Jamhuriyadda
Shirkadda Shidaal Eni Energy oo saliid ka baaraysay badweynta Hindiya ayaa shaaca ka qaaday in ceelkii Mlima-1 uu noqday mid aan rajo lahayn. Ceelka oo xeebta u jira qiyaas dhan 170 km ayaa ku yaal Lamu Basin oo dhacda sohdin-badeedka Soomaaliya. Kenya ayaan joojin hawlihii sahminta badda, xitaa markii October 2021 Maxkamadda ICJ ka xukuntay.
Natiijada la faafiyay ayaa muujinaysa in bartilmaamsigii kayd ganacsi gala lagu hungoobay, walow sahmintii horudhac ahayd ay muujinaysay in inta u dhaxaysa 4 ilaa 4.5 biylan fuusto oo saliid ah ay hoos taal biyaha.
Kenya ayaa 2012kii, ruqsad sahamin u siisay shirkaddaha Eni Energy, Total, iyo Anadarko Petroleum Corporation aagga biyaha badda Soomaaliya kagana uruursatay xuquuqda sahmin iyo dakhli idan la’aan.
Horrantii 2022, ayuu madaxa hay’adda Shidaalka Kenya sheegay in December 28, 2021 shirkadda ENI (Agip) ay bilowday inay dib u sahamiso ceelka “Mlima-1” oo ku yaal xirmada “L11B.” Eni Energy (41.25%) ayaa July 2019, aagaas heshiis dan wadaag ah kula gashay shirkadaha Total Energies (33.75%) and Qatar Petroleum (25%), sida ay sheegtay Energy Voice 13/01/2022.
Warka ENI Energy Group waxuu dhabarjab ku yahay rajadii Kenya kaga mid noqon lahayd dalalka shidaalka ka soo saara badda. Waxayse laga yaabaa inuu xal u yahay muranka soohdinta, islamarkaasna irid hor leh u furo wax soo saarka shidaalka ceeriin ee Soomaaliya halkaasoo rajada dhabta ku hartay.
Sida xeeldheerayaasha shidaalka (petroleum geologist) saadaalinayaa Soomaaliya waxay ka mid tahay dhulalka yar ee dunida ka harsan oo uu shidaal ceegaago. Haseyeeshee, khayraadka oo aan laga helin saami munaasab ah iyo canshuuraha oo lala baxsado waxay sababaan saboolnimo, caddaallo darro iyo colaad aan dhammaan.
Si kastaba ha ahaate, doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee soo socoto waxaa saamayn ku yeelan doona suuq geynta shidaalka oo su’aalaha ka taagan fadeexadiisa loo la’yahay jawaab ilaa hadda, lagana yaabo inuu “Qumayo Maddow” ka dhalato, haddii aan loo helin hoggaamiye qaran oo si daah-furan u maareeya.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.