Friday, December 1, 2023
Home Gudaha Somaliland - Aqoonsi Ma Ku Heli Doontaa Walwalka Mareykanka uu Ka Qabo...

Somaliland – Aqoonsi Ma Ku Heli Doontaa Walwalka Mareykanka uu Ka Qabo Shiinaha

Jamhuriyadda

Wafdi ballaaran oo uu hor kacayo Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa Axaddii March 13, 2022 safar ku tegay  dalka Mareykanka. Wafdiga waxaa martiqaad rasmi ah u fidiyay Heritage Foundation oo ah hay’ad fikradeed (think-thank) muxaafid ah oo saldhiggeedu yahay Washington DC.

Bashir Good oo ah madaxa Somaliland Mission in USA ayaa shaaciyay in wafdigu uu la kulmi doono madax ka tirsan maamulka Joe Biden. Mareykanku waxuu ula dhaqmaa Somaliland sidii qayb ka mid ah Soomaaliya, mana la laha xidhiidh diblomaasiyadeed sida uu qabo heshiiska Vienna ee xidhiidhka caalamiga.

Maamulka Somaliland waxuu dadaal ugu jiray inuu helo aqoonsi caalami ah, tan iyo May 18, 1991 oo ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya ku dhawaaqeen gooni-isutag. 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marwo Molly Phee oo la kulantay Muuse Biixi ayaa wax yar kaddib kulankoodii ku shaacisay tweeter-keeda in, “Mareykanku sii wadi doono kula dhaqanka Somaliland siyaasaddiisa Soomaaliya oo mid ah.”

Inkastoo, Somaliland aysan u suuraggelin hadafkeedii, haddana waxay xidhiidh aan rasmi ahayn la leedahay qaar ka mid ah dowladdaha shisheeye, sida Imaaraadka, Kenya, Taiwan iwm oo ay ku leedahay wakiillo aan lahayn maamuus diblomaasiyadeed.

Mudane Biixi oo ka hadlay xaflad ay qaban qaabisay Heritage Foundation ayaa Mareykanka ugu baaqay inay sharaako la noqdaan Somaliland taas oo ahayd malaha hadafka socdaalkiisa.

Danjire Larry André oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Garowe Online March 15, 2022 ayaa sheegay in, “Booqashada Biixi aysan beddeli doonin mowqifka Washington ee Soomaaliya.” 

Hay’adda Heritage Foundation iyo shaqsiyaad muxaafidiin ah oo Washington uga ololeeya danaha dalalka shisheeye ayaa si weyn ugu hawlan baadi goobka aqoonsiga Somaliland.

Somaliland Mission in USA oo gacan weyn ka gaystay soo dhaweynta wafdiga Somaliland ayaa ah shirkad “lobbyist” ah oo fadhigeedu yahay Washington, Wasaaradda caddaallada Mareykankana uga diiwan gashay “foreign agent corporation”. 

Si kastaba ha ahaatee, dunida waxaa ku soo wajahan isbeddallo aan horey loogu talaggelin, oo saameyn doono qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika.

Soomaaliya kama badbaadi doono hardanka quwadaha caalamku ee wada danaynayaan ilaa dhaqannada jahawareerka leh ee sanadihii la soo dhaafay muuqday wax laga beddelo inta dunida, gaar ahaan Mareykanku uusan ka xiiso dhigin gebi ahaan dalkuna noqon bar colaadeed. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments