Jamhuriyadda
Xulashada Golaha Shacbka ee Barlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya (BFS) oo xilligeedii ka raagtay ayaa u muuqata mid la soo gabagabeyn doono February 25, 2022. Haseyeeshee, doorashada madaxweynaha ee 2022 ayaa noqon doonto mid ka mid ah imtixaannada walaaca ee ugu muhiimsan geedi-socodka dimuqraaddiyada Soomaaliya.
Kolka hore waxaa xusuus mudan, in awooddii la siiyay Mammul-goboleedyayada ay si xun ugu takrifaleen lana raacin haba yaraatee habraacii lagu heshiiyay September 17, 2020. Taas waxaa daliil u ah dafiraadda xuquuq muwaadiniin badan oo loo diiday inay helaan xaqooda dastuuriga ah ee is-sharrixidda, haddii shuruudaha ay buuxiyaan. Tusaale waxaa nagu filan Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Brafasor Maxamed Cumar Dhalxe, iyo kuwo kale.
Waxaa intaas dheer in xildhibaanada soo socdo ay ku jiraan koox xisaanad doon ah oo istaahila in maxkamad mileteri la saaro sida saraakiil lagu tuhunsan yahay dambiyo iyo dagaal oogayaashii dalka u horseeday dhiilo colaad oo qar ka tuuri lahayd.
Xukuumaddii loo igmaday hawsha doorashada oo uu u ugu horreeyo Ra’iisalwaraaraha, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiyadda heer gobol iyo mid federaalba midkoodna far uma dhaqaajin inuu wax ka saxaan falalka khatarta ah ee dhacay, taasoo ka dhigaysa inay yihiin shahaadasuur (marqaati-beenaaleyaal).
Walaaca aan hore loo arag, maxuu muujinayaa in hoggaanka dalka uu u haysto BFS inuu yahay wax “dhayal” ah, mise si ka duwan warka suuqa, arrinku waxuu yahayba talooyinkii suluxa Ergeygii Qadar Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ee looga gudbi lahaa siyaasadda cakiran.
Si kastaba ha ahaatee, natiijada doorashada dadban waxay xaqiijinaysa in qabiil lagu dhisi karin qaran. Loollankii siyaasadeed ee ka dhashay bisayl la’aanta siyaasiyiinta iyo hoggaanka dalkuba waxuu bannaanka soo dhigay kala qaybsanaanta xooggan ee ka jirta gudaha mucaaradka iyo muxaafadkaba.
Mucaarad dimuqraaddiyada waxtar u leh kama dhalan xilligii qallafsanaa ee la soo maray. Sidoo kale, xiisaha u dhaxeeyay Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay hoos u dhigtay kalsoonida xukuumad waxtar leh, xilli masiirka dalku uu ku jiro qilqiil.
Walow, hindisaha suluxu u muuqdo mid yareynaya masiibadii siyaasaddii cakirneed, haddana indhaha oo dhan waxay eegayaan sida xubnaha baarlamaanka 11aad oo badankood loo soo xushay inay hayin u noqdaan wadda loo cayimay uga bixin doono dalka dhibaatada.
Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.