Saturday, April 1, 2023
Home Diblomaasiyadda Sidee Xasan Sheekh Isugu Wadi Doonaa Dalalka Ku Kala Aragti Duwan Dowladnimada...

Sidee Xasan Sheekh Isugu Wadi Doonaa Dalalka Ku Kala Aragti Duwan Dowladnimada Soomaaliya?

Jamhuriyadda

Marti sharaf ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, midka Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweyne ku-xigeenka Koonfur Sudan Riek Machar, Ra’iisulwasaaraha Masar Mostafa Madbouly, midka Itoobbiya Abiy Axmed, Wasiiro ka kala socday dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar iyo qaar kale ayaa isugu yimid xafladda caleemasaarka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacday Muqdisho –  Afisyoon June 9, 2022.

Ka soo qaybgalka madaxda lixaaddaas leh munaasabadda caleemasaarka waxay astaan u tahay dib ugu soo laabashada Soomaaliya hoggaanka gobolka, islamarkaasna hordhac u tahay jihaynta siyaasadda arrimaha dibedda dalka, walow su’aal ay ka taagan tahay sida Xasan Sheekh iskugu wadi doono dowladdaha ku kala aragtida duwan dowladnimada Soomaaliya?!

Dib u doorashada Xasan Sheekh waxay kor u qaadday dareenka isku kalsoonaanta dalka, astaanna u tahay in xasillooni lagu soo afjarayo “hubsiinyo la’aanta siyaasadeed” ee wax u dhimmi lahayd deyn cafinta qaran, dibuhabaynta ciidamada, iyo dimuqraadiyadda curdunka ah. Balse caqabadaha horyaal dalka ma sahlana.

Dadka dhaliila siyaasadda Xasan Sheekh ayaa su’aal gelinaya inuu oofin doono ballanqaadyadiisa, awoodna u yeelan doono xakameynta siyaasiyiinta “Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda,” oo sida dad badan ay qabaan u adeegsan doona qaranka danahooda gaarka ah.

Dhaleecayntu waxay sidoo kale walaac ka muujisay Mahad Salaad – madaxa hay’adda sirdoonka qaranka (NISA), kaasoo laga yaabo inuu wiiqo xorriyada madaniga (rayidka) ah amaseba cabburiyo siyaasiyiinta gudaha, halkii diiradda la saari lahaa arrimaha dalka uu wajahayo sida shirqoollada shisheeye iyo dhagarta argaggixisada arxan la’aanta ah.

Si kastaba ha ahaate, toddobaadkii ugu horreeyay ee xilhayntiisa ayuu Xasan Sheekh dajiyay qaab hoggaamineedka siyaasaddiisa gudaha kaddib markii uu wanaajiyay xiriirka maamul-goboleedyada ka soo horjeeday – Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Siyaasadda dabduugga ayaa u muuqata mid uu ku saxayo isqabqabsiga meertada ah ee sida joogtada ah u dhexyiil dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Dhanka caalamka, Soomaaliya waxay isha ku haysaa inay dib u soo ceshato doorkeedii hoggaamin ee gobolka, Xasan Sheekh-na kama waabanayo mawqif ay Soomaaliya ku saamayn karto dalalka deriska la ah. Waxaa aad loola dhacay halhayskiisi ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

Balse, baaqu ma tirtiri doonin caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan nabadda, hammiga dalkuse waxuu yahay dib u hagaajinta xiriirka dalalka gobolka ee ixtiraamaya qarannimada Soomaaliya waqtigan kalsooni-darrada, tartanka, iyo colaadaha taagan yihiin, taasoo wax tar u leh ka wada shaqeynta nabad.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments