Jamhuriyadda
Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa dhawaan musharrixiinta ugu cadcad doorashada ka dhex dooran doona hoggaamiyaha afarta sanadood ee soo socda dalka “Villa Somalia” ka hoggaamin doono. Dadka indhaha ku haya xaaladda Soomaaliya ayaa rumaysan in natiijada doorashada ay saameyn weyn ku yeelan doonto dalalka deriska, kuwa gobolka iyo quwadaha caalamkaba.
Hawlaha madaxweynaha cusub uu ka dhaxli doono Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ka mid ah iskudubaridka siyaasadda dibedda oo caqabadaha ugu weyn yihiin sidii loo hagaajin lahaa xiriirrada hoos u dhacay muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo.
Muqdisho weligeedba waxay doorbidaysay nabad kula noolashaha dariska. Taas ayaa horseedday iskaashiga amniga iyo difaaca saddex-geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobbiya, iyo Eritrea.
Tiro ka mid ah musharrixiinta ayaa taageersan isbahaysiga Geeska Afrika. Halka kuwo kalena ay qabaan aragtiyo kala duwan oo qaarkood rabaan in hoos loo dhigo doorka dalku ku leeyahay, iyadoo laga yaabo inay jiraan shakhsiyaad doonaya in si buuxda looga baxo.
Doorashada musharrax ka meermeeraya xubinnimada isbahaysiga Geeska Afrika waxay ka dhigan tahay khataraha ugu weyn ee soo foodsaari karta gobolka waana “is-merjin siyaasadeed” oo cuuryaamin doonta amniga iyo horumarka.
Walow xinka Jabuuti iyo Asmara ku gabtay hiil walaal, haddana Soomaaliya waxay kaga badbaaday faraggelintii Itoobbiyadii TPLF, isbaacsigii Eritrea iyo Itoobbiya, boolaxoofteentii Kenya.
Washington waxay doorashada ka filaysaa saaxiib la isku hallayn karo, waxayna Soomaaliya ula dhaqantaa sidii dal xulufa la ah. Balse, Soomaaliya ma seegi karto inay ka faa’iidsato maalgashiga Shiinaha, iyadoo aan wax loo dhimayn xidhiidhka Mareykanka islamarkaasna aan lagu milmin loollan siyaasadeedka Washington iyo Beijing.
Khubarada amniga iyo diblomaasiyiinta ayaa ku kala aragti duwan waxa ku soo fool leh kaalmadii dalka ka heli jirtay Midowga Yurub haatan oo loo diiday oggolaasho ay ku sii joogaan badda, gondahoodana ka dhalatay colaad. Brussels waxay gacan ka gaysataa miisaaniyadda dalka, iyo maalgelinta ATMIS (AMISOM).
Qof kasta oo xilligaan colaadeed xilka qabta waxuu wajihi doonaa xaalad amni iyo siyaasad dibadeed oo aad u adag, mudnaantiisa koowaad waxayn noqon doontaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Qadar iyo Turkiga oo si aan hagrasho lahayn u taageera dibudhiska hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada dalka.
Dhanka kale, xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa wixii ka dambeeyay Abril 8, 2018 oo boliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) uu ku qabtay lacag dhan ilaa 9.6 malyan doolar garoonka diyaaradaha Muqdisho sii xumaanayay.
Imaaraadku waxuu qabo in go’aanka Muqdisho ee ahaa in xidhiidh dhow la yeelato Qadar uu walaac dhaliyay. Halka Soomaalidu rumaysan tahay in Abu Dhabi ay tahay saaxiib aan la isku hallayn karin oo khatar ku ah dimuqraadiyadda iyo dowladnimadeeda.
Mawqikan waxaa Soomaaliya la wadaaga dawlado carbeed, gaar ahaan kuwa aan hodanka ku ahayn shidaalka (Tuunis, Yaman, Suudan, Jabuuti) iyo kuwa kale sida Liibiya oo faraggelinteeda gudaha dhibsanaya.
Xidhiidhka oo loo jaro Imaaraadka uma ballanqaadayso dalka xasillooni. Talo waxay kusoo uruuraysaa xigmaddii ahayd, “sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabadgalaan”. Soomaaliya waxay u baahan tahay inay xidhiidhku ahaado mid ku dhisan aragti fog, lana yarayo u hanqaltaagga garabsiga Imaaraadka inta ay faragelinta ku hayso dalka.
Albaabbada oo loo furayo diblomaasiyad ku jihaysan mustaqbalka kuna salaysan ixtiraam ma aha wax laga fursan karo, rajaduna waxay tahay inay noqoto mid wax dhista.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.