Friday, December 1, 2023
Home Diblomaasiyadda Kenya Ma Leedahay Damiir ay Ku Daafacdo Yukrainia

Kenya Ma Leedahay Damiir ay Ku Daafacdo Yukrainia

Jamhuriyadda

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (QM) ayaa February 22, 2022 ka dooday tillaabada Ruushku ku aqoonsaday laba gobol (Donetsk and Luhansk) ee ka go’ay Yukrainiya. Ergayga Kenya Martin Kimani, oo halkaas ka hadlay ayaa khudbadiisii diblomaasiyiinta reer galbeedka ku tilmaameen tii ugu murtidii badnayd madasha. 

Danjiraha oo tusaale u soo qaatay qaaradda Afrika ayaa yiri, “Waxaanu ku heshiinay inaanu ku ekaano xuduudihii aynu ka dhaxalnay [guumaystihii].” Warkaas waxuu si buuxda daaha kaga qaaday munaafaqnimada labalaabka ah ee dalkiisa. 

Dowladda Kenya oo aslanba dheg jalaq u siin digniintii Xoghayahii hore ee QM Kofi Annan ee lahayd, “Kenya waa inay ka fiirsataa in ay ka gudubto xuduudda Soomaaliya si ay argaggixisada uga sugto xuduudkeeda” ayaa Oktoobar 11, 2011 ku duushay Soomaaliya, iyadoo ku tumatay madaxbannaanida iyo midnimadda dhuleed ee ummadda Soomaaliyeed.

Inkastoo, duullaanka Moscow uu khalad yahay, haddana Kenya ma laha damiir ay ku daafacdo shuruucda caalamiga, iyadoo ixtiraami la’ ilaa maanta qaraarkii October 12, 2021 ee Maxkamadda ICJ ka soo saartay jahaynta soohdinta badweynta Hindiya ee laba dal, xilli ay fadhido gole caalami ah. 

Xoghayaha QM Antonio Guterres oo qallooc uga jeedo sheegashada Moscow in ciidamadeedu dagaalka ay yihiin kuwa wado hawlgal “nabad ilaalin” ayaa twitter ku yiri, “Markii ciidamo waddan ay oggolaasho la’aan galaan dhulka dal kale, ma ahan nabad ilaalin.” 

Walow, fikradda dhawridda mabda’a madaxbannaanida qaran ay tahay mid  gar ah, haddana waxaa wax la yaab leh in QM iyo Midowga Afrika ku biiriyeen AMISOM ciidamada Kenya ee sida sharcidarra ah ku soo galay Soomaaliya, kuwaasoo faragelintooda siyaasadda guddaha ka sokow, ku kaca falal dhaawacaya dhaqaalaha una adeeggaya mustaqbalka dheer, in mabda’ xagjirta uu ku faafo gobolka.

Duulaankii baaxadda weyn ee Kenya iyo ku biiritaankeedii nabad ilaalinta waxay u saamaxeen inay iyadoo aan u aaba yeelin ku xasuuqdo Soomaaliya dad iyo duunyo kuna barakiciso falalkeeda argagixiso tuulooyinka dhaca xuduudda, si ay uga dhigto (a buffer area) una qariso gacanta daahsoon ee saraakiisheedu kula shaqeystaan kooxda. 

Sida suuban ee looga gudbi karo isku xoogsheegashada waa in la ixtiraamo shuruucda caalamka lana wada ilaalinayo amniga iyo xasilloonida iyadoo aan lagu xadgudbin waddamada burburay. Asalka dhibka maanta ka taagan Yukrain waaa natiijadii ka dhalatay ficillada reer Galbeedka oo sanado badan aan ixtiraamin.

Ergayga Kenya Martin Kimani wuxuu kaloo ku daray: “Haddii an sii wadi lehayn inaan baadi goobno dowlado wada wadaaga isir, qawmiyad, ama diin, waxaan weli wadi lehayn dagaallo dhiig ku daato jiilalka xigay oo idi”. Hadalkan waa mal kasoo burqanayo boogta u daran Kenya iyo cuqdada ay ka qabto dalka deriskeeda ah.

Waa digiin ku wajahan Soomaaliya iyo ka doonis beerlaxawsi dalalka addunka. Soomaaliya ayey mar waliba u aragtaa dal berrito sheegan doono gobol dalkeeda ka mid ah, oo uu gumaystaha Biritin ugu yaboohay; inkastoo aftidii uu ka qaaday NFD dadka badidiisa ay dalbadeen (1967) inay Jamhuuriyadda Soomaaliya raacaan, haddana waxuu u bareeray inuu gobolkaas raacsiiyo Kenya oo ay dani ugu jirto (1963).

Dareenkaas waa saldhigga cadawtinimada Kenya iyo Itoobbiya oo mar waliba ka baqayo in dhaqdhaqaaq Soomaaliweyn doon ah uu dib u soo noolaan karo.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments