Thursday, June 1, 2023
Home Siyaasadda Rajada Musharraxiinta Ugu Cad Cad Tartanka Madaxtinimada Soomaaliya

Rajada Musharraxiinta Ugu Cad Cad Tartanka Madaxtinimada Soomaaliya

Tafiftiraha Jamhuriyadda

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin musharraxnimadiisa ayaa rajeynaya inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loo doorto. Musharrixiinta mucaaradka ayaa isku dayaya inay ka maroorsadaan fursadaas. 

Maanta Farmaajo ma aha xiddiggii siyaasadda ee shan sano ka hor, doorashadatanna waxay dhalin kartaa natiijo aan la filayn. Waxaase loo malaynayaa, lix musharrax oo uu ka mid yahay Farmaajo inay ilaa hadda ugu cadcad yihiin, kuwaasoo wada leh fursad ay ugu gudbaan wareegga koowaad mase la hubo cidda fool ka fool ula tartami doonta wareegga dambe. 

Taariikhda Soomaaliya laguma hayo madaxweyne si dimuqraadiyad ah dib loo doortay. Natiijada doorashada 2022, waxay saamayn ballaaran ku yeelan doontaa hannaanka siyaasadeed ee dalka, iyadoo xasilloonida dalka hoos ama kor u dhiggi karto.

Haddii uu kusoo aado Xasan Sheikh Maxamuud oo ahaa guulaystihii yaabka dhigay 2012kii, hormuudna u ahaa Badbaado Qaran, lana saadaalinayo in codadka uu heli karo kordheen ayaa la hubin inuu ku guulaysan karo codadka xildhibaanada musharraxoodu soo bixi waayo, kuwaasoo la’aantood musharraxna uusan soo bixi karin. 

Xasan waxaa caqabad ku ah musuqmaasuq, haddana codbixinta uu heli karo waxay u badan tahay in guusha u iilan doonto halka uu xigsado, noqon doonana “boqre – kingmaker”.

Soomaaliya horray ugama dhicin musharrax ku guulaystay codbadin buuxda (2/3). Haddiise Farmaajo isku soo beegmaan Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ah hoggaamiye soo jiidashada leh (charismatic leader), markii afaraadna u tartamaya xilka, 2017kiina galay meesha 3aad, libin-darro cirifka ayay u saran tahay madaxweynaha xilka haya.

Cod-bixiyayaashu aalaaba waxay codkooda siiyaan wareegga koowaad musharraxooda. Kan dambe waxay si weyn ugu wareegan musharraxa aysan jeclayn balse ula muuqda inuu dhaamo madaxweynaha talada haya.

Xasan Cali Khayre oo ah aftahan soo jiidasho leh oo meeqaamkiisa soo maray marxallad adag, ayaa markii ugu horreysayna u tartamaya madaxtinimada dalka. Ganacsatada ma jeclaysan canshuurta u ku soo rogay, golaha wasiiraduna waxay kaga sheegtaan cadaadin. Balse, xukuumadiisu waxay dalka gaarsiisay soo kabasho dhaqaale, xasillooni siyaasadeed iyo sumcad calami ah.

Mucaaradka oo sanadadii u dhambeeyay ku jiray xaalad qallafsan, dayrtii dhaweydna isku suntay inay u kala safan yihiin – nidaam-diid iyo nidaam-doon, ayaa laga yaabaa inay ku heshiiyaan sidii ay u taageeri lahaayeen kooda hela codadka ugu badan wareegga koowaad, balse ka dhabaynta ayaa su’aal ka furan tahay.

Saciid Cabdullahi Deni oo markii labaad u tartamaya xilka madaxtinimada, 2017kiina helay 18 cod keliya, kolkanse gacantiisa ku soo xushay  codadkii uu ugu gudbi lahaa wareegga hore, ahna shakhsi muran badan ka taagan yahay ayaan u muuqan mid ku imaan karin tanaasul.

Khaladkiisu waxaa ka mid ah inuu isku sharraxo jago qaran, isagoo lumiyay kalsoonida shacabka – Qardho, Eyl iyo Ufeyn, gobolka Barina dhibaatooyin aan la xallin ka taagan yihiin. 

Dahir Mahamud Geelle waa diblomaasi markii ugu horreysay u tartamaya madaxtinimada dalka. kobaciisa siyaasadeed ayaa noqoday mid cajiib leh, dadweynuhuna aad ugu riyaaqeen inuu iskiis isaga casilay xukuumadda si aan xilka looga qaadin kaddib markii uu u boggiwaayay sida mucaaradka loola dhaqmayo.

Shacbiga kuma qabo kalsooni xildhibanno maamulayaal gobol ay ku soo wada xusheen doorasha dadban si ay fuliyaan qoorshahooda gaarka ah. Haseyeeshe, waxaa muuqata in hoggaanka uu Shacabka ku taamayo inuu yahay hoggaamiye daacad u ah dalka oo aan ku tiirsanayn shisheeye nacab ah, sida Kenya iyo Imaaradka.

Hoggaamiye aan cabburin dadweynaha iyo saxaafadda xorta ah, karti u leh inuu dhammaystira dhismaha xoogga dalka, xoojiya waxbadashada iyo kaabadaha dhaqaalha, kuna dhaqa dalka caddaalad iyo sarraynta sharciga. Hoggaamiye wax la qabsada dawladaha u hagar baxa dalka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments