Wednesday, April 24, 2024
Home Siyaasadda Qalbi Dhagax Ma Garawsan La’yahay Dabinta Mise Shisheeye ayuu u Adeegayaa?

Qalbi Dhagax Ma Garawsan La’yahay Dabinta Mise Shisheeye ayuu u Adeegayaa?

Jamhuriyadda

Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbi dhagx wuxuu ka mid ahaa hoggaanka ONLF oo ahayd jabhad xurayn. Sida jabhadaha Somaaliyeed oo idil (SSDF, SNM, USC) qabiil kama marnayn askumideeda sida uu muujinayo magaca qudhiisa – Ogaadeen – oo loogu magac daray hal beel. Ha ugu weynaato hadday rabto, balse ma aha inay inkirto ama daboosha jiritaanka beelaha ay deegaanka la wadaagto.

Taasi ma yaraynin in shacbiga Soomaaliyeed uu taageero halgamayaasha ONLF ee ku dagaallamayay magaca deegaanka Soomaaliyeed oo idil. Marka la asaasay gobollada qowmiyadaha Itoobbiya ee deegaanka Soomaaliyeed, ONLF waxay ka qayb qaadatay dawlad goboleedka. Balse markay aragtay siyaasadda Itoobbiya oo ay horseedaysay TPLF, jabhadda ONLF (1994) waxay ka baxday isbahaysiga xukuumad goboleedka waxayna dib u billowday iskacaabintii. Itoobbiya (TPLF) waxay degaanka Soomaaliyeed ka lahayd laba ujeeddo oo waaweyn:

  1. Degaanka waa midka keliya oo dhab ka dhigi karo riyada dhaqaaladeed ee TPLF oo ah in la sameeyo mashaariic ballaaran ee beeraha (large agricultural projects) oo suuraggelin kartay raasumaal uruursi “Capital accumulation” oo u ah shardi inay Itoobbiya ka gudubto nidaamka feudaliga (feudal system) oo ay u gudubto dal casri ah (modern country). Deeggaannada kale ma laha dhul bannaan oo waraab geli karo. Haddii uu jirana waa dhul duqoobay oo quruun soo socotay ku sameeysay (exploitation) oo aan ahayn dhul hodan ah ama cosob ah. (Falsafadda hantiwadaagga EPRDF oo ay afduubataay TPLF).; iyo
  2. Lasoo bixidda batroolka deegaanka oo xallin karo mashaakilka shidaalka Itoobbiya. Waxaa ceelkii ugu horreeyay la qoday 1994 “Cobolle” waxaana la qoorsheeyay sahaminta (exploration) deegaanka oo idil.

ONLF way horistaagtay qoorshaha TPLF waxayn qarxisay rugta ceelka ee Cobolle 1994. Taasoo adduunka tustay mashaakilka gobolka kashiftayna qoorshihii TPLF. Jabhadda ONLF waxay taageero ka heshay shacbiyada dalalka Galbeedka oo dawladahooda ay colaadinayaan dalka Shiinaha.

Intaas haddii aanu arar uga gudubno. Qalbi dhagax wuxuu waqtiga la xiri doono (August 2017) uu joogay Soomaaliya – gobolka Mudug, oo u ahayd dal taageersan halganka ONLF. Shakhsiyadda iyo doorkiisa hoggaamineed aad uma cadda, balse wuxuu ku lahaa shacbiyad Soomaaliya gudaheed gaar ahaan gobollada dhexe.

Khabiir amni oo aan doonaynin in warbaahinta ay adeegsato magaciisa ayaa wargeyska Jamhuriyadda u sheegay in Qalbidhagax iyo labo sarkaal oo Eritrea ah lagu arkay Xarardheere wax yar ka hor inta aan la qaban.

Xilligaas Itoobbiyada TPLF iyo Eritrea waxay isku dul baacsanayeen Soomaaliya. Xiritaanka iyo u dhiibiddiisa Itoobbiya iyo – kaba darane – ku dhawaaqidda in jabhadda ONLF ay tahay urur argaggixiso waxay ahayd gardarro kumana habbooneyn in dawlad Soomaaliyeed ay ku kacdo, walow dib ka xallintoodii ay ONLF raali ka ahayd.

ONLF lama dirirayn shacbiga Itoobbiya, waxay u diriraysay shacbiga Soomaaliyeed ee deggan Galbeedka. Kaddib dhacdadii Cobolle cadaadis, dil, dhac, xabsi, jirdil, iyo xassuq ayay Itoobbiya kula dhaqaadday Shacabka ku nool deggaankaas.

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble casumaada Qalbi dhagax waqtigan xasaasiga kama aha waddininimo iyo xitaa sixitaan khalad taariikhayd. Waa fursad aargoosi uu ula jeedo Nabad iyo Nolol gaar ahaan Xasan Cali Khayre oo ahaa ninka xukuumadiisu fulisay xarigga Qalbi dhagax iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Rooble waxuu si kama ah amase ulakac ah u fulinayaa siyaasadda Imaaraadka iyo Kenya.

Tillaabada Rooble waa dabin oo saameyn weyn ku yeelan karto Qalbidhagax. Nasiibdarro, Qalbidhagax wuxuu ku dhacay dabinkaas, taasoo muujinayso in wacyigiisa siyaasadeed ay gaabatay (Eeg khudbadiisa uu jeediyay maalintii uu soo degay  garoobnka).

Haddi uu ka jooggo ka hadalka doorashada waa inuu garawsaday dabinka oo uu isa saxay. Balse, haddii uu sii wato hadalkii uu kasoo billaabay garoonka dayaaradaha wuxuu noqonayaa nin ka mid ah ololaha doorashada “electoral campaign” oo liddi ku ah musharrax ama Nabad iyo Nolol .

Anshax ahaan (Ethically) waa khalad. Ma aha inaan daafacayno Kheyre, Farmaajo ama Nabad iyo Nolol, laakin  hadalkiisa wuxuu noqonayaa olole siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara doorashado. Nin “marti” ah waa inuu ahaadaa dhexdhexaad mana aha inuu “olole” doorashao “dal kale” dhexda kaga dhacaa.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments