Jamhuriyadda
Xaflad ka dhacday Villa Somalia Isniintii May 23, 2022 ayaa Xasan Sheek Maxamuud si rasmi ah loogu wareejiyay xilka madaxweynaha dalka, taasoo ka dhigtay hoggaamiyihii ugu horreeyay taariikhda Soomaaliya oo mar labaad xilka qaranka qabta kaddib markii uu ku guulaystay May 16, 2022 doorashada madaxtinimada Soomaaliya.
Masiibada haysata dalka iyo Xasan Sheekh-baa waa in dadka aysan kaadsiinyo lahayn. Intuusan xilka si rasmi ah ula wareegin Madaxweynaha cusub ayaa warxbaahinta iyo baraha bulshada laysla dhexmarayay warar dhab ahaantii “maxkamad lagu saarayo!!”
Sida muuqata, ujeeddada ma aha Xasan Sheekh, balse waa qaranka Soomaaliyeed oo la rabo inuusan kiciin. Taasna waxaa rabi kara cadawga Soomaaliya ee gudaha iyo dibadda oo is-biirsaday. Waxani waa wax aan la arag amase aan la maqal. Ma dhici kartaa in sidaas loo hujuumo Madaxweyne isagoo aan weli xilka la wareegin?
Malahaa Xasan Sheekh waxuu go’aansaday lana ogaaday inuu xilka cusub ku Khaatumo Suubsado. Taas waxay keeni kartaa inuu xiriirka u gooyo amase uusan taladooda qaadan kuwii ay isla ahaayeen mucaaradka nidaam-diidka ahaa oo ugu shubay codadka lagu doortay sida Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame, Cabdulqaadir Cosoble iyo Caddow Cali Geesay.
Munaasabadda ay ka soo qaybgalay Guddoonka BFS, Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, iyo marti sharaf kale waxaa ka maqnaa oo malaha caro meel la jiifa mucaaradkii nidaam-doonka ahaa ee u hiiliyay sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, iyo siyaasiin uu malaha u diiday inuu ra’iisulwasaraha siiyo iyaga amase cid ay soo jeediyeen.
Waxaa xitaa la sheegayaa inuu Maxamed Cabdullahi Farmaajo weydiistay inuu la shaqeeyo oo uu isna ka oggolaaday, taasoo ah tillaabo dalka hore u qaaday, balse kordhin karta carada, inkastoo Xasan Sheekh iyo Farmaajo iskaga dhow yihiin sida la modayo.
Barnaamijada Farmaajo uu ka fuliyay dalka muddo xilhayntiisii 2017 – 2022 oo idil waa kuwii Xasan Sheekh uu billaabay. Waa ninka Kenya maxkamada adduunka geyay islamarkaasna qaadkeeda joojiyay isagoo u cuskanayo caafimaadka dadka iyo dhaqaalaha.
Waa madaxweynihii billaabay dib u dhiska Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo tababarkooda Turkiga. Bankiga Adduunka (WB) iyo IMF-taba la galay heshiiska dibuhahaynta maaliyadda iyo Bangiga Dhexe, iwm., taasoo labada madax siyaasad ahaan ka dhigtay isku wadiiqo.
Dabcan dhaliili waa furan tahay, balse weerarka la weeraraayo hoggaamiye aanba billaabin hawshii loo soo igmaday waa weerar qarannimada Soomaaliya lagu qaadayo.
Madaxweynaha sida rasmiga ah dib loogu doortay ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo aan ahayn mid siyaasadeed, balse uu diiradda ku saaray yoolka mustaqbalka. Waxuu xaqiijiyay in ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea ay yihiin kuwo Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadan doona dib u xoreynta dalka.
Ma sahlana dib u hoggaaminta waddan aan madaxweynayaasha marna dib loo soo dooran. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga filayaa in xilhayntiisa labaad noqoto mid cusub oo aysan noqon keliya sii socodkii xilhayntiisii hore.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.