Thursday, June 1, 2023
Home Siyaasadda Ficillada Dimoqraadiyad Diidka ah Dalka Ma Ka Badbaadi Doona

Ficillada Dimoqraadiyad Diidka ah Dalka Ma Ka Badbaadi Doona

Jamhuriyadda

Dibudhacyo is dabajoog ah kaddib soo gabaggabeynta xulashada xubnaha Golaha Shacabka ayaa loo madlan yahay Abril 14, 2022, taasoo horseedaysa doorashada madaxweynaha oo dammaanad u ah xil isku wareejin nabdoon. 

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa March 31, 2022 ku dhawaaqay natiijada doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). Waxaase muran dhaliyay hakinta afar kursi, iyadoo 16kii Gedo ee Jubbaland aan war iyo wacaal loo hayn qabashadooda. 

Maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa is-hortaagay go’aanka guddiga FEIT, iyagoo ku doodaya in kuraasta ay soo mareen habraacyadii loogu taloggalay. Tillaabada madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid dhalin karta halis siyaasadeed.

Doorashadii 2016kii xildhibaanno uu ka mid ahaa Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaatay shahaadada, iyadoo xubno la degaan-doorasha ahaa la hakiyay. Guddoomiye Maxamed Cabiraxmaan Mursal oo shir jaraa’id ka hadlayay ayaa carrabka ku dhuftay in dhammaan maamul-goboleedyadu ay habraac isku mid ah ku qabteen doorashada dadban (qaab qalad ah), loona baahan yahay in la dhexdhexaadiyo khilaafka.  

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa rumaysan in xulashada barlamaanka 11ad aan loo adeegsan habraac hufan, balse aysan sax ahayn in la yiraahdo maxaa loo qabanayaa afarta kursi kuwa kaleba waa qaldan yihiine.

Xukuumaddii loo igmaday hawsha doorashada oo uu u ugu horreeyo Ra’iisalwaraaraha, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiyadda heer gobol iyo mid Federaalba midkoodna far uma dhaqaajin inuu wax ka saxaan falalka khatarta ah.

Hay’adda NISA oo dhawaantaan shaacisay in mu’aamaro lagu beegsanayo hoggaanka dalka ayaa hadal hayn ah in madaxtooyadu abaabulayso afgambi dhalisay iyadoo mucaaradku ku dhaleeceynayo inuu Maxamed Cabdullahi Farmaajo doonayo inuu dalku galiyo xaalad u saamaxda inuu xukunka sii hayo.

Iyadoo xaqiiqadu ay weli qarsoon tahay, haddana taasi waxay mucaaradka u noqon doontaa guul siyaasadeed oo weyn waxayna siinaysaa fursad ay Farmaajo kaga saaraan doorashada.

Sanadkii tegay mucaaradka iyo muxaafadkeeduba waxay isku taxallujiyeen inay afgambi iyo kacdoon shacbi ku hakiyaan geeddi-socodka awood isku wareejinta nabdoon. Qaab hoggaamineedka Farmaajo ayaa inta badan lagu dhaliilaa inuusan soo dhaweeyn kuwa la xafiiltama.

Duufaanta siyaasadeed ee ka dhacaysa Muqdisho horey looma arag lama qiyaasi karo halka ay ku furan doonto. Dhinac walba waxuu dhanka kale ku eedaynayaa carqaladeenta awood kala wareeg nabdoon.

Dibudhaca doorashada waxay caqabad ku tahay dib u cusboonaysiinta heshiiska IMF ay ku bixin lahayd mushaaraadka ciidamada.

Khashkhashaadda doorashada  iyo isqabqabsiga hoggaanka sare waxay marqaati ka yihiin khataraha isa soo taraya ee Soomaaliya wajahayso.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments