Thursday, September 21, 2023
Home Siyaasadda Ma Laga Yaabaa in Madaxweyne Hore Dib Loo  Soo Doorto?

Ma Laga Yaabaa in Madaxweyne Hore Dib Loo  Soo Doorto?

Jamhuriyadda

Soomaaliya waxay May 15, 2022  u jihaysan tahay sanadkii saddexaad oo  doorashada madaxweynaha lagu qabto dalka gudahiisa burburkii kaddib. Dhammaan 329ka xubin ee labada gole – 54 Aqalka Sare ah, iyo 275 kan hoose – ayaa codbixin qarsoodi ah ku kala dooran doono musharraxiinta ugu cadcad, ilaa musharrax uu ka helo ugu yaraan aqlabiyad fudud (BFS barkiisa iyo hal xubin). 

Doorashada oo lagu beegay – malintii la askumay ururka SYL May 15, 1943, ayaa astaan u ah dib u soo noolaynta qiiro waddaninimo. Waxaa taa wehelisa in markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya qof dumar ah, Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan,  ku dhiirrato inay isu soo taagto jagada dalka ugu sarraysa.

Way adag tahay in la saadaaliyo cidda hoggaami doonto tartanka. Doorashadaan waxay kaga duwan tahay kuwii hore in damacii ahaa ha lagu eryo eedaymo ka dhan ah “madaxweynaha xilka haya” aysan xoog lahayn, inkastoo Maxamed Cabdullahi Farmaajo isku dayay inuu afgembiyo dastuurka dalka.

Soddon iyo sagaal (39) musharrax ayaa isdiiwaan geliyay. Tira badnida waxay astaan u tahay shakhsiyaynta iyo anaaniyada ku sii kordhaysa siyaasadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, kororka musharrixiinta waxuu si togan u kordhiyaa codbixiyaayasha qofkii ay rabeen uu soo bixi waayo, taasoo kordhisa fursadda musharraxa ka soo horjeeda madaxweynaha xilka haya.

Dabcan doorasho kasta way ka duwan tahay midda ka horraysa, balse dadka siyaasadda u dhuundaloola waxay qiyaasayaan in Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore midkoodna dib loogu dooran doonin isbeddel ay sidaan.

Warbaahinta ayaa isku raacday in Nabad iyo Nolol ay ku hawlan yihiin doorashada xulkooda 2aad haddii uu Farmaajo u mari waayo kuna kala dhantaalmeen Sheekh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre. Halka tartamayaasha hammigooda ugu weynba yahay in masraxa ka baxo Farmaajo ay u muuqdaan kuwo ka rajo badan.

Marna Soomaaliya kama dhicin madaxweyne dib loo doortay amaseba musharrax aqlabiyad buuxda ku guulaystay wareegga hore toona. Codbixinta sirta ah waxay dammaanad u tahay in codbixiyuhu si xor ah u doorto musharrax ay la tahay inuu ku habboon yahay hawsha.

Falanqeeye khatarta siyaasadda oo aan doonaynin in warbaahinta adeegsato magaciisa ayaa wargeyska Jamhuriyadda u sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud kula xulufoobay “Arjaan” [Saciid Cabdullahi Deni] musharrax suuroggal tahay inuu ku guulaysto tartanka, balse aan la oggeyn.

Si ka duwan doorashadii 2017, dadweynuhu waxuu raadinayaa musharrax nadiifiya musuqmaasuqa soona afjara isqabqabsiga hoggaanka siyaasadda.  Waxay si uun uga daaleen soo noqnoqashada khilaafaadka siyaasadeed oo halis geliya dalka.

Sida xanta sheegayso, haddii Abukar Aadan Cadde xitaa helo codad ku filan si uu u gaaro wareegga labaad, caqabaddaha ugu weyn ee hortaagan Xasan Sheikh iyo Deni ayaa ah codbixiyeyaasha aan ka soo jeedin Hirshabeelle iyo Puntland ka sokow, kuwa ku deeganka ah ee ka niyad jabay dhaqankooda siyaasadeed.

Doorshadu waxay ku xidhan tahay doorsoomayaal isku dhaf ah oo guur-guura welina aan saldhigan, mana jiro cid la dhayalsan karo waqtiga xaadirka ah.

Dalku waxuu weli ku kala qaybsan yahay jihaynta mustaqbalka siyaasadeed mana cadda in doorashadu tahay mid sida isbeddel amase dibuhabayn fikirka. Qofkasta oo guulaysta Axadda waxuu la kulmi doonaa dhibaatooyin badan oo siyaasadeed oo ay uga sii dareen isqabqabsiga hoggaanka qaranka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments