Monday, June 5, 2023
Home Siyaasadda Maxay Astaan u Tahay Guusha Mucaaradka ee Baarlamaanka 11aad?

Maxay Astaan u Tahay Guusha Mucaaradka ee Baarlamaanka 11aad?

Jamhuriyadda

Abril 26, 2022 waxaa magaalada Muqdisho mar kale Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi loogu doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). Sen. Cabdi Xaashi waxuu xilka guddoomiyaha Aqalka Sare hayay intii u dhexaysay 2017 – 2022.

Waxaase cajiib lehayd in maalintii xigtay sidoo kale dib loogu doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo uu horray guddoomiye uga soo noqday intii u dhaxeysay 2008 – 2009.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu wareeggii hore helay 74 cod wuxuuna 24 cod ka dambeeyay Xasan Cabdi Nur (98) oo ahaa musharraxa Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagareen.

Afarta musharrax ee ugu codadka badnaa ayaa u soo gudbay wareegga labaad, balse Cabdullahi Aadan Axmed Black (33) iyo Aadan Maxamed Nuur Saransoor (23) ayaa ka tanaasulayn tartankii.

Sidii dhaqanku ahaa, cod-bixiyayaasha musharraxoodii soo bixi waayay ayaa ugu shubay codkoodii Shekh Aadan Madoobe oo ku guulaystay 163 cod, halka Xasan Cabdi uu helay tiro ka yar intii hore (89).

Warbaahinta Koonfur Galbeed waxay ku ekaatay inay soo tebiyaan sida doorashada u dhecaday keliya. Dadweynaha gobolka waxay saluugsan yihiin awood-qaybsiga ku xukumay in Koonfur Galbeed markastaba u tartamo guddonka BFS. 

Natiijadada dib u doorashada guddoomiyeyaasha labada aqal xilligaan qaska badan waxay afti u tahay hoggaaminta Farmaaja oo sanadihii dambe hubanti la’aan ku riday dalka. Tan iyo furitaankii kalfadhigii 7aad ee BFS Jun 2020, dalka waxaa ka taagnaa qalalaase dastuur (constitutional crisis).

Cilladdaha Madaxweyne Farmaaja waxaa ka mid ahaa inuusan garwaaqsan kala qaybsanaanta dowladda tabna u helin sidii uu ku hoggaamin lahaa nidaam kala qaybsan.

Isagoo kaashanaya guddoonka Golaha Shacabka ayuu Abril 12, 2021 isku dayay inuu Afgambi Dastuur ku helo muddo kordhin, xilli dalka uusan meel isla dhigin doorasho wakhtigeeda ku qabsoonto, xilhayntii baarlamaanka iyo madaxtooyada ay dhammaadeen – December 27, 2020 iyo February 8, 2021.

Doorashada guddoonka BFS ee 11aad waxay diidmo u tahay isku milankii golaha iyo madaxtooyada, oo dhalisay in nidaamka dimuqraaddiga ah si sax ah u shaqayn waayo isu-dheellitir la’aan awgeed. Dad badan oo dhaliilaya baarlamaankii 10aad ayaa sheegaya in Maxamed Cabiraxmaan Mursal uu noqday shaabbad ansixisa dalabka madaxweyne Farmaajo.

Guusha lama filaanka ah ee mucaaradka “nidaam-doonka” ah ayaa madax wareer ku riday maamul-goboleedyadii filayay inay xildhibaanada gadaal ka hagi doonan. Sidoo kale, waxay niyad jab ku riday mucaaradka “nidaam-diidka,” oo hoggaanka labada aqal hoostooda laga qaatay.

Qaranku waxuu maanta u muuqdaa mid u dhaw kala guur siyaasadeed oo nabdoon. Waxaase Farmaajo ku soo fool leh dagaal adag oo laga yaabo inuu xitaa kula tartami doono xilka madaxweynaha musharraxiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo intaba mar ka mid ahaa hoggaankiisa siyaasadeed.

Isbeddelka waxuu la macno yahay in xukuumadda soo socota ay dhab ahaantii qaadi doonto “tillaabooyin dib loogu soo celinayo madax-bannaanidii hay’addaha Dastuuriga ah,” si awood wax ku raadinta meesha uga baxdo. Sidoo kale, waxay caddeynaysaa in Soomaaliya ay heli karto dowlad dimuqraadi ah oo shaqeysa, haddii faraggelinta shisheeye laga daayo.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments