Thursday, June 1, 2023
Home Siyaasadda Baroorta Orgiga Ka Weyn - Waa Maxay Xidhiidka Ka Dhaxeeya Midowga Yurub, Sahan...

Baroorta Orgiga Ka Weyn – Waa Maxay Xidhiidka Ka Dhaxeeya Midowga Yurub, Sahan & Mucaaradka 

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Baroordiiq siyaasadaysan ayaa loogu sameeyey magaalada Muqdisho, Xidhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd marxuumiintii lagu dilay qaraxii Beledweyne ee March 23, 2022.

Dilka marxuumadda waxaa dusha u ritay ururka Al Shabaab, waxayna qorshaha iyo xubnihii fuliyey labadii qarax ee sababay dhimashaddii (48) iyo dhaawacii (108), ugu badnaa ee gelin qudha ka dhaca magaalada Beledweyne ku soo bandhigeen saxaafadda dalka.

Balse, dambiga ay qirteen Al Shabaab, waxaa ka rogay badi siyaasiyiinta mucaaradsan Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hoggaanka Hay’adda Sahan (Sahan Institute) oo uu agaasimo Matthew Bryden, iyo Ergayga Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Tina Intelmann.

Barta ay Twitter-ka ku leedahay Tina Intelmann ayey soo dhigtay qoraal xadgudub ku ah dhaqanka diblomaasiyadda, waxayna weerarraddii lagu qaaday xeradda Xalane, iyo Beledweyne ku sifeeysay in ujeedooyin siyaasadeed laga lahaa.

Inkastoo, ay goor dambe ka saartay qoraalkeeda barta Twitter-ka, kaddib markii ay dhaleeceyn kala kulantay Soomaalida adeegsata baraha bulshada, oo ka dalbaday caddeymo xoojinaya eedaynta ama inay bixiso raalliggelin, haddana raalliggelin ma aysan bixin, welina lama ceydhin.

Sida uu qabo qaanuunka, in qof si badheedh ah u sameeyo qoraal ama bayaan been abuur ah, si caddaaladda looga leexiyo jihada saxda ah waa denbi, dan kastaba ha laga lahaadee.

Dhanka kale, dhammaan muwaaddiniinta waxaa waajib ku ah inay si mug leh u ixtiraamaan go’aamada maxkamadaha ay gaaraan, xitaa haddii go’aanku yahay mid aan wada qancin dhinacyada. Waxaase jira wadiiqooyin sharci ah oo loo maro garqaadista aan lagu qancin.

Hay’adda Sahan iyo hoggaankeeda waxaa ku dhacay xukun maxkamadeed, kaddib markii xeer-ilaalinta u gudbisay maxkamadda gobolka Banaadir eedeymo ka dhan ah kamana qaadan racfaan. Quursiga awoodda garsoorka waxaa ka dhalan karta ciqaab culus.

Waxaase ayaandarro ah, in Madaxweynihii hore Xassan Sheikh Maxamuud shirar qarsoodiya ah kula galo Nairobi-Kenya madaxda hay’ad ku howlan sumcad dilka hay’adaha ammaanka iyo quursiga caddaaladda dalka uu madaxweynaha ka ahayn jiray (Soomaaliya).

Waxaa xusid mudan, in xilligii Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed, dowladdii ku-meel gaarka ahayd ay dalka ka ceydhisay hay’adda Sahan, kaddib markii lagu eedeeyey inay ku howlaneyd dhaawicida nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kaddib markii uu ka soo laabtay Kenya, Xassan Sheikh waxuu abaabulay baroordiiq siyaasadeed oo loo sameeyay marxuumad Aamina oo ka tirsanayd xisbigiisa, taasoo ka dhalatay isweydiin ah: Kulanka qarsoodiga ahaa ee Nairobi iyo baroordiiqda Muqdisho maxaa ka dhaxeeya?

Khudbadihii baroordiiqda laga jeediyey waxay ahaayeen olole siyaasadeed oo lagu kicinayay dareenka bulshada, dambiga qaraxyadii Beledweyne-na loo saarinayay mas’uuliyiin ku jira xeendaabka dowladda, balse ka aragti duwan xubnihii xidhnaa “weerka cas”.

Xassan Sheikh Maxamuud, iyo jaalleyaashiisa Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn isu bihinbihlaynayay, iyagoo hakad gelinaya hadal jeedintooda. Malahaa waxay rumaysan yihiin in eedaha wax weyn ka gooyn karaan tartanka doorashada.

Khubarada cilmi nafsiga ayaa aaminsan in “is-bihin-bihinta” dhextaalka looga dhigo hadal jeedinta ama khudbadaha ay tahay farsamo lagu abuuro  dareen, shucuur ama qiiro, “beerlaxawsi”, si loo hanto quluubta dadka.

Ra’sulwasaare Rooble waxuu si cad u sheegay inuu hayo xog tilmaamaysa in la dilayo Xildhibaanad Aamino. Su’aasha jawaabta u baahan ayaa ah: Ma la wadaagay xogtaas laamaha amniga, maadaama uu mas’uul ka ahaa amaanka doorashada si uu u badbaadiyo marxuumadda?

Sidoo kale, Rooble ayaa qirtay in loo soo diray fariimo hanjabaad ah dilka ka hor, mase sheegin tilaabooyinka uu ka qaaday. Wuxuuse sheegay inuu hayo xog ku saabsan sida loo qorsheeyay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne, uuna aaminsan yahay in sheegashada Al Shabaab tahay wax ka fog xaqiiqda!

Rooble waxuu u baahan yahay inuu arko qareen, halka laamaha amnigana ay ku waajibtay inay Maxamed Xuseen Rooble u yeeraan si wax looga weydiiyo waxa uu ka ogaa qaraxyadii ka dhacay Beledweyne ee lagu dilay 48 qof, iyo weliba kiiska Ikraam Tahliil. Caddaaladda cidina kama sareyso.

Waa ugub siyaasadeed in madaxweyne Soomaaliyeed lagu tuhmo inuu qayb ka yahay falalka ay Alshabaab ka fuliso Soomaaliya. Waxaa xusid mudan, in xilligii Xassan Sheikh la dilay 17 xildhibaan, oo uu ku jiro xildhibaan lagu dhex dilay Villa Somalia. Ma waxaanu dhihi karnaa dhammaan weerarradaas argagixiso waxaa lug ku leh Madaxweyne Xassan!

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments