Friday, December 1, 2023
Home Diblomaasiyadda Sidee-buu Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya Noqon Doonaa Mustaqbalka?

Sidee-buu Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya Noqon Doonaa Mustaqbalka?

Jamhuriyadda

Muddadii xilka uu hayay Maxamed Cabdillahi Farmaajo xidhiidhka Soomaalya iyo Kenya waxuu gaaray heerkii ugu hooseyay. Inkastoo mucaaridka ay eedda saarayeen Madaxweyne Farmaajo, haddana mushkiladda waxaa ka mid ahaa dacwada soohdinta badda iyo dowladda Uhuru Kenyatta oo ku wajahday arrinka dhaqan leh quursi aan Soomaalida u cuntamayn.

Hawlaha madaxweynaha cusub horyaalla waxaa ka mid ah qiimaynta mawqifka William Ruto iyo Raila Odinga. Nairobi waxay si firfircoon ugu hawlan tahay sidii ay u wiiqi lahayd qarannimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Maamulka Farmaajo wuxuu ku mitiday dacwadii Xasan Sheekh Maxamuud uu u gudbiyay Maxkamadda ICJ, oo Kenya ay rabtay in wadahadal lagu dhammeeyo. Kenya waxay si laballaabtay faraggelinteeda arrimaha gudaha Soomaaliya, xulafana ka raadisay siyaasiyiinta dalka, taasoo barbarsocday ku xadgubkii soohdinta.

Xitaa kolkii Maxkamadda adduunka ay u xukuntay Soomaaliya Uhuuru Kenyatta ma uusan beddelin dhaqankiisi. Lama filan karo horumar degdeg ah haddii doorashada Kenya aysan abuurin isbeddel macquul ah. Labada dal waxaa ka dhexeeya cuqdad dadkooda kala qabaan oo aad u kala fog. 

Dadweynaha Soomaaliyeed waxuu ugu jeedaa Kenya dal haysta gobol Soomaaliyeed, misana kala xiraya isku socodka dadka, badeecada, iyo dunyada oo u baahan inay isu gudbaan si habsami leh oo shuruud la’aan ah. Halka ay Kenya ugu jeeddo Soomaaliya dal halis ku ah midnimada dhulka qarankeeda oo dhawaa ama dheeraaba keeni doono iska horimaad militari. 

Argaggixisada Al Shabaab oo hawlgalkeeda ku baahsan yahay Kenya waxay ka mid tahay cawaaqibta ka dambaysa aragtidaas iyo himilaha shacabka Soomaaliyeed oo hungoobay iyadoo dowladda Kenya lagu eedeeyo inay ku ciqaabto deggaanka Soomaalida inaysan siin mudnaanta uu leeyahay. 

Cuqdadaas oo kale waxay kala dhextaal Soomaaliya iyo Itoobbiya. Balse waxaa la moodaa in isbeddelkii hoggaanka Itoobbiya uu wax badan ka taray horumarinta xidhiidhka laba dhinac. Taasi waxay keentay in Itoobbiya iyo Kenya oo xulufo ku ahaa hagardaamaynta Soomaaliya uu madmadow siyaasadeed kala dhexgalay.

Waxaa cuqdada Soomaaliya iyo Kenya wehelisa in labada dal, diin, iyo  isir ahaan kala duwan yihiin.  Halka Soomaaliya ay ka tahay dal ka kooban hal qawmiyad oo ah isku af, diin, iyo dhaqan ah; Kenya waa dal ka kooban qawmiyado kala duwan, inkastoo ay dhaanto Itoobbiya oo qawmiyadaheedu ay aad u kala duwan yihiin, balse isir iyo af ahaanba  Soomaalida  wax badan la wadaaga (Cafarta, Oromiya, Harar, iyo Dirirdhaba). 

Si kastaba ha ahaatee, burbirkii dalka kaddib hanti badan oo Soomaaliyeed ayaa u guurtay Kenya, taasoo guud ahaan ay ka faa’idsatay marar badanna ay ku cadaadiso dowladda Soomaliya iyo maalgashatadaba. Kenya waxay dhinac kasta ay ka hormarsan tahay Soomaaliya taasoo ka dhigto xidhiidhka mid aad ugu danaynayo.

Khubarada Africa iyo kuwa caalamka waxay Kenya ku dhaliilaan inay saluug iyo quursi kula dhaqanto Soomaaliya iyadoo iska indha tirayso inay ugu dambayntii u baahnaan doonto dalka leh kheyradka baaxad weyn una baahan aqoonta iyo khibradda ay haysato (Tourism and hospitality industry, and Higher Education, Consultancy services and engineering design).

Xidhiidhka qallafsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo aan ugub ku ahayn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mararka qaar jahwareer ku riddo cidda aan si qoto dheer ula socon. Soomaaliya waxay dhab ahaantii u tahay dhaqaalaha Kenya ee dhibaatada ka soo gaartay Covid-19 il-ganacsi oo muhiim ah. Balse, ma aha mid dakhli ee waa mushkilad bulsho. 

Dhinaca kale, qaadku wuxuu dhaqaalaha Soomaaliya ku hayaa dhibaato, sababtoo ah waxaa ku baxa lacag adag. Teeda kale waa maandooriye halis ku ah bulshada Soomaaliyeed caafimaad ahaan, qoys ahaan, iyo dhaqaale ahaanba. 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa gacanta u soo galay turub siyaasadeed. Beeraalayda yaryar iyo ururrada ganacsiga Kenya waxay culeys siyaasadeed (Political pressure) oo lixaad leh ku hayan Uhuru Kenyatta iyo musharrax uu taageerayo.

Sidaas darteed, inta aan lagu mashquulin qaadka amaseba isku dheellitirka ganacsiga labada dhinac waxaa haboon in si taxadar leh laysku isweydiiyo, yaa Soomaaliya dan u ah.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments