Jamhuriyadda
Mudda xileedkii Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu Madaxweynihii tagay Maxamed Cabduullaahi Farmaajo sandulli uga dhigay Guddoomiyaha Koonfur Galbeed ayaa ku eg Disembar 19, 2022 iyadoo la sheegayo in soo daynta Mukhtar Roobow Cali aad u soo dhawaatay.
Laftagareen oo kursigiisa uu ugu fadhiyo shacabka Koonfur Galbeed dilka 15 ruux, wuxuu sababay: cabburin, xarig, hanjadaad, musaafiris, xildhibaanno la xushay, iyo afduubkii Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo loo adeegsaday ciidamada Itoobbiya Disembar 2018kii.
Beryahan waxaa gobolka ka socda abaabul kacdoon ujeeddadiisu tahay in gobolka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo badbaadisa.
Shacabka Koonfur Galbeed oo aad ugu ooman caddaalad ayaa waxaa ka go’an in lagu sagootiyo si nabdoon maamulka boolida ah ee Laftagareen maadaama aysan dalka ka jirin caddaalad kula xisaabtanto dembiyadii uu galay intuu talada hayay.
Aragtida dhaqdhaqaaqa oo ay ka siman yihiin dhallinyarada, hoggaan dhaqameedka, waxgaradka, iyo siyaasiyiinta xorta ah ee gobolka ayaa ah abaabul nabadeed oo aysan habayaraatee ka muuqan gacan-ka-hadal amase aargoosi.
Dhanka kale, waxaa duufaanta kacdooneed aad u dareensan Cabdulcasiis Laftagareen iyo taageerayaashiisa oo uu ugu horreeyo soddooggisa xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub oo lagu tuhunsan yahay inuu ku mushquulsan yahay abaabul colaadeed oo ka socda Baydhabo si loo duugo takrafalka ka dhacay gobolka.
Abaabulka oo marayo halkii ugu halista badanayd, gaarayna guluf colaad, ayaa fidno ka dhex-abuuraya beelaha iyo degmooyinka sida tan ka socota Bakool oo ka dhan ah Shiina Macallin Nuurow, guddoomiyaha gobolka Bakool.
Abaabulku wuxuu muujinayaa rajada Laftagareen iyo xulafadiisa ay ka qabaan muddo kororsi hal sano iyo bar ah, xilli xildhibaannada Koonfur Galbeed ay u afduuban yihiin mushaar la’aan muddo lix bilood ah.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa warbaahinta Amaamdhoorey (oo la bah ah Garas Channel, Banooda.com, iyo Afgoye Post) shaaca ka qaaday hees degniin ah oo la magac baxday “No one Year Extension” si wanaagsanna u cabbirayso jawiga Koonfur Galbeed. Miraha heesta ayaa waxay sheegayaan Farmaajo oo ku leh Laftagareen: Texsiyahow aniga waan kaa tagayee tasho.
Laftagareen oo xooggiisa oo idil isugu geeyay dib u doorashada Farmaajo ma uusan diyaarsan xasaanad kale oo ka badbaadin karta masiibada kusoo socota. Arrinkaas ayaa keenay inuu qaado tallaabooyin rajo beel ah sida inuu weerararo cid kastoo mucaaradnimo laga dareemo. Waxaa ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday Xildhibaankii hore Cusmaan Maxamed Caato oo warbaahinta ka sheegay muddo kororsi in aysan ahayn xal suuraggal ah.
Laftagareen amase cid ka tirsan maamulkiisa marna Buur Hakaba ma tagin waxuuna ka mamnuucay horumar iyo gurmad xitaa marka ay abaaraha sida ba’an ugu dhufateen degmada oo ah midda ugu dad badan Koonfur Galbeed.
Takrafalka uu Laftagareen ku dhaqmo waxaa ka mid ah in ninkii ku dhiirrada inuu maamulka wax ka sheego ama isku dayo mucaarad sida xubnaha Xisbiga Amni iyo Caddaalad oo uu ka tirsan yahay Mukhtaar Robow kana mid yahay Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal hoggaanka dhaqdhaqaaqa dhallinyarada iyo siyaasiyiinta xorta ah, in la weerarayo habeenkii gurigiisa.
Halka, kuwa gobolka ka maqan uu u yaallo amar uu Laftagareen bixiyay May 23, 2022 oo ah in marka ay garoonka dayuuradaha kasoo degaan la xiro. Jirdilka waxuu ka yahay caadi xabsiyada gobolka sida midka ku yaal madaxtooyada gudaheeda.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.