Jamhuriyadda
Xil isku wareejintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheikh Aadan Madoobe) iyo Maxamed Cabiraxmaan Mursal ayaa u gogolxaartay in Guddiga Doorashada BFS u asteyay qabashada doorashada madaxweynaha May 15, 2022. Taas waxay daliil u tahay horumarka dalka uu ka gaaray awood isku wareejinta nabdoon haba raagtee.
Doorashada waa mid taariikhi ah oo markii ugu horreysay wiil uu dhalay madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan u tartamayo madaxtooyada. Ma la qiyaasi karo saamaynta uu ku yeelan doono loollanka Abuukar Aadan Cadde oo horey looga aqoon masraxa siyaasadda Soomaaliya. Doorashadu waxay siisaa musharraxiinta cusub fursad, waxayse badanaa ku turunturroodaan caqabadaha ololaha.
Marka la barbardhigo doorashadana tii 2017ka, waxaa soo yaraaday farqiga u dhexeeya musharrixiinta. Xasan Sheikh Maxamuud oo toddobaadyo ka hor fogaa ayaa u muuqda mid soo afjaray masaafo, kaddib markii Nabad iyo Nolol uu kula xulufoobay tartankii Golaha Shacabka. Inkastoo, uu isku dayay inuu gaaro wax aan horay loo arag, haddana ma cadda haddii gulufkaas soo hooy doono guul.
Dadka siyaasadda u dhuundaloola ayaa rumaysan in natiijada hoggaanka baarlamaanka 11aad ay tijaabo billow ah u ahayd awoodda mucaaradka ku dhisi karo xulufaysi. Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo la saadaalinayay inuu la xulufoobi doono Saciid Cabdullahi Deni amaseba Xasan Cali Khayre, ayaa xildhibaannimada uu helay la meel dhigtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah shakhsiyad cirifka taagan.
Sida hadda wax u socdaan, qofna ma saadaalin karo halka doorashada ku dambayn doonto. Balse, Saciid Deni oo natiijooyin niyad jab ah kala kulmay doorashadii hoggaanka BFS, ayaa laga yaabaa inuu haleeli waayo heerkii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee 2017kii.
Way adag tahay in la qiyaaso cidda heli karta codad ku filan xulufo la’aan. Haseyeeshee, marka la eego khibraddiisa hawleed Xasan Cali Khayre waxuu u muuqdaa midka beddeli kara Farmaajo. Natiijada baarlamaanka oo ahayd afti dadban ayaa iftiimisay isbeddalka shacabka u oomman yahay, nijad jabkaasoo laga yaabo inuu ka faa’iidaysto.
Dadka dhaleeceya Khayre ayaa ku doodaya inuu u taagan yahay sii socodsiinta siyaasadda Nabad iyo Nolol. Dhaliilaha loo jeedinayo waxaa ugu horreeya inuu qabo asluub siyaasadeedda Farmaajo oo ku dhisan xoog ku muquunin ciddi ka hortimaad, sida dhacdadii Maxamed Sheikh Cusman Jawaari.
Soomaaliya waxay maraysa marxalad kala guur ah, doorashaduna waxay soo jiidatay indhaha shisheeyaha, iyadoo baro bulsho oo aan la garanayn ay buunbuuninayaan warar been abuur ah. Waxaa suuragal ah in kala qaybsanaanta codadka mucaaradka ay gabbaad u noqoto faragelinta Imaaraadka.
Qof kasta oo guulaysta waxuu hoggaamin doonaa dal daymo halis ah ku jira, wadashaqeyn la’aanta hay’adaha fulintana ay sii xumeyeen xaaladdiisa amni. Taas waxaa wehliya, fadeexado musuqmaasuq oo niyad jab ku riday kalsoonida lagu qabay dowladnimada.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.