Saturday, October 1, 2022
Home Dacwada Badda & Shidaalka Fadeexada Shidaalka – Hoggaanka Dalka Ma Ka Badbaadi Doonaa? 

Fadeexada Shidaalka – Hoggaanka Dalka Ma Ka Badbaadi Doonaa? 

Jamhuriyadda

Shirkadda saliida iyo gaaska Coastline Exploration Limited ayaa ku dhawaaqday inay heshiis wax-soosaar wadaag ah la saxiixatay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS (Bloomberg February 19, 2022). Heshiiskaas oo muran dhaliyay ayaa lagu sahamin doonaa toddoba xirmood oo ku yaal biyaha qotada dheer sida uu sheegay Maareeyaha Coastline W. Richard Anderson.

Wasiirka Wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Cabdirashid Maxamed Axmed oo akiday heshiiska February 15, 2022 ayaa sheegay in xirmooyinkaas ay ku yaalaan gobollada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyadoo DFS loo soo shubi doono lacag dhan 7 malyan doolar bil gudaheed. Balse, Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa iska fogeeyay wax ka oggaashaha arrinkaas.

Dhacdadu waa mid aan la yaab lahayn. Wasiirka Maaliyadda DFS Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa January 09, 2021 beeniyay walwal Midowga Musharrixiinta ay ka muujiyeen hufnaan la’aanta heshiis lala galayay shirkado baara shidaal. 

Wasiir Cabdirashiid iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda Shidaalka Soomaaliya Ibrahim Cali Xussen oo laga sugayay in March 12, 2021 ku dhawaaqaan ku guuleysteyaasha qandaraaska sahminta shidaalka ayaa si qarsoodi ah gogorton wax soo-saar wadaag la fureen shirkadaha Coastline Petroleum Company iyo Liberty Petroleum Corporation.

Waxaa isweyddiin u bahan, sida ay ku dhacday in February 15, 2022 in Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo ay weheliyaan Maamulaha Guud iyo K/xigeenkiisa ee Wakaaladda Batroolka (WBM) ku saxiixaan heshiis baaxaddaas leh, iyadoo ay jirto Wareegto August 7, 2021 Maxadaxweyne kaga reebayso laamaha xukuumadda heshiis gelid waqtiga kalagguurka?

Shirkadda Coastline iyo Wasaaraddaba waxay qireen in heshiiska uu ka dambeeyay waanwaan adag oo dheer. Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaarahaba waxay ku degdegeen in saacado tirsan kaddib ay ku tilmaamaan heshiiska mid sharciga baalmarsan.

Halkeebay jireen inta waawaanta dheer ee adag ay socotay? Mase dhici kartaa in Wasiirka Batroolka uu ku sixiixo heshiis baaxaddan leh dalka dibaddiisa isagoo Ra’iislwasaaraha Rooble uusan ka warqabin?

Caqabadaha DFS haysta waxaa ka mid ah asmo miisaniyadeed oo ka dhalatay Midowga Yurub oo ka joojiyay kabkii miisaaniyadda. Dalka oo la’ tab uu ku cawilceliyo miisaaniyadda ayaa afka ugu dhacay shirkadaha shidaal ee xilliyada adag ka faa’iidaysta qandaraasyada mugdi ku jira (shaki). 

Bankiga Adduunka oo ka walaacsan taas ayaa January 8, 2021 uga digay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu bixinayo xuquuqda khayraadka Soomaaliya iyadoo aan la dhammeystirin hawlahii saldhigga u ahaa dakhliga canshuuraha.

Nasiibdarro waxay ahayd, in madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisulwasaaraha aysan durbadii ka qaadin tillaabadii ku habbooneed wasiirka, dillaaliinta iyo siyaasiyiinta ku lugta lahaa hawl dembiyeedka lagu waxyeeli lahaa dayn cafinta. 

Sanadkii tegay oo DFS ay beesha caalamka ka filaysay 170 malyan doolar ayay hesho 38 malyan doolar keliya. Sida ay sheegtay IMFta haddii doorashadu dib uga dhacdo May 2022 waxay sababi doono in kaalmada maaliyadeed ee lagu bixiyo mushaharka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ay joogsan doonto.

Waxbaahinta dalka waxay farta ku fiiqday in aysan meesha ka maqnayn aargoosi la xiriira kursiga Wasiir Cabdirashid Maxamed Axmed lagu seejiyay xulashada Baraawe. Wasiirka  qudhiisa qoraalkiisi dambe keliya ayuu ugu mahadnaqay Madaxwene Farmaajo taageeradiisa oo uusan qoraalkiisa hore ku xusin.  

Arrikan waxaa hareereeynayo mugdi gudcur ah iyo su’aallo ka badan inta la ogyahay. Haseyeeshee, haddeer oo la siyaasadeeyay heshiiska loona adeegsanayo aargudasho iyo far isu fiiq la xiriiro loollanka siyaasadeed ayay tahay habeenkii xalay tagay in Shacbiga uu ogaado dhabta heshiiska iskadaa in wax la xalliyee. 

Haddii Hantidhawrka iyo Xeerilaaliyaha loo igmanayo baaris iyo tillaabo ka qadid, waa in barista laga billaabaa Wasiirka ka sokow, hoggaanka kale oo lugta ku leh oo ay ugu horreeyaan labada jago ee ugu sarreeya dalka, si aysan baaristu u noqon xeeladaha mid waliba midka kale u adeegsado.

Iyadoo aan lagu dawakhin cidda idmatay wasiirka iyo sida uu uga tilaabsaday xayiraadda madaxweynaha, waxaa muhiim ah in mooradduugidda si degdeg ah looga hortago loona qabto garyaqaano aan ka dhicin kuwii Muno Sharmaan ay dalka ugu soo dhicisay badda. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Dagaal aan Qorshe Lahayn – Waxuu Luminaya Fursad Dahab ah

Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa muddo ka badan rubac qarni ku jirtay deggenaasho la’aan siyaasadeed iyo mid amniba. Waxgaradka dalka...

Somalia’s Vigilante to Eradicate al-Shabaab

By Abukar Arman In a country that is never short of hot button issues, lately the Ma’wisley issue has been stirring...

Washington Waxay U Baahan Tahay Inay Dib U Eegto Siyaasadda ay Kula Dhaqanto Soomaaliya

Jamhuuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaalkiisii ugu horreeyay, tan iyo markii dib loo doortay ku tegay magaalada Washington, ayaa...

William Ruto Door Hoggaamineed Ma Ka Qaadan Doonaa Xajinta Xiriirka Dersi Wanaagga?

Jamhuriyadda Xaflad lagu qabtay Talaadadii September 13, 2022 garoonka “Kasarani Sports Center” ee Nairobi kana qaybgaleen marti-sharaf uu...

Recent Comments