Jamhuriyadda
Shiinaha ayaa February 22, 2022 u soo magacaabay Danjire Xue Bing ergaga gaarka ah ee u qaabbilsan Geeska Afrika. Ku dhawaaqidda diblomaasiga waxay ku beegantay xilli Mareykanku qorshaystay inuu Geeska Afrika kaga hortago saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay qaaradda Afrika.
Shiinaha oo lagu yiqiin ganacsi keliya ayaa diblomaasiyadiisa cusub ay muujinaysa in himilooyinkiisa caalamiga ah ay kobceen, diyaarna u yahay inuu gacan ka gaysto danaha guud ah ee caalamka. Intii u dhexaysay 2003 iyo 2017 waxuu fududeeyay amaseba dhexdhexaadiyay ilaa 15 xaalad colaadeed oo toddoba ka mid ah ay ka taagnaayeen qaaradda.
Kuwa dhaleeceenaya dadaalkiisa ayaa rumaysan in tillaabadu tahay isku day looga cadhaysiinayo reer galbeedka oo diblomaasiyada ay u adeegsadeen xallinta khilaafaadka Itoobbiya, iyo xasillinta xiisada Sudan ay si weyn u fashilmeen, iyagoo weliba la’ dhan ay u qumiyaan Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaate, tartanka bariga iyo galbeedka ayaa waxuu u muuqdaa mid ka tarjumaya fursad gobolka u soo kororta. Dalalka Afrika ayaa guud ahaan soo dhaweeyay doorka Shiinaha uu ka qaadanayo siyaaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga si loo horumariyo nabadda qaaradda uu ku leeyahay maalgashiga lixaadda leh, tii reer galbeedkuna ay ka maqan tahay.
Inta badan, waxaa Shiinaha loo arkaa awood waxtar leh. Waxuu maalgelin dhan 4.5 bilyan doolar ku bixiyay trainka isku xiraya dekedda Jabuuti, iyo Itoobbiya. Waxuu dhisayaa waddooyinka isku xira Eritrea iyo Itoobbiya, iyadoo laga yaabo inay ku xigi doono maalgashiga dekedaha badda cas ee Eritrea.
Ganacsatada Shiinaha waxay rumaysan yihiin in dheefsiga maalgashigoodu si toos ah ugu xiran yahay nabad iyo amni, halka reer galbeedku ku ilaalsanayaan danahooda, waxii ka dambeyay nidaamka cusub ee adduunka, juujuub iyo cabsi gelin.
Siddeeba, waxaa caddaatay in marka dal sabool ah uu u talaabsado hormar dhaqaale, hirgeliyana mashaaric waxtar u leh dalkaas inay xasillonida iyo nabadduba helayaan fursad weyn.
Inkastoo, reer galbeedku dhaliilayo waxtarka doorka Shiinaha ee xallinta khilaafaadka murugsan ee Geeska Afrika, haddana marka la eego mabda’iisa ah inuu ka fogaado faraggelinta arrimaha guddaha waxay suuraggelinayaan inuu noqon karo xoog nabadoon, maaddaama uu siinayo mwaaddiniinta dalalkaas fursad dhab ah oo ay mashaakilkooda iyagu ku xallistaan. Afrika waxay u baahan tahay saaxiibtinimo dhab ah oo ku salaysan sinnaan, iyo ixtiraam.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.