Monday, June 5, 2023
Home Diblomaasiyadda Khatar Dahsoon - Masar Maxay Damacsan Tahay?

Khatar Dahsoon – Masar Maxay Damacsan Tahay?

Jamhuriyadda

Wafdii uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha Masar Moustafa Madbouli ayaa ka mid ahaa marti sharaftii June 9, 2022 ka qaybgashay munaasabadda caleemasaarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Imaashaha Soomaaliya, markii ugu horraysay wafdi heerkaas sare leh, ayaa astaan wanaagsan u ah horumarinta xidhiidhka labada dhinac.

Wixii ka dambeyey khilaafkii khaliijka waxaad mooddaa in xidhiidhkii Muqdisho iyo Qaahira uu gaaray meeshii ugu hooseysay taariikhda, kaddib markii ergaygii waxbarashada ee Masar lagu eedeyay inuu faraggeliyey arrimaha gudaha Soomaaliya (Al-Monitor 15/12/2020).

Arrinka waxuu ka sii daray markii Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dalka ka badbaadinayay colaadaha Khaliijka iyo midda Geeska Afrika ku qasbanaaday inuu dhexdhexaad ka noqdo khilaafka gobolka. Ismariwaaga Masar iyo Itoobbiya waxuu cawaaqib xun ku yeelan karaa amniga iyo xasilloonida dalka.

Si kastaba ha ahaate, Masar waxay haatan isu soo dhawaanshaha Soomaaliya u danaynaysaa dhowr arrimood. Kolka hore, in Soomaaliya oo weligeedba u ahayd garab ay ku cadaadin karto Itoobbiya dib ugu soo celiso saamaynteedii.

Marka xiga, in Soomaaliya ku biirto “isbahaysiga amniga” ee ay ka dhistay gobolka, si dalka loo keento saraakiil ciidamo iyo sirdoon door la-talin ku socda. Taas waxaa wehliya in Masar  ay doonayso inay go’doomiso Itoobbiya diblomaasiyad ahaan xilli muranka biyaxireenka Niil (GERD-the Grand Renaissance dam) uu isku beddeli karo gacan ka hadal.

Ugu dambayntii, Masar oo dalkeedu xasillooni helay, dhawaanna dib ula heshiisay Turkiga iyo Qadar ayaa hammigeedu yahay inay dib u soo ceshato doorkeedii hoggaamineed ee Jaamacadda Carabta iyadoo kaashanaysa Soomaaliya iyo dawladaha carbeed ee aan hodanka ku ahayn shidaalka iyo Ciraq.

Saddexda arrin waxaa mudnaan daran yeelan kara midka labaad oo ay Masar ka doonayso  Soomaaliya inay u hiiliso. Arrinka biyaha waa arrin isku-dhafan (complex) oo go’aan ka  gaariddiisa ku xiran yihiin: Cilmiga Hydrology-ga, eesha uu ku dhaafay gumaysiga Afrika,  injineerinta buuxinta harooyinka biyaxireennada, iwm.

Khabiir Soomaaliyeed ayaa rumaysan in taasi hordhigayso dowladda laba xal oo qur ah: (b) In si cilmi iyo garsoorba leh ay ka gaarto go’aan iyadoo la tashanayso khubarada ku takhususay aqoonta kor ku xusan; ama (t) Inay qaadato go’aan dhex-dexaad ah oo la mid ah midka dowladda Maraykanka, iyadoo kula talisay labada dhinac inay miiska wadahadallada ku dhameeyaan arrinka.

Labadaas waxii ka duwan waa isu diyaari cawaaqibta ka iman karta la safashada ama ka safashada dalka aad seeraha (xadka) wadaagtaan.

Qaahira waxay agoonowday kolkii xulafadeeda Riyad iyo Abu Dhabi midkoodna uusan ka tixgelin la heshiintii Dooxa iyo Ankara. Quursigaas ayaa ku kallifay inay iskaga fogaato siyaasadda Imaaraadka ee xoog-ku-dirirka ahayd.

Waxaa u soo baxday inaysan danteedu ku jirin ka soo horjeedka Turkiga iyo Qadar. Waxayse caradeeda sii kordhiyay xidhiidh dhow ee Imaaraadku la yeeshay Itoobbiya.

Shaki kuma jiro, in isku soo dhawaashaha Muqdisho iyo Qaahira uu faa’iido u leeyahay labada dhinac. Haddaba, haddii Qaahira ixtiraamayso qarannimada dalka waxba kuma jabna in “lala yeesho iskaashi dhaqaalaha iyo mid ganacsiba, si loo horumariyo dano guud oo ka fog ku kala duwanaanshaha istraatijiyadeed” ayuu yiri dhaqaaleyahan Soomaaliyeed.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments