Thursday, June 1, 2023
Home Diblomaasiyadda Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Faraggelinta Qadar iyo Imaaraadka ee Soomaaliya

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Faraggelinta Qadar iyo Imaaraadka ee Soomaaliya

Jamhuriyadda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo bil ka hor Ra’iisulwasaarihiisii la kulmay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Maxammed Bin Sayid Al Nahyan ayaa March 4, 2021 looga yeeray Dooxa. Burburkii taliskii Siyaad Barre waxuu Soomaaliya dhaxalsiiyay hoggaan u nugul dalal shisheeye oo isku daya inay ka faa’iidsataan habacsanaanta siyaasadeed ee dalka. 

Horraantii bishii February 2022, ayaa Imaaraadka martiggeliyeen Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble xilli doorashadii Golaha Shacbka dib uga dhacsanayd madashadeedi. Muraadka laga lahaa ayaa ahaa in dib loo soo noolayo faraggelintoodii doorashada Soomaaliya.

Dabcan, lama dafiri karo, in maamul-xumada  hoggaanka dalka  iyo bisayl la’aanta siyaasiyiinta ay qaybtooda ku leeyihiin eedda. Balse, masalladdu waxay tahay in la kala garto doorka shisheeyaha uu  ka ciyaarayo dibudhiska dowladnimada amaseba duminta dalka.

Abu Dhabi waxay hoggaaminaysa duullaan diblomaasiyadeed oo laga yaabo in lagu duufsado amase lagu haggardaameeyo qofka fariisan doono Villa Somalia. Dhammaan shisheeyuhu waxuu saamayn ku leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo qaarkood u adeega  danahooda gaarka ah keliya iyagoo u aaba yeelin dal iyo dad toona.

Booqashada Rooble waxay dhalisay su’aallo ku saabsan qaabka, nuxurka, iyo waqtiga dib u soo noolaynta xidhiidhka marka la eego xafiiltanka Imaaraadka kala dhexeeya Qadar – Turkiga oo in muddo ahba garwadeen ka ahaa dibudhiska dowladnimada dalka. 

Wargays ka soo baxa dalka faransiiska ayaa qoray inaan la ogayn xeeladda Abu Dhabi u adeegsan doonto si ay Muqdisho mar kale gacanta ugu dhigto. Imaaraadku waxuu ka walaacsan yahay inuu lumiyo haraagii saamayntiisa, gacan micna lehna kuma laha cidda hoggaanka u qaban doonta Soomaaliya.

In dano dhaqaale laga helo Soomaaliya amaseba Geeska Afrika waa hammi ay ka wada siman yihiin dalalka bari iyo galbeedba, gaar ahaan Qadar iyo Imaaraadka. Balse, siyaasadda Imaaraadka ay u adeegsatay ribix raadintaas ayaa khaldan.

Marka hore, waxay ku ciqaabtay Soomaaliya inay dhexdhexaad ka noqotay xurgufta kala dhaxaysa dalka Qadar, waxayna joojisay wax allaale wixii taageera ahaa oo ay ka mid ahayd tababbarka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taa waxaa xigay, in xiriir toos ah ay la yeelatay Gobollada gadoodsan (Somaliland iyo Puntland), ulana dhaqanto ilaa maanta sidii iyagoo ah maxmiyado madax bannaan. Imaaraadku waxuu si  cadawtinnima leh cisbitaalkii “Sheikh Zaid” ee uu u dhisay maatida kaga raratay dhammaan qalabkii caafimaad.

Intaas kuma ekaane, waxuu weliba dalka soo gelisay lacag dhan 9.6 malyan doolar oo aan marnaba soo marin nidaamka u degsan dalka. Ujeeddadu waxay ahayd inay u adeegsato faraggelin siyaasadeed. Sidaas oo ay tahay khatar kuma aha amniga qaranka, Soomaaliyana dhul iskuma haystaan sida Itoobbiya iyo Kenya.

Balse, damaceeda gurracan ayaa gaarsiiyay inaysan waxba ka qabin in ummadda Soomaaliyeed har cad la sii kala qaybiyo. Dhibaata noocaas ah ayay ku haysaa dalal carbeed oo ay ka mid yihiin Yaman, Tuunis, Libiya, iwm.

Wargaysyada caalamka ayaa sheegay in Abu Dhabi oo kaashanaysa Tel Aviv ay malxiis ka tahay socdaal Muuse Bixi Cabdi ee Washington. Dhaqdhaqaaqa noocaan ah waxuu mustaqbalka xiriirka labada dal ku dari doonaa hubanti la’aan weyn.

Shaki kuma jiro, in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu wajihi doono caqabado, iyadoo aan loo eegin cidda ku guulaysan doonta madaxnimada dalka. Sidaas daraadeed, Muqdishu waxaa ku adkaan doonto inay ilaaliso isku dheellitirka Qadar iyo Imaaraadka, walow labaduba muhiim u  yihiin.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments