Axmed Qaasim Cali
Sheekada buuggani (The Fortune Man, Nadifa Mohamed[i], Viking, 2021, UK pp 372) waxay ku salaysan tahay dhacda dhab ah oo Nadiifa Maxamed, ay ku samaynaysay baaris mudda aad u dheer. Dhacdadu waxay khusaysa Maxamuud Xuseen Mataan, oo lagu deldelay magaalada Cardiff, Wales.
Maxamuud wuxuu ku dhashay miyiga Maxmiyadda Soomaaliland 1922, kaddib qoyskiisa wuxuu u guuray Hargeysa, halkaasoo uu ku barbaaray, dugsina ka galay. Maxamuud ma ahayn wiil reer miyi ahbalse wuxuu ahaa reer magaal weliba waagaas oo ay Hargeysa ay ahayd magaala wacan oo aad u hormarayso misna caalami ah oo ay qawmiyado iyo shesheeya badani ku noolaayeen. Maxamuud isagoon dhoofin ayuu yiqiinnay afka carabiga iyo xoogaa hindi ah, wuxuuna ku koray nolol aan ciriiri ahayn; qoyskiisa aad ayuu ladnaa, ganacsi ballaaran iyo gawaariba leh.
Tacabburkiisa ma hayn arsaq-doon balse wuxuu ahaa mid dalbarasho iyo in noloshiisa iyo aayihiisa isaga ka taliyo. Safarkiisi hore waxuu ahaa Bariga Afrika, Kenya, Tanganiika iyo Sunjubaar, iyo dalal kale. Halkaasoo af Sawaaxiliga ku bartay mudda kaddibna wuxuu koray markab isagoo da’yar noqday badmaax.
Ugu dambaystii Maxamuud wuxuu ka dhacay Cardiff bartamaha afartameeyadii. Wuxuu guursaday gabar Welsh ah oo la oran jiray Laura Williams wxayna guurkaas ka heleen saddex wiil. Cardiff waxaa degganaa jaaliyad Soomaali reer Wqooyi ahaa qaarkood waqti hore ay yimiddeen. Waqtigaas waxaa ka jiray Cardiff midabtakoor iyo nac-shisheeye baahsan oo sii kordhay wixii ka dambeeyay dagaalweynihii 1aad kaddib.
Masiibada Maxamuud waxay billaabatay 6dii Maars ee 1952kii, kaddib markii la dilay haweeney ganacsata ah, Lilly Volpert, 41 jir ah. Shahaada suur quuddarraynayo abaalmarinta qoyskeeda ay ballanqaadeen (200 Gini), qaar madowga jasiiradaha reer West Indies ah, oo ay xurguf dhexmartay Maxamuud ayaa ku qulqulay Isteeshinka biliiska kaddib markii cid sheegtay in lagu arkay agagaarka dukaanka nin diir madow durbadiiba isu beddeley inuu u ekaa Soomaali, dabadeedna inuu ahaa Soomaali. Ugu dambaytii Maxamuud waxaa lagu xiray tuhun keliya. Biliiska badidiisa iyo shaqaalha xeerilaalinta iyo maxkadahaba intii la dono ayay ahaayeen kuwa midabtakoorka ku maquuniya dadka.
Xeerilaaliyaha wuxuu maxkamadda u gudbiyay eedeyn aan caddayn wadan sida mindida dembiga la adeegsaday, raadka faraha, ama caddayn kaloo ku xirayso Maxamuud goobta dilka. Maxamuud taniyo markii la eedeeyay wuxuu ku adkaysanayay inuusan dilin haweenayda dukaankana uusan sanooyin u dhawaan. Caddayn la’aantaas ayay maxkamadda ku xukuntay inuu galay dembiga dilka ah laguna xukumay dil deldelid ah oo la fuliyay 3.09.1952 kaddiib markii loo diiday rafcaan iyo cafis labadaba.
Muran kama taagna in Nadiifa Maxamed ay kaga jirto safka hore qoraayaalka Soomaalida ah oo afafka qalaad wax ku qora xag curin iyo xag farsamo farshaxan suugaaneedba.
Buuggani oo ah keedi 3aad oo isku nudayo dhab iyo khayaal Nadiifa waxay soo hordhigaysaa akhristaha arrimo xasasi ah ooy ka mid yihiin midabtakoorka qayaxan ee biliiska, cadaaladarrada garsoorka dalka Biritin oo isku tilmaamo askumaha iyo horyaalka dimuqraaddiyada iyo cadaaladda, eelka uu sababi karo xurgufta dadka diir-madow dheextaal, iwm.
Tebinta dhacdada tagtada ah oo sida cajiibka ah ay usoo bandhigayso ka sokow, Nadiifa waxay buuggani diiradda ku saartay aragtida, maanka, iyo gedka eedaysanaha Maxamuud X. Mataan, qoyska dhibbanaha gaar ahaan walaasheeda Dayaana, iyo ciidanka biliiska oo abaabulay juhdina ku bixiyay oo adeegsaday tabo la qoomameeyay oo sababay xukunka dilka ah ee nin aan dembi galabsan oo sida 45 sano kaddib lagu qoray qabrigiisa inuu “u geeriyooday cadaalodarro awgeeda”.
Inkastoo cutubyada buugga ay ku saabsan yihiin eedaysanaha waxaa kaloo kuwa badan ay sawir ka bixinaayaan masiibada ku habsatay qoyska yuhuudda ah – oo isna dhibbana u ah isir-takoorka reer Yurub oo sababay in qaraabooda iyo macaariftooda shanta qaaradood ku kala firirsan yihiin – ka sokoow geerida walaasheeda misna uurxumada iyada iyo inanteeda 11 jir ah ku reebtay in la eedeeyo nin dembi la’aan ah. Haseyeeshee, ugu dambaynytii waxay ku adkaysteen in Maxamuud uusan ahayn qofka ay ku arkeen albaabka daarta si kasta oo dembi-baaraha uu cadaadis u saaray.
Akhriska buuggani ma aha mid sahlan sababtuna ma aha keliya luqada u gaarka ah waqtigaas iyo aaggaas waqti ay kasoo wareegtay 70 sano balse waa shucuurta taban ee arxandarrada biliiska iyo saamaynta burburka leh ay dhacdadu u sababtay nolosha labada qoysba. Buuggani wuxuu si siman ahamiyad ugu leeyahay dadka reer Biritin iyo Soomaalidaba waana mid loo baahan yaahay inay ubadka Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku baarbaaray u leh ahamiyad gaar ah akhriskiisa.
Nadiifa kama gaabsan inay soo bandhigto wejiga waxshiga ah ee denbi-baaraha abaabulay eedayn sal iyo baar aan lahayn isgoo ogaal u aasay xaqiiqda fakin lahayd Maxamuud sida aysan uga aamusin qareenka eedaysanaha oo ka dhigay xeeshiisa diffaac inuu ku sifeeyo Maxamuud nin “maan carruureed” leh iyo “nin dugaagta duurjoogta ah” la mid ah oo ilbaxnimadiisu tahay mid bar-qabyo ah.”
[i] Labada bug ooh ore iyo Taariikh nololeedkeedaba horey ayay ugu soo bexeen Jamhuuriyadda.