Jamhuriyadda
Doorashada madaxweynaha 10aad ee Soomaaliyeed oo ahayd mid xiiso badan ayaa si gaar ah loogala socday Geeska Afrika. Musharrixiinta ku tartamayay madaxtinimada ayaan isku aragti ka ahayn xidhiidhka Soomaaliya la leedahay dowladdaha Itoobbiya iyo Eritrea.
Natiijada tartanka muhiimka ahaa oo go’aaminaysa jihada mustaqbalka Soomaaliya ayaa waxaa turjimideeda ku kala aragti duwanaaday falanqeeyaasha siyaasadda iyo amniga.
Dib u doorashada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa warbaahinta galbeedku u fasiratay inay khalkhal gelin doonto isu dheeli tirnaanta xulufada Geeska Afrika.
Faham-darradaas ayaa malaha waxaa u sabab ah xidhiidhkii dhawaa ee Xasan Sheikh uu la lahaa saldanada Makelle (TPLF) xilligii ay Itoobbiya hagayeen, iyo isagoo ahaa nabaddoon (peace activit) si ba’anna u dhaliili jiray awood ku xallinta khilaafaadka gobolka ee Abiy Axmed Cali, Isaias Afwerki, iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Sidoo kale, ka wada shaqayntii danaha guud ee Farmaajo iyo Abiy Axmed ee labada dhinac iyo kuwa gobolka ayaa loo turjumay maslaxo shakhsi, iyadoo guuldarrada Farmaajo la dhigayo mid albaabaha u furi doonto xidhiidh Soomaaliya ay la yeelato jabhadda TPLF ee col u joogga ah.
Aragtidaas waxay ka ildhuuftay in xasilloonida iyo amniga Soomaaliya uu si toosan amaseba togan ugu xiran yahay midka Itoobbiya. Xasan Sheikh dib uguma noqon doono qaladkii Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam, haba ku cadaadiyaan reer galbeedkube.
Shaki kuma jiro in taageeradii Tigreega talada Addis Abab hayay uu Xasan Sheikh Maxamuud ku soo naalooday, balse taasi micnaheedu ma aha inuu mar walba ku aragti ahaa.
Si kastaba ha ahaate, lama ogaa mowqifka rasmiga ah ee Madaxweynaha cusub uu ka qaadan doono Iskaashiga Amniga iyo Difaaca saddex-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobbiya, iyo Eritrea, balse dib oo looga laabto guushii Madaxweyne Farmaajo ka soo hooyay Addis Ababa ee ahayd inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya waa ismarjin siyaasadeed.
Axdigaas waxuu si dadban u wiiqay isbahaysigii Itoobbiya iyo Kenya kaddib markii ay ku kala aragti duwanaadeen habka loola dhaqmayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheikh Maxamuud oo madaxweyne horray uga soo noqday Soomaaliya intii u dhexaysay 2012 ilaa 2017 lehna waayo aragnimo ku filan xagga xafiilkanka “geopolitics”-ka waxaa looga fadhiyaa inuu fuliyo ballanqaadkiisii ahaa, “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.