Jamhuriyadda
Soomaaliya ayaa khilaaf hor leh ka dhashay Khamiistii Abril 7, 2022 kaddib markii Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble uu u aqoonsaday wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira “qof aan loo baahneyn – persona non grata.”
Danjiraha ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal aan la jaan qaadi karin maqaankiisa. Haseyeeshee, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo iska leh mas’uuliyadda aqoonsiga diblomaasiyiinta shisheeyaha ayaa diiday falka khatarta ku ah xidhiidhka caalamka.
Danjire Francisco Madeira oo u dhashay dalka Mozambique ayaa Midowga Afrika mas’uul uga ahaa hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo Oktober 2015kii.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo Abril 8, 2022 walaac ka muujiyay warka ka soo yeeray Xafiiska Ra’iisulwasaaraha DFS, ayaa soo dhaweeyay raalligelinta Madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay arrinka.
Sida Rooble u maareeyay xaaladda ayaa ahayd mid laablakac ah oo aan waafaqsanayn hab maamuuska, soona bandhigtay kala qaybsanaanta hay’adaha fulinta kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS ay ka aamustay falka sharcidarrada ah.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay BBCda ayaa sheegaya in diblomaasiyiinta shisheeye ku milmeen siyaasadda dalka. Rooble waxaa loo soo dusiyay xan uu Francisco Madeira ku eedeynayo inuu la saftay mucaaradka si Farmaajo looga horistaago in mar kale la doorto.
Mucaaradka oo dhaliilay go’aamadii lagu cayriyay Nicholas Haysom iyo Simon Mulongo, ayaan soo dhaweyn kalsoonida Moussa Faki uu siiyay Francisco Madeira.
Wargayska The East African oo si dadban u soo bandhiga ra’yiga dowladda Kenya ayaa ku eedeyay Francisco Madeira inuu si joogta ah ula safto DFS. Halka kuwa dhaleeceynaya Rooble ay u arkaan tillaabada mid ku mowqif ah Kenya iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo caqabad ku ah soo afjaridda doorashada.
Midowga Afrika haddii uu duray go’aanka Rooble, mahadiyay raalliggelinta Farmaajo, daafacayna Madeira, micneheedu ma aha inay ka horimanayaan go’aanka, balse sida caadada ahba waxaa si hoose loo beddeli doonaa diblomaasiga muranka ka taagan yahay.
Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhibbane u ah loollan awoodeedka Farmaajo iyo Rooble, fursadna siinaya in cadawgu dabka ku sii shubo baansiin. Inkastoo, ilaa hadda la doortay ilaa 255 xildhibaan, haddana dad badan ayaa la walaacsan waxa xisaab xumada hoggaanka biddi doonto karaamada dalka.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.