Jamhuriyadda
Codeynta doorashadii ku xiggeenka guddoomiyaha 1aad ee Golaha Shacabka oo ay toban musharrixiin ku tartamayeen ayaa si aqlabiyad leh loogu doortay Abril 28, 2022 gabadhii ugu horreysay taariikhda hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar.
Xulufaysi aan hore loo malaysan karin oo dhexmaray Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Sheikh Maxamuud oo u muuqday “laba daran mid dooro,” ayaa caawiyay in Sacdiya kaga guulaysato 137 cod Maxamed Cali Cumar Caananuug oo markii hore si weyn loo saadaalinayey inuu ku soo bixi doono jagada.
Waxaa la yaab lahayd in Maxamed-Weli Cabdalla Axmed oo haystay 59 cod iyo Khadiijo Maxamed Diirye oo heshay 21 cod tartanka ka tanaasulayn, balse si aan hore loo arag ay taageerayaashoodii uga codsadeen inay codadkooda kala siiyaan labada musharrax oo ka soo wada jeeday mucaaradka.
Labada dhinac ee sida lama filaanka ah codkoodu u beddelay wajiga doorashada ayaa labadii sanadood ee la soo dhaafay hariifo ku ahaa siyaasadda oo midba midka kale rifaya. Madaxtooyada oo argaggax ka qaadday mucaaradka oo maalin ka hor fashiliyay qorshaheedii hoggaanka Golaha Shacabka, ayaa kala soo baxday dersi dhacdada.
Waxaase xiisa dhaliyay in kooxda Nabad iyo Nolol ay guusha Sacdiya Xaaji Yaasiin oo ka tirsan xisbiga Xasan Sheikh Maxamuud uga xanuun yaraatay musharraxa uu Saciid Cabdullahi Deni la damacsanaa.
Sacdiya Xaaji Yaasiin iyo Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde oo ka mid ahaa xildhibaanadii Saciid Deni uu Puntland gacantiisa ku soo xushay ayaa ku gadooday.
Shaxda doorashada Sacdiya oo aad u najaxday waxay fashilisay qorshihii Deni uu ku taageeri lahaa musharraxa Axmed Maxamed Islaam Madoobe inuu helo guddoomiye ku xiggeenka golaha, misna waxay dhaliyay tuhun kala fogayay Madoobe iyo Deni.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in jaahwareerku dhabar jab ku yahay dhammaan maamul-goboleedyada moodayay inay shax siyaasadeed degeen markii ay BFS ku soo qufeen xildhibaano hayin ula muuqday.
Kala safashada mucaaradka ee niyad jabka ku riday Sheikh Shariif Sheikh Axmed, fashilisay Saciid Cabdullahi Deni waxay ka dhalatay xisaab xumo kala fogaysay musharrixiinta madaxnimada ka sokow, ballanfurayo, iyo hagardaamin asxaab sida uu sheegay Maxamed Cali Cumar Caananuug.
Weligeedba natiijooyinka doorashadu waxay ahayeen lama filaan, mana ka dhex muuqdo mucaaradka iyo muxaafadkaba musharrax keligii heli kara aqlabiyadda codka baarlamaanka. Isbahaysi sal-ballaaran ayay u muuqataa inuu yahay dariiqa guusha, balse ma sahlana.
Siyaasadda Soomaaliya waa mid aalaaba xiiso badan. Haseyeeshee xulufeysiga mucaaradka iyo muxaafidka waa mid ugub ku ah taariikhda siyaasadda cusub ee dalka, oo ka dhalatay “xaqiiq siyaasadeed,” balse ma shaqayn kartaa goor kasta?
Su’aasha xiisaha lihi waxay tahay, natiijada tartanka hoggaanka golaha sharcidejinta ma ka turjumi kartaa dareenka codbixiyeyaasha doorashada madaxweynaha?
Jawaabtu uma sahlana sida la moodayo, waayo doorashooyinka Soomaaliya waxay soo saaraan natiijooyin aan la filayn. Haddiise diiradda la saaro sida ay u dhaqmeen codbixiyayaashii baarlamaankii 10aad waxaa soo bidhaamaya doorsoomayaal sida saadaal xiiso leh.
Shaxdii olole ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ku soo dagaal tegay doorashadii 2017, waxay u ekeyd mid aan la loodin karin. Haddana, guushii Maxamed Sheikh Cusman Jawaari ee guddoonka baarlamaanka 10aad oo la ahaa xulufo ma saadaalinin wixii laga filayay.
Taariikhdu haddii ay wax ku ool tahay, guusha hoggaanka Sheikh Aadan Madoobe ee baarlamaanka 11aad uma suuraggelinayso Sheikh Shariif Sheikh Axmed inuu hanto hoggaanka Soomaaliya ee afarta sanadood ee soo socota.
Wax walba maaha caddaan iyo madow. Musharraxiinta xilka hore u soo qabtay waxaa horyaalla caqabado lama filaan ah. Soomaaliya siyaasad ahaan wey qaybsan tahay, doorashada hoggaanka baarlamaanka waxay soo bandhigtay su’aalo ka badan inta ay ka jawaabtay.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.