Jamhuriyadda
Bisha Ramadaan waa waqtiga ugu fadliga iyo qaddarinta badan sanadka Islamka. Dhammaan muslimiinta qaangaarka ah ee miyirka qaba waxaa waajib ku ah soon iyagoo kaga fogaanaya in si ulakac ah u cunaan ama u cabbaan inta u dhaxaysa qorrax-soobax iyo qorraxdhaca.
Sida ku cad kitaabka muqaddaska ah (Quraanka) dadka loo banneeyay af-furka, waxaa ka mid ah kuwa qaba cudurada halista ah amase xanuunnada joogtada ah. Sonkorowga waxuu ka mid yahay cudurada joogtada ah waana xaalad nololeed oo keenta in heerka sonkorta (macaanka) dhiigga uu aad u sarreeyo.
Inkastoo loo banneeyay bukaanka inuu afuro, haddana waxaa jira dad rabitaan aad u weyn u qaba soonka Ramadan. Haddaba aanu isweydiinnee, side qof sonkorow qaba u soomi karaa bisha barakaysan sonkorta dhiiggiisana u xakameeyn karaa?
Ka hor inta qofku uusan soomin waxaa muhiim ah inuu si taxaddar leh ula tashto dhakhtar si uu u ogaaado khataraha ka imaan kara sonkorta dhiigga oo hoos u dhacda amaseba sare u kacda iyo fuuq-bax. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in qofku yaqaan nooca sonkorowga uu qabo.
Waxaa jira laba nooc oo mid ka mid ah loo yaqaan “type 1 diabetes,” kaasoo difaaca jirka weerara unugyada soo saara insuliinka. Halka nooca kale ee loo yaqaan“type 2 diabetes” aanu jirka keligiis soo saarin karin insuliin ku filan amaseba unugyada aan ay si fiican uga jawaabin insuliinka.
Dhakhaatiirta badankooda waxay ku taliyaan in dadka qabo sonkorowga nooca “type 1” aysan soomin. Halka, kuwa qaba nooca “type 2” oo si wanaagsan loo xakameeyay ay qabaan inaan waxba ku jabneen, haddii qofka la imaan karo taxaddar dheeri ah si heerka sonkorta dhiigga uusan u sabbayn.
Haddii qof doorbido inuu soomo asagoo sonkorow qaba, waxaa muhiim ah inuu ku maareeyo daawo amase qaab nololeed wanaagsan (nafaqo iyo jimicsi ama socod dheer), si loo xakameyn karo heerka dhiigga. Fartiintaas kuma koobna keliya kuwa insuliinka qaata ee waa mid muhiim u ah qof kasta, si heerka macaanka dhiig uu u wanaagsanaado waqti dheer.
Talo waxay ku soo uruuraysaa haddii aad si dhow ula socoto heerka sonkorta dhiiggaaga, raacdo talooyinka dhakhtarkaaga ee ku saabsan cuntada, cabitaanka, jimicsiga ama socod dheer ee joogtada ah, iyo qiyaasta daawada, kana feejignaatid astaamaha sonkorta dhiigga hoos u dhaca amaseba kordha waxaa laga yaabaa inaad si badbaado leh u soomi kartid bisha Ramadaan.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.