Jamhuriyadda
Shirweynihii 35aad ee Midowga Africa oo Axaddii February 6, 2022 lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa ayaa waxyaabihii ugu xiisaha badnaa ahayd doorashada 15ka xubnood ee golaha ugu saameynta badan.
Jabuuti ayaa February 3, 2022 kaga guuleysatay Soomaaliya 6 cod keliya, kaddib markii labada dal ay ku tartameen kursiga Bariga Afrika ee Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (MA).
Qaaradda ayaa 15ka xubnood ee Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika u qaybsatay:
Bariga, Bartamaha, iyo Koonfur – midkiiba saddex kursi
Waqooyiga – labo kursi
Galbeedu – afar kursi.
Shan ka mid ah kuraastaas waxay yihiin saddex sanadoodle, halka 10ka kale ay yihiin laba sano oo keliya.
Bariga Afrika oo ah barta ugu mashaakil badan qaaradda ayaa saddexdeeda kursi waxaa u tartamay dalalka Eritrea, Mauritius, Soomaaliya, Tansania, iyo Uganda, iyadoo Koonfurta Suudan ay iskaga hartay tartanka, taas oo muujinaysa loollanka ba’an ee loogu jiray xubin ka ahaanshaha golaha.
Kuraasta golaha waxaa badanaa muhiim ka dhigga danta waddan uu ka leeyahay ka qaybgalka go’aan ka gaarista xiisadaha ka taagan amase u kuurgalidda danaha qarankiisa si miiska loo soo saaro amaseba looga fogaado.
Dalalka Eritrea, Jabuuti, iyo Soomaaliya ayaa u taagnaa kursiga saddexdii sanadood ee la soo dhaafay ay ku fadhiday Kenya. Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo ugu hambalyeeyay Jabuuti guusha [19ka cod] ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay meel wanaagsan [13 cod] iyadoo ay haysteen dhibaatooyin badan.
Xilka saddexda sanadoodlaha ah waxaa Jabuuti ku wehliyay dalalka Nigeria, Cameroon, Morocco, iyo Namibia. Halka muddada labada sano ah loo doortay dalalka Burundi, Congo, Uganda, Tanzania, Tunisia, Zimbabwe, South Africa, Ghana, Senegal, iyo Gambia.
Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika waxaa horyaal wadatashiga qaabka AMISOM ay qaadan doonto, maalgelinta hawlgalka oo la saadaalin karo, iyo qorshaha ay kaga bixi doonto dalka oo intaba lagu kala aragti fog yahay.
Si kastaba ha ahaate, u wada tartanka Soomaaliya iyo Jabuuti kursi ay u kaltami kareen waxay soo bandhigtay diblomaasiyadda qalafsan oo baraarujin muhiim ah u ah baahida loo qabo dib u hagaajinta xidhiidhka sida aan loo baahnayn labada hoggaamiye u dhaawaceen.
Dabcan, dib u soo celinta hantidii bankiga ganacsiga Soomaaliyeed waa astaan muujinaysa in Jabuuti danaha Soomaaliya lagu aamini karo. Haddii labada dal isku biiri waayaan cududooda diblomaasiyadeed ee faa’iidada u leh, waxay sanadaha soo socda hoos uga dhici doonaan masraxa ee ku leeyihiin Afrika.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.