Jamhuriyadda
Munaasabadda sanad guurada 62aad ee aasaaskii Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo lagu maamuusay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Abril 12, 2022 ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhoollatuska ciidan fudud oo tayeysan.
Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si rasmi ah loo abuuray 12kii Abriil 1960 kana koobnaa cutubyada lugta, cirka iyo badda, kama badbaadin burburkii qaranka.
Dib u dhiska ciidanka waxuu had iyo jeer ahaa mudnaanta dowladda iyo shacabka Soomaaliya. Waxaa la yaab lahaa, in Wasiirka Gaashaandhigga, kan Amniga, iyo Ra’iisulwasaarahaba ka maqnaayeen munaasabadda, taasoo muujinaysa in khilaafka siyaasadeed ay ka hormariyeen xushmaynta iyo qaddarinta uu leeyahay Xoogga Dalka.
Munaasabadda waxay ahayd mid wacdro leh oo dadweynuhu ku qiirooday sida ciidankoodu diyaarka ugu yihiin sugida amniga dalka. Balse, waxaa la yaab lahayd in mucaaridka ay dhaliileen qabashadeeda oo ku baxday saddex milyan oo doolar, iyadoo abaar jirto.
Waxaase la kala garan la’yahay in dhaliisha ay ula jeedeen in “Ciidamada XDS aysan astaahilin in lagu bixiyo lacag si shacabkooda u tusaan tayada ay gaareen mise inay xasdayaan horumarka XDS.
Xukuumadihii Xasan Sheikh Maxamuud, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, iyo kuwii ka horreyay ee awoodda isku beddelayay oo kaashanayay beesha caalamka ayaa isku dayay sidii loo heli lahaa ciidan shaqaynaya.
Liibaan kama horreyn taageerada hagrad la’aanta ah ee Dowladda Turkiga oo bilaabatay wax yar ka dib 2011kii markaasoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu booqday Muqdisho. Xujada dalka hortiillay ayaa ahayd halka laga bilaabi lahaa qaab-dhismeedka ciidamo qaran oo xigmad Soomaaliyeed hoggaan u tahay.
Horumar la’aanta waxaa sabab u ahaa xeeladaha jid-gaabyada (shortcut tactics) reer galbeedka u adeegsanayeen dib u dhiska, kuwaasoo hoos u dhigayay tayada ciidanka abuurayna musuqmaasuq xididaystay, akhlaaq xumo, iyo xitaa askar rooxaan ah (ghost soldiers).
April 2017, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) iyo Maamul-goboleedyada ku gaadheen Muqdisho heshiis lagu midaynayo ciidamada, loogana xuroobayay tababarada ay bixinayeen qandaraaslayda shisheeye, isla markaasna looga kaaftoomi lahaa gargaarka (mushaarrada iyo adeegyada kale) sababayay kharash aan laga taxadarin iyo musuqmaasuq.
Hindisaha qaab dhismeedka amniga qaranka waxuu diiradda saarayay dhowr arrimood oo DFS ku kalliftay inay sameeyso qiimaynta diyaargarowga hawleed, si loo fahmo awoodda ciidamada qalabka sida. Halkaas waxaa ka soo ifbaxay goldaloolooyinkii jiray.
Soomaaliya waxay jihada saxda ah u quntay kaddib markii barnaamijyada amniga ee caalamka ku kaalmeeynayay ciidamada halbeeg looga dhigay habka uu isticmaalayo Turkiga oo ah kii NATO.
Walow hagaajinta isla xisaabtanka iyo karti dhiska ciidamada ay aad u adag tahay iyadoo dagaallo argagixisada lagula jiro, haddana dibuhabeynta ciidamada oo ahayd khatar loo bareeray ayaa kusoo baxday mid aan lagu khasaarin. Balse, cunaqabataynta hubka ee galbeedku dabada ka riixayaan ayaa weli caqabada weyn ku ah horumarka ciidan madaxbannaan.
Shaki kuma jiro, in dowladnimada Soomaaliya noqon doonto mid taabbaggal ah, ciidanka curdunka ahna uu xasilin doono dalka, haddii la joojiyo siyaasadeynta ciidamada lagana qaado dalka cunaqabateenta saran hubka.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.