Thursday, September 28, 2023
Home Siyaasadda Waa Kuma Ra’iisulwasaaraha Kartida iyo Hufnaanta Leh ee Xasan Sheikh uu Xulan...

Waa Kuma Ra’iisulwasaaraha Kartida iyo Hufnaanta Leh ee Xasan Sheikh uu Xulan Doono?

Jamhuriyadda

Xasan Sheikh Maxamuud waxuu la soo baxay guul la yaab leh isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo mar labaad ku guulaysta xilka qaranka.

Dhaqan ahaan, magacaabista ra’iisulwasaaraha waxay dhacdaa caleemasaarka madaxweynaha kaddib, taasoo muujinaysa xil wareejinta. Balse, baraha bulshada ayaa durbadiiba la booday faafinta mala-awaal ah, xilli madaxweynuhu uu wado wadatashi.

Masiibada haysata dalkan iyo Xasan Sheikh-baa waa in dadka aysan kaadsiinyo lahayn. Waxaa laga yaabaa inuu ku dhibtoodo  sidii uu u heli lahaa qof u cuntama shuruudaha xafiiskiisu u dejiyay musharraxa, maadaama xilhayntiisii hore uu madax wareer ka qaaday qofka aan karti lahayn amaseba aan lagu sameyn baaritaan xooggan.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu doonayo “Uomo guisto al posto guisto”. Soomaaliya waxaa caado ka noqotay in madaxweyneyaashu ay magacaabaan in ka badan hal ra’iisulwasaare muddada xilhayntooda.

Waxaa isa soo taraya doodaha ku saabsan tayada cidda noqon doonta ra’iisulwasaaraha. Si loo soo afjaro mala-awaalka ayaa wargeyska Jamhuriyadda waxuu eegayaa cidda ku haboon xilligaan adag jagada.

Sideedaba, musharruxu waa inuu noqdaa qof dowladeed oo daacdnimo iyo kalsooni ku darsaday aragti dheeri uu ku curin karo isbeddel iyo caqli uu ku hagi karo xukuumad daciif ah isagoo aan xafiiska khilaaf u soo jiidin kana soo horjeedsan mudnaanta ololahii doorashada madaxweynaha balse, aan ahayn hayin malafsanaya hantida qaranka.

Run ahaantii madaxweyne Xasan Sheikh waxuu xilhayntiisii hore ku xujoobay xil la wadaagista dad aan layska hubin tayadooda iyo mooshinno aan dhammaanayn oo ka dhashay isqabqabsiga hoggaanka. Khaladka waxuu ka imanayay Dastuurka qabyada ah oo aan kala saareyn awooddaha iyo khilaafka oo suuqa la soo dhigayay!

Si looga fogaado dhaqankaas, waxaa loo badan yahay inuu qofku noqdo “technocrat” khibrad, karti iyo hufnaan leh, fahamsana habraaca baarlamaanka si uu dabada uga riixo dhammaystirka dastuurka.

Qof diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in aysan jirin wax soo jeedin ah oo rasmi ah oo cid loo jeediyay. Balse, ma xumaan lahayn in la tijaabiyo dumar, taasoo noqon doonto horumar casri ah oo uu dalka hore ugu tillaabsan. Xasan Sheikh waxuu taariikh wanaagsan u leeyahay inuu haweenka u dalacsiiyo darajooyin sare.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments