Jamhuriyadda
Kaddib markii hoggaanka siyaasadda Yukraine uu ku fashilmay isu dheelitirka xiriirka Isbahaysiga NATO iyo Ruushka, waxay halis gasheen nabaddii, midnimaddii dhuleed, iyo madaxbanaanidii dadkooda.
Bishii February 2014, ayaa kacdoon shacab xukunka looga tuuray madaxweyne Viktor Yanukovych, markii uu diiday heshiis u horseedi lahaa dalka Yukraine inuu ku biiro Midowga Yurub. Taa baddalkeeda Madaxweyne Yanukovych wuxuu doorbiday inuu kaalmo dhaqaale ka raadsado dalka Ruushka, si culayska deynta iyo sicir bararka uu u khafiifiyo.
Moscow ayaa u arkaysay kooxda “Orange Revolution” oo ku qasbay Madaxweyne Yanukovych inuu ka baxsado dalka, mu’aamarad ay soo maleegtay Midowga Yurub iyo gaashanbuurta NATO.
Ujeedada duullaanka Ruushka ee Yukraine
Ruushka marna ma uusan qarsan doonistiisa ah inuu joojiyo isballaarinta NATO. Waxaase xisaab qaldan isku dhufsaday Midowga Yurub, oo filayay inuu hub ahaan u adeegsan doonaan dhuumaha gaaska Ruushka ee ku teedsan Yurubta Galbeedka, si loo xakameeyo Ruushka. Nato ayaan marnaba ku fekerin in duullaan bareer ah Moscow ku qaadi doonto Yukraine.
Sida muuqata Vladimir Putin waxuu mudnaanta siiyey amaanka qarankiisa. Khubarada aminga qaar ka mid ah ayaa rumaysan in Maraykanka uu ciyaarayay qamaar siyaasadeed oo labo dhinac leh:
1. In awooda Ruushka lagu wiiqo Yukraine
2. In la fashiliyo qorshaha Midowga Yurub ku doonaysay dhismo gaashaanbuur oo ay uga maarmaan Isbahaysiga NATO ee uu garwadeenka ka yahay Maraykanka.
Yurub waxay gashay dagaal socon doona muddo dheer, Madaxweynaha Faransiiska ayaa yiri “dunida ha u diyaargarowdo dagaal muddo dheer soconayo.” Taas waxay astaan u tahay in dunida uu ku soo wajahan yahay isbeddallo weyn, oo saameyn doono dhammaan cidhifyadeda, waana soo noqoshada dagaalkii qaboobaa iyo isku dheellitiranka awoodaha quwadaha caalamka.
Durba waxaa soo muuqatay ifafaalo muujinaya dhacdooyinka geli doona taariilkhda. Codbixin lagu cambaareynayey duullaanka Ruushka ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay la horkeenay, ayaa waxaa ka aamusay Shiinaha ka sokow, Imaaraadka (UAE) oo muddo dheer jaal la ahaa Maraykanka.
Waddamada dunida saddexaad badankood ayaa dhoosha ka qoslaya, waxayna heli doonaan garoon ay ku ciyaaraan, maaddaama dunida ay ka dhalan doonto awoodo isudheellitiran.
Waxaan shaki ku jirin, in Soomaaliya aysan ku dhowaad 30 sano dhex jiifi laheen hubanti la’aan iyo madhnaan awood dowladeed, haddii ay dunida lahaan laheyd awood isudheellitiran.
Waxaa la saadaalinayaa in Shiinaha ku duuli doono Taiwan, maaddaama uu awood ku aamusiyey kacdoonkii Hong Kong, ee “yellow umbrella.” Kacdoonkaas waxuu la mid ahaa kii lagu afgembiyey Madaxweyne Viktor Yanukovych ee “Orange revolution”.
Khubarada amniga ayaa rumaysan in Yukraine gashay booskii Afghanistan, halka Poland lagu wado inay qaadato doorkii Bakistaan. Waxaa la saadaalinayaa in xeryo lagu tababbaro maleeshiyaad reer Yukraine ah laga furi doono dhulka Poland. Waxaan shaki ku jirin in hubka la gelinayo gacmaha shacabka reer Yukraine, ka abuuri doono khalkhal amni caasimadaha Yurubta Bari iyo Galbeedba.
Dhanka kale, waxaa muuqata in ay dhumi doonto sumcadda hadda liidata ee QM loona baahan doono, in dibuhabeyn lagu sameeyo, si loo helo duni ka nabdoon tan haatan jirta.
Yukraine waxay noqotay aag dagaal oo ay adag tahay si ay dib uga soo kabato riiqda dagaalka. “Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin”
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.