Tuesday, February 7, 2023
Home Siyaasadda Mucaarad Aan Aragti Wadaagin Ma Ka Guulaysan Karaa Farmaajo

Mucaarad Aan Aragti Wadaagin Ma Ka Guulaysan Karaa Farmaajo

Jamhuriyadda

Xulashada xubniha Golaha Shacabiga ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS 11ad) ayaan weli qabyo ka ah maamul-goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland. Sooyaalka codbixinta waxaa ka muuqda astaamo muujinaya in mucaaradka kala irdhoobay aysan u sahlaneen ka badinta madaxweyne shacbiyad leh, in isbahaysi dhismo mooyee.

Tan iyo xagaagii 2020, mucaaradka waxuu isku dayay xeelado uu kula legdamo madaxweynaha xilka haya sida: (b) Inay hal musharrax la hortagaan goobta doorashada; (t) Inay ku midoobaan rididda madaxweynaha; amase (j) Inay soo-bandhigaan dhaliilaha  maamulka talada haya eedaymo culusna dusha looga tuuro. 

Isku daygii ugu horreeyay oo mucaaradka ka soo horjeedo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku midoobi kareen ayaa fashilmay, inakstoo codka musharrixiinta madaxweynaha uu madasha ku yeeshay mug. Xilhayntii madaxweynaha oo dhammaatay iyadoo dalku habraac doorasho ku heshiin, iyo afgambigii muddo kordhinta sharcidarrada ahayd, midkoodna si habboon ugama faa’iidaysan musharrixiinta mucaaradka ah.

Siyaasadda ay adeegsanayeen waxaa ku xeernaa kalsooni xumo aan xal lahayn. Xitaa markii ra’iisulwasaarihii hore uu ku soo biiray ma haleelin tabo ay si wadajir ah ugu midoobi karaan afhayeen, waxaa u taliyay bisyl la’aan siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed.

Madasha musharrixiinta waxay kusoo baxday isbahaysi dabacsan oo aan isku mowqif ka ahayn arrimaha siyaasadda iyo dhacdooyinka masiiriga ah. Waxaa xusid mudan, in xubnaha badankoodu ku sifoobayn siyaasiyiin aan aragti wadaagin. Natiijadu waxay noqotay, inuusan ilaa maanta jirin musharrax mucaarad ah oo kaligiis kaga guulaysan kara Farmaajo.

Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa shaki ka muujinaya in Saciid Cabdullahi Deni uu la imaan karo filawaa beddeli kara xaaladda xitaa haddii uu gacantiisa ku soo xushay codadkii uu uga gudbi lahaa wareegga koowaad.

Dayrtii dhaweed, dagaal Guriceel ku dhexmaray Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda oo musharrixiinta madaxtooyada u kala jabeen kuwo u riyaaqay meliishiyada kuna sifoobay nidaam-diid iyo kuwo diiday in qori awood siyaasadda lagu raadiyo oo noqday nidaam-doon ayaa banaanka soo dhigtay hagardaamooyinka ka dhex oogan musharrixiinta aan aragtida wadaagin.

Hadda oo doorashadii soo dhawaatay, fursadda keliya oo u soo hartay ayaa noqotay soo-bandhigidda dhaliisha madaxtooyada waana taas tan keentay in dilkii Xidhibaan Aamino Maxamed Cabdi – oo ku caan ahayd kiiskii Ikraan Tahliil lagu tilmaamo mid siyaasadeed, iyadoo aan weli baaris rasmi ah lagu sameyn.

Waxaa la yaab leh, in kolkii hay’adaha amniga ay yiraahdeen Al shabaab ayaa afduubtay Ikraam malahaana dilay, in mucaaridku ku anddacoodeen in Al Shabaab ay dafirtay inay lug ku leedahay dilka Ikraam. Haatan oo argagixisada ay qiratay dilka Aamina, mucaaradku waxuu la indha cad yahay “Al Shabab ma aha”. Mandaq ahaan soo ma aha wax isdiiddan.

Waxaase ka sii  yaab badnayd, fudeedka ay eedaynta madaxtooyada qayb kaga noqdeen diblomaasiyiin aajnabi ah oo ay ugu horreyso Tiina Intelmann, ergaga Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la isku waafaqsan yahay in xildhibaannada “gadooda” oo musharraxoodu soo bixi waayaan ay badanaaba ka soo horjeestaan madaxweynaha talada haya uguna shubaan musharraxa la habboonaado. 

Waxaase isweydiin mudan, intee in le’eg ayay xildhibaannada gadoodi doono ugu shubi doonaan haddii musharraxa kale uu noqdo Saciid Deni oo arrinkiisu yahay “nin hagi waayay gobol ma hagi karaa qaran?”. Waa imtixaanka horyaal BFS ee 11aad  oo taariikhda u geli doonto.

Sanadkaan si gooni ah ayuu uga duwan yahay kuwii hore marka la eego doorsoomayaal cusub oo soo ifbaxaya, mana muuqato fursad looga guulaysan karo madaxweynaha xilka haya, haddii uusan mucaaradka la imaan musharrax isku uruurin karaya taageerada dhammaan musharrixiinta kale.

Isku soo wada duub, ma jirto musharrax la isku raacsan yahay ilaa hadda, mucaaradkuna sidii hore ayuu u kala fog yahay iyadoo weliba shacbiyadda Farmaajo ay foorarsatay.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Maxuu Shir Madaxeedka Dalalka Deriska Kusoo Kordhin Doonaa Dagaalka Argaggaxisada?

Jamhuriyadda Shir afar-geesood ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shir-guddoomiyey kana soo qaybgaleen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kan Kenya William...

Taariikh Hawleed Kooban ee Qoraaga Mary HarperAuto Draft

Axmed Q. Cali Mary Harper, waa Iskudubbaridaha wararka Afrika ee BBC-da (BBC World Service-African Editor), waxay ka qalin...

Laas Caanood Ma Go’aamin Doontaa Masiirka Ummadda Soomaaliyeed oo Idil?

Jamhuriyadda Toban iyo shanti sano (2007) oo ay Somaliland maamulaysay waxaa ka dhacayay Laas Caanood dilal lagu beegsanayay...

Laas Caanood: Kacdoonka Buluugga Fariin Caynkee ah ayuu Sidaa?

Jamhuriyadda Odoroska waa saadaalin ama malayn waxa dhici kara mustaqbalka, iyadoo sal looga dhigayo xisaabin cilmiyeed, ama isu geynta xaaladaha...

Recent Comments