Wednesday, September 28, 2022
Home Dhaqaalaha Khatar Cabsi Leh - Xaalufinta Midowga Yurub Ka Wado Badda Soomaaliya

Khatar Cabsi Leh – Xaalufinta Midowga Yurub Ka Wado Badda Soomaaliya

Jamhuriyadda

Soomaaliya oo leh xeeb dhirirkeedu le’eg tahay 3,333 kilomitir kuna fadhida aag dhaqaale u gaar ah (EEZ, exclusive economic zone) oo ka badan hal malyan kilomitir oo isku wareeg ah ayaa ka mid ah goobaha ugu qanisan kalluumaysiga adduunka oo aan weliba si weyn looga faa’iideysan. 

Aaggan badda usii galaya ilaa 370 km dal shisheeye kalama bixi karo khayraad nooc kastya ha ahaado iyadoon ogayn Soomaaliya. Haseyeeshee, tan iyo burburkii nidaamkii kelitaliska waxaa fara ba’an ku hayay xaalufinta kalluumaysiga sharcidarrada ah oo had iyo jeer ka baxsada baaritaannada siina kordhay wixii ka dambeyay hoos u dhacay burcad-badeedda.

Blue Marine Foundation ayaa May 20, 2022 sheegtay in dalalka Midowga Yurub ay u fasaxeen maraakiibtooda inay si sharcidarro ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya. Hay’adda OceanMind ayaa soo bandhigtay dhaqdhaqaaq kalluumeysi oo ay wadeen maraakiib Isbayn (Spain) iyo Faransiiska leeyihiin. 

Kalluumaysigan oo qawaaniinta adduunka oo idil khilaafsan wuxuu si daran u xaalufiyaa tabdin (Tuunada) nooca loo yaqaan “Bluefin ama albacore” (Tuna alalunga) oo aad loo jecelyahay.

Soomaaliya ayaa dhibaato ku hayaan maraakiibta kalluumeysiga Midowga Yurub oo ciidamada badda “Atlanta” hoos yimaadaan kuwaasoo ku cadaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay siiso muddo kordhin dhan sagaal bilood, balse marnaba iska xil saarin inay wax ka qabataan xaalufinta sharcidarrada ah.

Maraakiibta Giriiga, Talyaaniga, Portugal, Isbyn, iyo Fransiiska ayaa taariikh kalluumaysi sharcidarro ah ku leh Galbeedka Afrika, taasoo caddaynaysa in Midowga Yurub uu hagoogayo xaalufinta biyaha Soomaaliya. Waxaa daliil ka ah in aqoonyahannada daraasadka samayay markay kala hadleen xaalufinta badda Soomaaliya ay ugu jawaabeen: haddeer kuma tala jirno inaanu yareeyno.

Sawirro dayax-gacmeedka qaaday ayaa muujinaya maraakiib Yurub oo sanduuqyo ku gurayo kalluun noocyada aan la nidaamin oo ay ka jilaabteen aagagga mamnuuca ah (marine reserve area), taasoo kor u qaadday walwalka laga qabo saamaynta xun ee ay ku yeelan karaan kaydka kalluunka iyo hab-nololeedyada badda – marine ecosystems.

Maraakiibtaas waxay kalluumaysan karaan muddo dheer iyagoo ku rogaya tacabkooda maraakiibta qaboojiyeyaasha oo ku sugan cirifka biyaha caalamiga ah ee aaga dhaqaalaha u gaarka ah dalka (EEZ). Soomaaliya ma laha awood ay ku mamnuucdo amaseba kaga xannibto soo gelitaanka biyaheeda.

Daraasadka waxay kaloo sheegtay in 2020 uu ahaa sannadkii ugu darnaa oo badda laga xalufiyay saddex dalool  labo oo lagu qiyaasay inuu kalluunkaas ahaa “Tabadin” oo ay ka qaadanayso 10 (toban) sano si uu isusoo taro.

Marka laga reebo, ganacsiga maandooriyayaasha iyo hubka, kalluumaysiga sharcidarrada ah waa fal dambiyeedka saddexaad ee ugu ribix badan caalamka. Dowladda Soomaaliya wuxuu xil weyn ka saran yahay badbaadada khayraadka dalka.

Dalku waxuu leeyahay ilaa 604 nooc oo kalluun ah, kuwaasoo 420 ka mid ah ay yihiin kuwo ganacsi gal ah. Maraakiibta kalluumeysiga ee dalalka Yurub iyo Aashiya ee loo soo jiheeya badda Soomaaliya waxaa u sabab ah “tuunada” oo aad u qiimo badan.

Warbixinta waxay kaloo muujisay in maraakiibtani, gaar ahaan kuwa dalka Isbayn (Spain) ay demiyaan qalabka loo yaqaan (AIS, automatic identification system) oo khasab ku ah maraakiibta waaweyn oo idil kaasoo sheegaya goobta uu markabku kaga sugan yahay biyaha si uusan markab kale ugu dhicin.

Sidaas daraaddeed, DFS waxaa waajib ku ah inay wadahadallo diblomaasiyadeed la yeelato Midowga Yurub si ay ugala xaajooto dhaqdhaqaaqyada maraakiibtooda si ay u joojiyaan ku xadgudbka madaxbanaanida qaranka Soomaaliyeed islamarkaasna loo hubiyo inaanay ku lug lahayn tahriibka hubka sharcidarrada ah. Baarlamaanka (BFS) waxaa isna waajib ku ah inuu dhammaystiro sharuucda badda si kuwa ku xadguba loo marsiiyo qaanuunka.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Somalia’s Vigilante to Eradicate al-Shabaab

By Abukar Arman In a country that is never short of hot button issues, lately the Ma’wisley issue has been stirring...

Washington Waxay U Baahan Tahay Inay Dib U Eegto Siyaasadda ay Kula Dhaqanto Soomaaliya

Jamhuuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaalkiisii ugu horreeyay, tan iyo markii dib loo doortay ku tegay magaalada Washington, ayaa...

William Ruto Door Hoggaamineed Ma Ka Qaadan Doonaa Xajinta Xiriirka Dersi Wanaagga?

Jamhuriyadda Xaflad lagu qabtay Talaadadii September 13, 2022 garoonka “Kasarani Sports Center” ee Nairobi kana qaybgaleen marti-sharaf uu...

Will China’s debt cancellations make a difference?

By Harry Verhoeven While welcome, Beijing’s debt relief for 17 African countries will likely have more political than...

Recent Comments