Jamhuriyadda
Danjire Xue Bing oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u magacaabay Geeska Afrika ayaa Khamiistii March 17, 2022 booqosho ku yimid Muqdisho. Shiinuhu kama waaban inuu Soomaaliya oo wajahaysa duruufo adag kala tashto nabadda gobolka, iyagoo ergooyinka reer galbeedka ka gaabiyeen.
Danjirahu waxuu wada marayaa dalalka Eritrea, Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, Konfur Sudan, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda isagoo u gogol xaaraya shirwayne nabadeed oo uu dalkiisa dabada ka riixayo, si wadajir loogu wajaho caqabadaha saddex-geesoodka ah ee amniga, horumarka iyo dowladnimada.
Dadaalka “horumarinta nabadda” waxaa looga golleeyahay in dalalka gobolka si madaxbannaan ula tacaalaan caqabadaha hortaagan nabad iyo xasillooni, si ay u helaan horumar iyo barwaaqo waarta.
Inkastoo, gobolku ku yaal bar muhiim ah leeyahayna kheyraad dabiici ah iyo rajo horumarineedba, haddana loollan awoodeed iyo jahawareer siyaasadeed (intra-state conflicts) ayaa ka dhigay goob colaadeed.
Taasoo jirta ayaa haddana aagga masrax looga dhigay is-baacsiga quwadaha waaweyn (geopolitical), oo dabada ku sita iska horimaadyada dalalka jaarka ah, falalka argaggixisada, dagaallada beelaha, cabburidda dadweynaha, iyo dhaca hubaysan oo dhammaan u adeegaya faafidda hubka sharcidarrada ah; islamarkaasna suuraggelinaya in mabda’a xagjirka ah uu kusii faafo Geeska Afrika.
Ku biiridda toddobaadkan Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame Sunni ururrada xagjirka ee dagaallama iyo in dalka Jabuuti uu noqday meel ay quwadaha waaweyn ka dhigteen saldhiyo militeri waxay muujinayaan in gobolku uu noqday fulkaano aan xasillayn (BBC Soomaali 21/3/2022).
Inkastoo, reer galbeedka ku dhaleeceynayaan in khilaafaadka gobolka ay sababeen hoggaan xumo, haddana Beijing waxay rumaysan tahay inay yihiin caqabado horumar oo lagu xallin karo wadahadal iyo diblomaasiyad, iyadoo laga wada shaqaynayo baahida guud halkii loo tartami lahaa.
Hindisaha Shiinuhu waxuu ku salaysan yahay in marka hore, la ixtiraamo lana taageero waddamada dhibaatada ka taagan tahay, halkii laga cadaadin lahaa. Marka xiga, in gobolku dardargeliyo iskaashi wax ku oolka ah si kor loogu qaado awoodda horumarka. Ugu dambayn in la baaro habab wax ku ool ah oo looga gudbo caqabadaha dowladnimada.
Nasiibdarro, diblomaasiyadda galbeedka ku xakamadayn lahayd colaadda Itoobbiya, kacdoonka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo jahaynta kala guurka murugsan ee Sudan ayaa waxaa fashiliyay aragti gaabi gumaysi iyo fahmid xumo.
Balse, Ned Price oo ah afhayeenka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in, “Mareykanku la shaqeyn doono dhammaan lammanayaasha wadaaga ujeedooyinka horumarinta nabadda iyo amniga gobolka” (US News 6/01/2022).
Bayaanku waxuu dhirriggelinaya horumarinta nabadda inkastoo, uu ka soo horjeeddo siyaasadda Mareykanka u gaysay inay soo dhaweystaan Somaliland iyadoo ku cadaadinayo Xamar oo wadahadallo dhowrsan la wada Shiinaha.
Si kastaba ha ahaatee, nabad waarta waxay u baahan tahay bulsho isku duuban oo awood u leh inay ka fogaato tartanka “geopolitical” ee u dhaxeeya quwadaha waaweyn iyo in hoggaanku noqdo mid maskax furan oo ka faa’iidaysta taageerada saaxiibbada shisheeye si masiirka gobolka gacmahooda ugu qabsadaan.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.