Jamhuriyadda
Boqashada Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed iyo kuwa xiga ee uu damacsan yahay inuu ku tago gobollada kale oo Galmudug ugu horrayso waa socdaal ifin doono hordhaca siyaasadda Xasan Sheekh, si guud ahna u qeexi doonto ahmiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u leedahay xiriirka kala dhexeeya maamul-goboleedyada.
Balse, booqashada Baydhabo waa mid shacabka gobolka si xiiso leh u sugayeen. Koonfur Galbeed waa maamul-goboleedka ugu takrafalka iyo dulmiga weynaa ee maamulkii Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Booqashada waxay isu keenaysaa saddex dhinac oo mid waliba uu leeyahay himilo gaar u ah oo sida ay isu yimaaddaan dadaal iyo tanaasul xooggan u baahan tahay.
Ugu horrayntii, gobolku wuxuu leeyahay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed (BFS) ugu tiro badan oo loo haysto inay isku duuban yihiin saameynna ku leeyahay Cabdulcasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo gacantiisa kusoo wada-xushay isagoo qaarkood u boobay xaq ay dad kale leeyihiin.
Waxaa taas weheliya in Guddoomiyaha Barlamaanka 11aad uu gobolkiisa yahay oo isna loo malaynayo inuu xildhibaannada ugu yaraan qaarkood ku yeelan karo saameyn.
Ugu dambayntii, dadweynaha gobolka waa dad aad u jecel nabadda oo aan ahayn kuwo u janjeera dagaal iyo xoog-sheegasho. Waxuu afartii sano ee la soo dhaafay ku nasiibsaday maamul lagu khasbay misna noqday mid dadweynaha cabburiyo sida keligiitalisyada qaaradda, gaar ahaan marka laga hadlayo caddaalad iyo horumar.
Sida gobollada kale, dadweynaha waxaa u daran in gobolka ka dhacdo doorasho sannadka dhammadkiisa, haba ahaatee mid dadban, si maamulka haddeer jiro ay ugu sagootiyaan isagoon muddo kordhin la siin. Waxaa kaloo shacabka lama dhaafaan u ah in Mukhtaar Roobow Cali lasoo daayo sida ugu dhakhso badan.
Maamulka Cabdulcasiis Laftagareen oo muddadiisa ku eg tahay 19ka Diseembar 2022, udub dhexaadna u yahay janaaral Mahad Cabdiraxmaan Shub wuxuu hammigiisa yahay in aan loo dabaggalin dembiyadii uu galabsaday iyo xasuuqii sababay geeridii 15ka ruux.
Oggololaashaha Villa Somalia ee inuu Madaxweynaha xaarigga ka jaro mashaaricda cusub ee Baydhabo, iyo aamuska Xasan Sheekh ka aamusay soo daynta Mukhtaar Roobow waxaa ka dhashay inuu Laftagareen ku hammiyo inuu la shaqeeyo Xasan Sheekh isna la siiyo xasaanad iyo muddo kororsi hal sano ah.
Waxaa maamulka taas ku dhiirriggeliyay ka maqnaashaha Baydhabo dhammaan hoggaankii madaxbannaanaa ee dadweynaha iyo inaysan soo geli karin magaalada oggolaasho la’aanta Laftagareen.
Madaxweyne Xasan Sheekh hammigiisa ugu weyn waxuu u muuqdaa inuu yahay inuu ka badbaado dagaal joogta ah oo u dhexeeya dawlad goboleedyada iyo DFS sida ku dhacday Farmaajo, walow uu haystay saddex maamul goboleedyo oo hayin u ahaa.
Sida warbaahinta ay tebisay waxaa laga yaabaa in Xasan Sheekh uu la gaaray Lagtagareen is-afgarad buuxa kaddib markii labadooda ay qaateen shir albaabbada u xiran yihiin. Madaxweynaha wuxuu malaha ka helay Laftagareen wada shaqeyn buuxda gaar ahaan dibuheshiinta gobolka, danaha shacabka iyo gargaarka abaaraha ba’an. Ilo xogogaal ah waxay sheegayaa inuu arrinka muddo kordhinta kula taliyay inuu yahay mid u yaal isaga (Laftagareen) iyo gobolka.
Madaxweynaha cusub waxuu laalay dhammaan dalabbadka iyo rabitaanka dadweynaha gobolka oo ay ka mid ahaayeen xorriyadda Mukhtaar Robow, caddaalad iyo doorashada ku dhacdo waqtigeeda wuxuuna malaha ka doortay daacadnimada maamulka Laftagareen oo u ballanqaaday inuu hayin u ahaanayo Villa Somalia siduu ugu ahaa berigii Farmaajo.
Marka uu Madaxweynaha cusub ku dhawaaqo go’aanka waxaa hubaal ah inuu beelayo kalsoonida dadweynaha gobolka, balse waxaan la saadaalin karin waxa ay noqon doonto falcelinta shacbiga, inkastoo uu yahay shacab dulqaad iyo samir badan.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.