Wednesday, April 24, 2024
Home Siyaasadda Khatar sii Kordheysa – Lacagaha Kusoo Qulqulaya Siyaasadda Soomaaliya

Khatar sii Kordheysa – Lacagaha Kusoo Qulqulaya Siyaasadda Soomaaliya

Jamhuriyadda

Ololaha doorashada madaxtinimada oo si buuxda u socda, iyadoo aysan jirin shuruuc adag oo xeerinaysa lacagaha ku soo qulqulaya siyaasadda, si loola socdo loona xaddido kharashka. 

Lacag ku bixinta siyaasadda waxay jirtay tan iyo dowladdii rayidka ahayd. Balse, lacagta uu shisheeyuhu ku iibsanayo saamaynta shakhsi ahaaneed ee musharraxa waa faraggelin ugub ku ah nidaamka doorashada dalka oo curatay burburkii kaddib, deeqduna ma aha “qado bilaash ah.”

Seddaxdii doorasho ee ugu dambeeyay, siyaasiyiinta waxay ka sinaayeen ka fa’iidaysiga hufnaan la’aanta habraac balse, dalka ma awooddo in ilaha dhabta ah ee maalgelinta siyaasadeed uu mugdi ku sii jiro.

Hufnan la’aantaas ma kordhiso keliya musuqa, balse waxay keentaa hoos-u-dhaca matalaad madaxbannaan. Mararka qaarkood waxayba luqunta u gelisaa siyaasiga hawlo “qaran-diid ah” oo khatar ku ah dalka iyo dimuqraadiyadda curdanka ah. 

Ma jiro qaab dalku uga lug bixi karo faraggelinta saamaynta shisheeyaha ee siyaasadda, haddii aan wax laga qaban dhaqanka siyaasiyiinta ka dhigaya kuwo u nugul cadaadis shisheeye.

Ma jiro dal oggol in siyaasiyiintiisa lagu hago maaliyad shisheeye amaseba mid aan daahfurnayn.

Si loo xaqiijiyo hufnaanta ololaha siyaasadeed waa inay jiraan hay’ado madaxbannaan oo kormeera ilaha siyaasiga uu ka helo dhaqaalaha iyadoo aan la xaddidin xorriyadda siyaasadeed.

Weliba waxaa loo baahan yahay in hay’adaha sharciga fuliya ay awood u helaan inay baaris ku sameeyn karaan maaliyadda hawlgallada saamaynta shisheeyaha iyo midda aan daahfurnayn. 

Guul waxay qaadataa wax ka badan xirfad siyaasadeed. Casharka laga bartay doorashooyinkii horreyay ayaa ahaa in lacagtu lama huraan u tahay ololaha, balse aysan go’aamin natiijada. 

Marka laga tago ku soo jiidashada codbixiyayaasha hadiyo (laaluush), musharrixiinta madaxtinimada waxay sidoo kale kharash badan ku bixiyaan baraha bulshada. 

Dhinaca kale, dadka dhaleeceeya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa rumaysan inuu si isa soo taraysa u jeediyo khudbado uu uga gol-leeyahay olole dib u doorasho isagoo adeegsanaya masraxa madaxtooyada.

Ma sahlana in laga guuleysto musharraxa la tartamayaasha kale dheer magac, khibrad siyaasadeed, helitaanka adeegyada ilaha dowladda, maaliyad aan la aqoon halka ay ka timid, iyo malaysi guul (presumption of success).

In ololaha madaxweynaha ay si toos ah u tebiyaan dhammaan idaacadaha iyo telefishannada dalka waa xeer aan qornayn balse, lagu dhaqmo. 

Si dheelitir loo helo, waxaan laga maarmayn ah in idaacadaha iyo telefishinada xukuumadda, si siman u tebiyaan ololaha musharrixiinta oo dhan. 

Dalka waxuu u baahan yahay guddi madaxbannaan ee maaliyadda doorashada qaranka “Independent National Commission on Election Financing,” si adag u kormeera dhaqdhaqaaqa lacagta, inta aysan abuurmin hay’ado dastuuri ah oo ku tiirsan shisheeye amaseba u adeegga dano gaar ah.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments