Wednesday, June 7, 2023
Home Siyaasadda Doorashada Guddoonka Golaha Shacbiga Ma Horseedi Kartaa Isbeddel Khayr Qaba

Doorashada Guddoonka Golaha Shacbiga Ma Horseedi Kartaa Isbeddel Khayr Qaba

Jamhuriyadda

Xulashada Golaha Shacbiga oo madlaneyd in la soo gabaggabeeyo March 15, 2022 ayaa mar kale dibudhacday, taasoo saameyn ku leh doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka 11aad, inta aan loo gudbin tii madaxweynaha oo udub dhaxaad u ah isbeddel ku yimaad hab nabadeed. 

Ma sahlana saadaalinta guddoon aan ilaa hadda la dhammaystirin xubnihiisa. Balse, ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in wadahadallo aan rasmi ahayn ka socdaan daaha gadaashiisa. 

Waxaase hubaal u muuqda, in rajadii dib u soo laabashada Maxamed Cabiraxmaan Mursal ay aad u liidato, uuna eedsaday ku tumashadii xeerarka dastuurka ee dhaliyay khilaaf siyaasadeedka dalka gaarsiiyay marxaladdii khatarta ahayd.

Sidoo kale, waxaa meesha ka baxday mala awaalkii lahaa madaxtooyada ayaa ku qalqaalinaysa Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagaree inuu u tartamo hoggaanka Golaha Shacabka. 

Wadahadallada ayaa laga yaabaa inay burburaan haddii aan muranka lagu heshiin. Laftagareen ayaa dabada ka riixaya Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo hore gudddomiye uga soo noqday gobolka Bakool khibradna u leh maamulka iyo siyaasaddaba. Inta uusan isku dhiibin Laftagareen, wuxuu Saransoor ka mid ahaa musharrixiintii u loollamayay hoggaanka  maamul-gobleedka.

Inkastoo, si faahfaahsan loo hayn muranka lagu kala qaybsan yahay, mala-awaalku waxuu yahay in Nabad iyo Nolol ay si aan gabasho lahayn u taageersan tahay Cali Saciid Fiqi oo khibrad hoggaamin ku soo qaatay golaha wakiillada Konfur Galbeed.

Mucaaradka ka soo horjeeda ayaa ku dhaleeceynayaa daacad u ahaanshaha madaxweynaha. Halka dadka yaqaan ay leeyihiin waxuu leeyahay awood uu ku xaliyo qalalaasaha siyaasadeed ee sida joogtada ah u aafeeya dalka, haddii fursad loo siiyo. 

Doorashada baarlamaanka waxay daaha ka qaadday qaabdarrada siyaasadeed ee Soomaaliya. Balse waxay dhinaca kale fursad siisay jufooyin ka oonnaa awood siyaasadeedda beelaysan.

Koonfur Galbeed waa gobolka ugu xildhibaanada badan baarlamaanka, balse waxay u baahan tahay isu-tanaasul. Ku guulaysiga codka qarsoodiga ah ee Golaha Shacbiga waxuu u baahan yahay cod ku filan oo midkoodna ilaa hadda heli karin.

Saadaashu  waxaa tahay in Madaxweynaha soo bixii doono uu noqon doono nin sii wadi kara waxqabadkii maamulka Nabad iyo Nolol intaan laga weecan dhabbaha toosan.

Barawe oo musharraxoodu guulaysta markii ugu horreysay taariikhda siyaasadda Soomaaliya ayaa tijaabo ku ah awood siyaasadeedda beelaysan, walow guusha Fiqi ay kordhi karto rajada Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments