Wednesday, April 24, 2024
Home Siyaasadda Yaa Ku Guulaysan Doono Doorashada Madaxweynaha

Yaa Ku Guulaysan Doono Doorashada Madaxweynaha

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa doorashadii madaxweynaha oo rajo iyo dareenba wada sidata. Dhammaan 329ka xubnood ee labada gole ayaa ka qaybqaadan doono codbixin qarsoodi ah ilaa qof laga doorto. 

Ma sahlana saadilin natiija maangal ah, sasbabtoo ah cidda wax go’aaminaysaa ayaa ah xildibaanno xulasho ujeeddo-badan ah oo aan loo adeegsan habraac hufan ku yimid, wax kastana laga filan karo. 

Balse, haddii diiradda la saaro sida ay u dhaqmeen codbixiyayaasha doorashooyinkii February 2017kii iyo September 2012kii oo soo saaray natiijooyin lama filaan ah waxaa soo bidhaamaya doorsoonayaal sida saadaal xiiso leh.

Taariikhda doorashada Soomaaliya marna ma dhicin madaxweyne ku guulaystay wareegga hore. Doorashadii February 8, 2017 waxaa wareegga koowaad soo galay: 

1Xasan Sheikh Maxamuud88 dhibcood
2Maxamed Cabdullahi Farmaajo72 dhibcood
3Shariif Sheikh Axmed49 dhibcood
4Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke37 dhibcood

Wadarta codka ay heleen waxay ahayd 246 oo u dhigantay 75%. Halka 83 xildhibaan ay codkooda oo u dhiganta 25% siiyeen musharrixiin aan ku soo bixin wareegga. Sidoo kale, doorashadii September 2012kii codkii xildhibaanada gadooday waxuu ahaa 34%.

Haddii natiijadii doorashooyinkaas lagu dabaqo midda 2022, wareegga hore waxaa loo badinayaa inay ku soo baxi doonaan: 

1Maxamed Cabdullahi Farmaajo
2Musharrax aan muuqan
3Shariif Sheikh Axmed
4Saciid Cabdullahi Dini

Sida caadadu ahayd, Shariif Sheikh oo hadda ugu cadcad musharrixiinta ayaa dhibcihiisa ula gudbi doona wareeggayada dambe, marka la tixgeliyo mowqifkiisa fikireed. Halka Saciid Deni oo “Imaaraadku” ku daaban yihiin Maxamed Cabdirisaaq Maxamuudna faraqa ku dhegan yahay, aan laga yaabin inuu la yimaado filawaa rogga natiijada sida ay hadda u taal.

Dabcan, Baarlamaanka laga yaabo in hoggaankiisu uu ku soo biiro Fahad Yasiin Xaaji Daahir una badan dhallinyaro, xilli mucaaradku ku guuldarreysteen inay isku raacaan musharrax matila, waxuu astaan wanaagsan u yahay Farmaajo. Balse, taas macnaheedu ma aha inuu dalka hoggaamin doono. 

Isbeddel awoodeedka Soomaaliya ee soo noqnoqda ma aha dhalanteed. Waxaanu ognahay in xildhibaannada gadooda ay badanaaba ka soo horjeestaan madaxweynaha tala haya. Waxaase lagu doodi karaa in 2022 codbixintoodu ka yaraan karto 25%, doodse kama taagna inay yihiin cudud isbeddel dhalin karta.

Madaxweyne Farmaajo waxuu dhibbane u yahay siyaasad cakiran, iyo maqnaansho wadashaqeyn ka sakow, mooradduugid hanti qaran (shidaal) oo hoostiisa ka dhacday. Madmadowgaas waxuu tijaabado muhiim ah ku ahaa habdhaqanka xukunkiisa, waxuuna ballanqaad u yahay guuldarro.

Tani waxay fursad u furaysaa musharrax aan muuqan. Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxuu ku guulaysan karaa isagoo isku hela Shariif Sheikh Axmed iyo Saciid Cabdullahi Deni, isbahaysigaasoo u muuqada mid xasilloonayn.

Rajada laga qabi karo madaxweynaha iyo xukuumadda soo socota ayaa ah inay la yimaadaan hoggaan hufan oo karti leh si loo dhamaystiro xeerka doorashada “qof iyo cod,” loogana gudbo awood qaybsiga qabiilka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments