Amniga ayaan waxba laga soo qaadin, haddana guddiga khubarada diiwaanka kama saarin shilka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ka caraysan in markab u siday ciidamadeeda qalab iyo saanad lagu eedeyo inuu u adeegayay argaggixisada lana damcay in loo rogo fal burcad-badeed aan jirin ayaa December 3, 2021 diidday dib u cusbooneysiintii la dagaallanka “dhaca hubaysan iyo burcad badeedda” oo oggolaashaheedu yahay lagama maarmaan.
Qaramada Midoobay oo sheeganaysa in Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed uu siiyay oggolaasho, laba bilood ka hor inta uusan iscasilin, ayaa December 2008, dalal ay ka mid yihiin Midowga Yurub, u fasaxay inay xeebaha Soomaaliya kula dagaallamaan burcad badeedda.
Midowga Yurub oo ka baqaya in lala galo ilaalinta biyaha Soomaaliyeed (territorial water) ayaa ku gooddiyey inuu joojin doono kaalmada uu ku bixiyo karti-dhiska ilaalada badda ee dalalka IGAD, oo ay Soomaaliya wax ka soo gaarin.
Sida ay sheegeen baraha bulshada, Markab dhuxul u siday dekedda Khalifa ee Imaaraadka ayaa lagu qabtay gacanka Cuman, taas oo marqaati cad u ah wax-ka-qabasho xumidooda dhoofinta dhuxusha mamnuuc ah iyo hubka sida sharcidarrada ah dalka loo soo geliyo.
Qof xog-ogaal ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in markabka oo marayay inta u dhexeya Eyl iyo Hobyo dhulka looga soo tuuray madfac, si dirqi ahna uu uga baxsaday gaadmada lala beegsaday.
Kiiska kama marnayn dhagar shisheeye waxaana laga lahaa ujeeddooyin ay ka mid yihiin:
1. In Dowladda Soomaaliyeed jujuub ku bixiso oggolaasho joogitaanka biyaha badeeda (territorial water); iyo
2. In lagu sumcad dilo Turkiga oo si hagar la’aan ah uga qayb qaato dib u dhiska dawladnimada Soomaaliya.
Sida uu sheegay Danjire Abuukar Daahir Cusmaan himilada Soomaaliya ayaa ah in heshiis laba-geesood ah lala yeesho dal quwad leh, si loo xoojiyo awoodda ciidamada badda loogana hortago argaggixisada.
Masalada la dagaallanka “burcad badeedda iyo dhaca hubaysan” ayaa xuddunteedu tahay madaxbannaanida qaran. Sarkaal ka tirsan maamulka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliyeed ay isku dayday inay Midowga Yurub heshiis laba geesood ah la gasho. Balse, ma suuraggelin.
Nordic Monitor oo isku dayay inuu luqunta iyo lugaha iskugu xiro argagixisada iyo markabka ayaa hadafkiisu yahay in la dhaawaco niyad wanaaga loo hayso Turkiga, islamarkaasna dhaqaalaha dalka ee la daaladhacaya amni darrada lagu rido khalkhal, si dowladda Soomaaliyeed loogu jujuubo inaysan maciin bidin meel dhaafsan Yurubta Galbeed.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.